Kenya oo ka hadashay howlgallada ka dhanka ah ajaaniibta aan shariga haysan ee dalka ku sugan

Xigashada Sawirka, Ministry of Trade
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aan la soo saarin wax amar ah oo ajaanibta dalka ku sugan loogu sheegayo inay Kenya ka baxaan, kaddib dood ka dhalatay hadallo uu Madaxweyne William Ruto ka sheegay ka qaybgalka ajaanibta ee ganacsiyada yaryar.
Wareysi gaar ah oo uu BBC-da siiyay Wasiirka Maalgashiga, Ganacsiga iyo Warshadaha, Lee Kinyanjui, ayuu ku sheegay in dowladdu ay qaadayso tallaabooyin lagu qancinayo muwaadiniinta ajnabiga ah iyo maalgashadayaasha walaaca ka muujiyay fasiraadaha kala duwan ee laga bixiyay hadallada madaxweynaha.
Kinyanjui ayaa sidoo kale meesha ka saaray in xaaladda Kenya lala barbar dhigo dhacdooyinkii ajaanib-diidka ahaa ee ka dhacay Koonfur Afrika.
"Ma jiro wax isbarbardhig ah oo u dhexeeya xaaladda Kenya iyo tan Koonfur Afrika, Waxaan hubin doonnaa in arrintan aan laga leexin macnaheeda. Kenya waxay sii ahaan doontaa hoy u furan dhammaan Afrikaanka doonaya inay halkan yimaadaan. Waxaan diyaar u nahay inaan cid kasta ganacsi la sameyno, haddii ay sharciga raacdo," ayuu yiri.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in fulinta awaamiirta madaxweynaha ay mas'uuliyaddeedu saaran tahay dowladda oo keliya, ee aysan ahayn muwaadiniinta, isaga oo ka digay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono qof kasta oo sharciga gacantiisa ku qaata, ha ahaado Kenyan ama ajnabi.
Sida uu sheegay Kinyanjui, wararka qaar ee arrintan laga qoray ayaa loo buunbuuniyay si aan loo baahnayn, iyadoo sidoo kalena ay arrinta saameyn ku yeesheen dano siyaasadeed.
"Madaxweynuhu ma uusan amrin maanta ama waqti kale in qof dalka laga saaro, taa beddelkeeda, wuxuu faray guddi ka socda Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maalgashiga, Ganacsiga iyo Warshadaha inay baaritaan ku sameeyaan ajaanibta ku hawlan ganacsi ama shaqo iyaga oo aan haysan rukhsadaha looga baahan yahay,awaamiirtan waxay ka dhalatay cabashooyin iyo mudaharaadyo ay sameeyeen ganacsatada," ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in warbixin faahfaahsan oo ku saabsan arrintan la filayo in toddobaadkan la soo saaro.
Hadallada Madaxweyne Ruto ayaa Kenya ka dhaliyay dood ballaaran. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ganacsiga ayaa soo dhaweeyay, iyaga oo sheegay inay ilaalinayaan fursadaha ganacsi ee dadka Kenyaanka ah, halka dadka dhaliilsan ay ka digeen in hadalladu ay sii hurin karaan nacaybka loo qabo ajaanibta.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale, boqolaal qof ayaa isugu soo baxay safaaradda Burundi ee Nairobi, kaddib markii safaaraddu ku dhawaaqday inay muwaadiniinteeda siinayso dukumentiyo degdeg ah oo loogu talagalay kuwa doonaya inay dalkooda ku laabtaan.
Si kastaba ha ahaatee, sarkaal ka tirsan safaaradda Burundi oo la hadlay Citizen Digital ayaa sheegay in bixinta dukumentiyadan ay qayb ka tahay adeegyada caadiga ah ee safaaraddu siiso muwaadiniinta Burundi.
"Arrintani kuma xirna xaaladda hadda taagan. Waxaan adeeggan bixinnaa maalin kasta, waxaan dukumentiyada safarka ee lagama maarmaanka ah siinnaa dadka aan haysan ama kuwa dukumentiyadoodu ay dhaceen. Kuwani waa adeegyo qunsuliyadeed oo caadi ah," ayuu yiri sarkaalku.
Hase yeeshee, Kinyanjui ayaa sheegay in awaamiirta madaxweynuhu aanay si gaar ah ugu socon muwaadiniinta Burundi ama muwaadiniinta dalalka kale ee xubnaha ka ah Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
"Muwaadiniinta Burundi iyo kuwa kale waa inay fahmaan in Kenya lagu maamulo sharciga, waxaa jiri doona nidaam rasmi ah oo lagu hubinayo in fulinta awaamiirtan aysan si caddaalad-darro ah u saameyn koox gaar ah," ayuu yiri.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in tallaabo kasta oo la qaadayo ay ujeeddadeedu tahay in la hubiyo in la raaco sharciyada ganacsiga iyo socdaalka, iyadoo carrabka ku adkaysay in Kenya ay weli tahay dal soo dhoweynaya booqdayaasha, maalgashadayaasha iyo ganacsatada ka imanaya dalal kala duwan.












