WhatsApp oo u ogolaaneyso dadka isticmaala in ay lambar la'aan adeegsadaan app-ka

WhatsApp

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Zoe Kleinman
    • Role, technology and AI editor
    • Author, Liv McMahon
    • Role, technology reporter
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

WhatsApp ayaa diyaar u ah inay dadka u ogolaato inay sheekaystaan iyagoon u baahnayn inay shaaciyaan lambarkooda taleefanka - iyagoo beddelanaya magacyadoodo gaarka ah.

Waxay dunida oo dhan gaaraysaa bilaha soo socda taa oo ay ka faa'iideysan doonaan saddex bilyan ee qof ee haysta akoonnada barnaamijka, sida ay sheegay shirkaddu.

Toddobaadkan, isticmaalayaashu waxay bilaabi karaan inay magac u kaydsadaan abka, inkastoo aysan qasab noqon doonin.

Shirkaddu waxay sheegtay in dadku ay awood u yeelan doonaan inay ka saaraan ama beddelaan magacyadooda wakhti kasta.

Marka si buuxda loo hawlgeliyo, isticmaalayaasha WhatsApp waxay awoodi doonaan inay isku xirmaan ka dib markay is dhaafsadaan magacyadooda oo keliya. Wali waxaa jiri doona ikhtiyaarro lagu xannibo ama lagu soo sheego farriimaha aan loo baahnayn.

Magacyadu waxay ku koobnaan doonaan 35 xaraf waxaana jiri doona xaddidaadyo yar, marka laga reebo qaar ka mid ah dadka mansabka leh iyo dadka caanka ah oo aan magacyadooda looogolaan doonin cid kale.

Markaa waxay u badan tahay in WhatsApp u xadidoono in ay jiraan dadyoow xad dhaaf ah oo ku qoran kara akoonkooda Donald Trump, tusaale ahaan.

Shirkadda ay leedahay Meta waxay magacyada isticmaalayaasha ku tilmaantay astaan sir ah.

Alice Newton-Rex, oo ah madaxa wax soo saarka WhatsApp, ayaa sheegtay in ay ka maqashay isticmaalayaasha in aysan mar walba rabin in ay la wadaagaan lambarada taleefanadooda si ay ula xiriiraan dadka kale, gaar ahaan kuwa wada sheekeysiga ah.

Waxay sheegtay in ay rajaynayso in sifada ay "siisay isticmaalayaasha koontaroolka sida ay u dooranayaan" abka.

Sideen u kaydsadaa magaca aan ku isticmaali doono?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida laga soo xigtay Meta, magacyada lagu isticmaalayo WhatsApp ayaa la baahin doonaa "si tartiib tartiib ah bilaha soo socda" isticmaalayaasha waxaa la ogeysiin doonaa marka magacooda la furo.

Kuwa doonaya inay kaydsadaan magac ay ku isticmaalaan WhatsApp waxay ka heli karaan akoonkooda ama goobaha profile ee app-ka.

Ikhtiyaarka in la gujiyo oo la kaydiyo magaca isticmaalaha ayaa soo muuqan doona marka la helo.

Laguma samayn karo WhatsApp Web ama Desktop.

Shirkaddu waxay sheegtay inay fursad gooni ah siin doonto hal-abuurayaasha, ganacsiyada yaryar iyo ururrada inay sheegan karaan magaca u gooni ah ee ay ku leeyihiin Instagram ama Facebook si joogto ah.

Laakin qof kasta oo kale ee raba in magacooda hadda jira uu ku beegmo magaca WhatsApp-kooda cusub ama kuwa uu ku leeyahay ababka kale ee Meta waxa ay u baahan doonaan in ay ku xiraan akoonnada ay hadda ku leeyihiin Xisaabaadka shirkadda.

Taasi waxay ka dhigan tahay in xogtaada qaarkood lala wadaago koontooyin badan oo Meta ah, sida Threads iyo Messenger.

Dadka qaar ayaa baraha bulshada kaga cawday in fursadda ay ku kaydsan karaan magaca ay ku isticmaalaan nidaamka cusub ee Whatspp uusan wali u soo bixin.

Shirkadda ayaa dadka u sheegtay in ay "xaqiijiyaan in WhatsApp-koodu uu yahay noocii ugu dambeeyay oo ay mar kale soo dejistaan, ishana ku hayan app-kaga".

A graphic provided by WhatsApp shows a series of illustrated user profiles with usernames instead of phone numbers.

Xigashada Sawirka, WhatsApp

Walwal la xiriira xogta gaarka ah

Barnaamijka fariimaha ee amniga ah ee Signal ayaa soo bandhigay adeeg la mid ah midkaan sannadkii 2024.

"Waa astaan wanaagsan, laakiin xitaa haddii uu yahay mid astura xogta gaarka ah, xasuuso WhatsApp guud ahaan maaha app ku dheereerya asturida xogta gaarka ah," ayay tiri Carisa Veliz, oo ah borofisar ka tirsan Jaamacadda Oxford iyo qoraaga Privacy is Power.

"Waxay ururisaa xog badan oo ku saabsan isticmaalayaasha ujeeddooyin suuqgeyn.

"Waa inaan xasuusannaa in WhatsApp ay leedahay Meta - oo ka mid ah shirkadaha tiknoolajiyada ee leh rikoorada ugu xun marka ay timaado asturidda xogta."

WhatsApp uma isticmaasho macluumaadka sheekaysiga gaarka ah xayeysiis. Kuwaas waxaa ilaaliya sirta ee adag, taasoo la micno ah in shirkaddu aysan akhrin karin macluumaadka fariimaha.

Laakiin waxay isticmaashaa xogta - sida goobta aad joogto iyo macluumaadka akoonkaaga aasaasiga ah sida da'da - si ay ugu adeegsato xayeysiin.

Marka barnaamijkaan si buuxda loo soo bandhigo, lambarrada taleefanka shaqsiga ah mar dambe laguma arki doono WhatsApp.

Ma jiri doono qaab loo raadin karo magacyada dadka ee WhatsApp isticmaala, lambarrada taleefankana wali waa loo baahan doonaa si aad u lahaato akoon WhatsApp marka hore.

Dadka qaar ayaa walaac ka muujiyay in magacyada isticmaaluhu ay horseedi karaan khiyaanooyin dheeraad ah oo ka dhaca madasha.