Sideed arrimood oo sahlan oo 'dib u celin kara' cimrigaaga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waagii hore, su'aasha "Immisa jir baad tahay?" waxay ahayd mid si fudud looga jawaabi karo. Haddii aadan hubin da'daada, waxaad si fudud u tirin kartay shumacyada saaran keega dhalashada. Laakiin maanta, shumacyadaasi waxaa laga yaabaa inaysan si buuxda u muujin karin xaaladda dhabta ah.
Xiisaha arrintan ayaa si weyn u kordhay qiyaastii 2013, kadib markii la sameeyay baaritaannadii ugu horreeyay ee DNA-da oo awood u yeeshay inay qiyaasaan da'da qofka, iyadoo oo uu qalabkaa uu khalado oo kali ah dhowr sano.
Xaqiiqdu waxay tahay in da'da DNA-ga qofka iyo da'diisa taariikheed ama da'da laga xisaabiyo maalinta uu dhashay ay inta badan wax yar ku kala duwanaan karaan.
Haddii baaritaanka DNA-gu muujiyo inaad ka weyn tahay da'daada dhabta ah, taasi ma tahay khalad ku yimid baaritaanka, mise waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa xawaaraha uu jirkaagu dhab ahaan ugu gaboobayo dhinaca bayoolojiga?
Marka laga eego dhinaca bayoolojiga, maanta waxaan si fiican u fahamsanahay habab badan oo ka dhaca gudaha unugyada iyo heerka molecular-ka kuwaas oo sababa gabowga. Hababkan waxaa ka mid ah burburka borotiinnada muhiimka u ah shaqada iyo caafimaadka jirka, iyo sidoo kale gabowga unugyada laftooda.
Isbeddelladan, oo si wadajir ah loogu yaqaan "astaamaha waaweyn ee gabowga", ayaa sabab u ah laalaabka maqaarka, timaha oo cirrooba, daciifnimada jirka, xusuusta oo hoos u dhacda, iyo cudurro ay ka mid yihiin kansarka, cudurrada wadnaha iyo asaasaqaa.
Dhammaan xaaladahan waxay u badan tahay inay dhacaan marka da'du sii korodho.
Sidaa darteed, haddii aan awoodno inaan xakameyno astaamahan gabowga, ha noqoto iyadoo loo marayo hab-nololeed caafimaad leh ama daaweymo lagu xakameynayo geeddi-socodka gabowga, waxaan isku mar yareyn karnaa khatarta dhibaatooyin badan, ama xitaa dhammaan dhibaatooyinka la xiriira gabowga.
Hadda, waxaad ku bilaabi kartaa cabbiridda da'daada si aad u ogaato xaaladda dhabta ah ee jirkaaga.
Waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa tallaabooyiinka ad qaadi karto si da'daada iyo muuqaalkaaga isu yeeshaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Isku eeg muraayadda
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Tallaabada ugu horreysa waa inaad muraayadda iska eegto oo aad qiimeyso da'da aad u muuqato. Daraasad lagu sameeyay mataano reer Denmark ah ayaa lagu ogaaday in dadka u muuqda kuwo ka da' weyn da'dooda dhabta ah ay halis dheeraad ah ugu jiraan inay xanuunsadaan ama geeriyoodaan, marka loo eego dadka u muuqda kuwo ka da' yar da'dooda.
Waxaa sidoo kale jira tijaabooyin jireed oo lagu qiimeyn karo xaaladda jirka. Tusaale ahaan, waxaad cabbiri kartaa xawaaraha aad ku socon karto 10 mitir. Xawaaruhu wuxuu hoos uga dhacaa qiyaastii 1.4 mitir ilbiriqsikii.
Waxaad sidoo kale isku dayi kartaa inaad hal lug ku istaagto. Dadka ka yar 40 jir badanaa waxay hal lug ku istaagi karaan qiyaastii 45 ilbiriqsi iyagoo indhaha furan, ama 15 ilbiriqsi iyagoo indhaha xiran. Dadka da'doodu u dhaxayso 60–69 jir, celcelisku wuxuu hoos ugu dhacaa qiyaastii 32 ilbiriqsi markuu indhaha furan yahay iyo 4 ilbiriqsi indhaha xiran.
Haddii tijaabooyinkani ay ku siiyaan calaamad digniin ah, haddana waxaa jira war wanaagsan: cilmigu wuxuu muujinayaa in xawaaraha uu qofku ku gaboobo uusan ku xirnayn hidde-sideyaasha oo keliya.

Xigashada Sawirka, gety
Ilaali muruqahaaga
Dhakhaatiirtu waxay mararka qaarkood ku kaftamaan oo yiraahdaan, "Haddii jimicsigu ahaan lahaa daawo, qof walba saf ayuu ugu jiri lahaa inuu qaato." Laakiin caafimaad wanaagsan lagu gaaro ma fududa sida in kaniini la liqo. Dad badan ma helaan jimicsi ku filan, inkastoo ay u muuqato inuu leeyahay awood uu ku gaabin karo gabowga.
Inta badan waxaan ognahay in lagu taliyo ugu yaraan 150 daqiiqo oo jimicsi dhexdhexaad ah toddobaadkii, sida socod degdeg ah, ama 75 daqiiqo oo jimicsi xooggan toddobaadkii.
Jimicsigu wuxuu ka caawin karaa jirka inuu ilaashado cufnaanta lafaha iyo murqaha, taas oo si gaar ah muhiim u noqota marka da'du sii korodho.
Murqaha ayaa sidoo kale gacan ka geysta xakameynta heerka sonkorta dhiigga kadib cuntada, arrintaas oo muhiim ah maadaama jirku marka uu gaboobo uu u nuglaado in uu si liidata u maareeyo sonkorta dhiigga.
Hababka aad cuntada u qaadanayso
Waxaad noloshaada oo dhan ku qaadan kartaa inaad tijaabiso nooc kasta oo cunto ah oo lagu xayeysiiyo inay tahay habka ugu wanaagsan ee caafimaadka lagu wanaajiyo laguna dheereeyo cimriga.
Nasiib wanaag, qodobka aasaasiga ahi waa mid si fudud loo fahmi karo: badankeennu waxaan ka faa'iideysan lahayn inaan yareyno cunista hilibka, isla markaana aan kordhinno cunista khudaarta, miraha, digirta, looska iyo badarka aan si buuxda loo sifayn.
Si kastaba ha ahaatee, weli si cad looma oga inta ay isbeddelladan cuntadu dib ugu celin karaan ama u gaabin karaan saacadda bayoolojiga ee jirka.
Laakiin su'aashu waxay sidoo kale tahay: Goorma ayay tahay in la cuno? Iyo intee in le'eg? Inkastoo ay jirto caddayn xooggan oo muujinaysa in ilaalinta miisaan caafimaad leh ay muhiim u tahay cimri dheer, haddana weli lama hubo in hababka sida soonka ama muddo dheer la yareeyo kalooriyada la cuno ay si dhab ah faa'iido ugu leeyihiin caafimaadka iyo cimri-dhererka.
Caday ilkahaaga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mid ah xiriirrada ugu yaabka badan ee laga helay cilmiga gabowga iyo bayoolojiga jirka waa kan u dhexeeya nadaafadda wanaagsan ee afka iyo cimri dheerida.
Tilmaantii ugu horreysay ee arrintan waxay timid kadib daraasado lagu ogaaday in dadka ilko yar oo bolol ah qaba iyo kuwa aan lahayn cudurrada cirridka ay u muuqdeen inay leeyihiin halis ka yar oo cudurrada wadnaha ah, marka loo eego dadka nadaafadda afkoodu liidato.
Xiriirka saxda ah ee labada arrimood weli si buuxda looma fahmin. Waxaa suuragal ah in dadka si guud uga taxaddara caafimaadkooda ay waqti badan geliyaan cadayashada ilkaha, isla markaana ay sameeyaan caadooyin kale oo caafimaad leh, sida cunto wanaagsan.
Si kastaba ha ahaatee, daraasado dheeraad ah ayaa sii xoojiyay caddaynta muujinaysa in caafimaadka afka iyo caafimaadka guud ee jirku ay isku xiran yihiin.
Hurdo kugu filan hel, laakiin ha badsan.
Waxaa laga yaabaa in aad horey u maqashay oo daraasado ayaa muujinaya in qaddarka ugu habboon ee hurdadu uu celcelis ahaan yahay 7 ilaa 8 saacadood habeenkii.
Laakiin waxaa laga yaabaa inaadan si badan u maqal in hurdo badan ay sidoo kale caafimaadka waxyeello u keeni karto. Daraasado badan ayaa si joogto ah u muujiyay in dadka seexda in ka badan 9 saacadood habeenkii ay leeyihiin khatar dhimasho oo ka sarreysa dadka seexda qaddar dhexdhexaad ah.
Waxaa jira sababo dhowr ah oo arrintan sharxi kara. Tusaale ahaan, dadka qaba xanuunno ama dhibaatooyin kale oo caafimaad ayaa laga yaabaa inay si fudud u daalaan, taasina ay keento inay hurdo badan seexdaan. Sidoo kale, waxaa laga yaabaa inay la xiriirto arrimo bayooloji oo adag, sida waqti dheer oo sariirta lagu qaato, taas oo wax ka beddeli karta habka difaaca jirka oo daciifin karta.
Hadda, saynisyahannadu si buuxda uma hubaan sababta dhabta ah.
Inkastoo hurdadu weli tahay mid ka mid ah waxyaabaha ugu dahsoon ee ku saabsan jirka bini'aadamka, cilmi-baarista ku saabsan cimri-dhererka ayaa si tartiib tartiib ah u ogaanaysa hababka bayoolojiga ah ee sharxaya sida hurdo wanaagsan ay uga qayb qaadan karto cimri dheer.
Si joogto ah u isticmaal muraayadaha qorraxda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ma aha oo keliya maqaarkaaga oo u baahan in laga ilaaliyo qorraxda; ilaalinta indhahana waa muhiim, waxaana faa'iidooyinkeeda ka mid noqon kara in la yareeyo khatarta in qofka uu asaasaq ku dhaco.
Sababtu waxay tahay in waxyeellada ka dhalata shucaaca ultraviolet-ka (UV) aysan ku koobnayn oo keliya dhibaatooyinka aragga.
Tusaale ahaan, borotiinnada ku jira muraayadda isha (lens-ka) caadi ahaan waa kuwo hufan. Laakiin waxyeellada ay sababaan fallaadhaha UV-ga ayaa keeni karta in borotiinnadaasi daruur yeeshaan ama midabkoodu is beddelo oo jaalle noqdaan. Marka xaaladdani ay heer daran gaarto, waxaa loo yaqaannaa cataract (indho-beelka ku dhaca muraayadda isha).
Isticmaal kareemada qoraxda
Inkasta oo ay jiraan badeecooyin badan oo ay soo saaraan warshadaha soo saara waxyaabaha la isku quruxiyo ay ballanqaadaan natiijooyin waaweyn, kareemka qorraxda laga ilaaliyo ayaa ka mid ah hababka ugu waxtarka badan ee looga hortagi karo calaamadaha gabowga maqaarka.
Marka laga soo tago inay sababi karaan kansarka maqaarka, fallaadhaha ultraviolet-ka (UV) ee qorraxdu waxay siyaabo kala duwan u dedejiyaan habka gabowga maqaarka.
Marka hore, shucaaca UV-gu wuxuu dhaawacaa kolajenka (collagen) iyo borotiinnada kale ee qaab-dhismeedka maqaarka, kuwaas oo maqaarka ka dhiga mid adag, siman oo dabacsan xilliga dhalinyaranimada.
Dhaawacaasi wuxuu keenaa laalaab, wuxuuna maqaarka ka dhigayaa mid si gaabis ah ugu soo laabta qaabkiisii caadiga ahaa marka la kala bixiyo ama la cadaadiyo.
Nasiib wanaag, tani waa mid ka mid ah siyaabaha aad guriga ugu qiimeyn karto da'da bayoolojiga ee jirkaaga.
Ha isticmaalin dhammaan lacagtaada kaydka ah.
Waxaa laga yaabaa in mid ka mid ah wararka ugu hadal-heynta badan ee dhowaan ka soo baxay cilmiga bayoolojiga gabowga uu yahay kiiska ganacsadaha Maraykanka ah Bryan Johnson.
Johnson wuxuu sanad kasta ku bixiya qiyaastii $2 milyan, iyadoo hantidiisa lagu qiyaasay $400 milyan, si uu u sameeyo baaritaanno caafimaad oo badan, u qaato boqolaal kaniini iyo kaabeyaasha nafaqada ah, iyo sidoo kale inuu raaco cunto adag, jimicsi joogto ah iyo jadwal hurdo oo nidaamsan. Ujeeddadiisu waa inuu isku dayo inuu joojiyo ama gaabiyo gabowga jirkiisa.
Laakiin dadka intiisa kale, warka wanaagsan ayaa ah in aysan jirin baahi loo qabo in lacag intaas le'eg la bixiyo. Ku dhowaad dhammaan faa'iidooyinka muhiimka ah ee la xiriira hab-nololeedkan waxaa lagu gaari karaa adigoo si joogto ah u cunaya khudaarta, looska iyo digirta, sameeya jimicsi ku filan, isla markaana yeesha jadwal hurdo oo joogto ah.
Dhaq gacmahaaga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii aad hal mar maqashay intii lagu jiray faafiddii COVID-19, waxaa laga yaabaa inaad maqashay kun jeer: gacmaha dhaq ugu yaraan 20 ilbiriqsi, adigoo hubinaya inaad si fiican u xoqdo faraha dhexdooda iyo cidiyaha hoostooda.
Waxaa naloo sheegay in tallaabadan ay nolosha badbaadin karto, maadaama ay yareyso khatarta infekshanka. Laakiin dhaqidda gacmaha ayaa sidoo kale laga yaabaa inay ka qayb qaadato cimri dheer iyo caafimaad wanaagsan.
Markii nadaafadda, tallaallada iyo antibiyootiggu ay yareeyeen culayska cudurrada faafa ee carruurnimada, cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in dadka carruurnimadooda ay la kulmeen infekshanno yar ay u muuqdaan inay si ka wanaagsan u gaboobaan marka ay qaangaaraan.
Taas macnaheedu waa in wax kasta oo aad awooddo inaad ku yareyso ama kaga hortagto infekshannada ay yeelan karaan faa'iidooyin caafimaad oo ka weyn oo muddo dheer ah, halkii ay ku koobnaan lahaayeen oo keliya ka fogaanshaha dhibaatada iyo xanuunka uu cudurku keeno muddada gaaban.
U diyaargarow dawooyin aad u xooggan mustaqbalka
Waxaa laga yaabaa in talada caafimaad ee ugu muhiimsan ee dhammaanteen inoo khuseysa mustaqbalka dhow ay tahay inaan wax badan ka baranno bayoolojiga gabowga.
Sababtu waa in ay jiraan daawooyin rajo leh oo la filayo kuwaas oo laga yaabo inay gaabiyaan habka gabowga, taasoo suuragal ka dhigi karta in dad badan ay nolol caafimaad leh ku noolaadaan muddo dheer.
Daawooyiin cusub oo kale ayaa laga yaabaa inay bartilmaameedsadaan hal ama dhowr ka mid ah astaamaha waaweyn ee gabowga. Tusaale ahaan, waxaa jira daawooyin loo yaqaan "senolytics", kuwaas oo loogu talagalay inay meesha ka saaraan unugyada duqoobay ee loo yaqaan "senescent cells".
Unugyadan ayaa jirka ku urura marka da'du sii korodho, waxaana la rumeysan yahay inay door ka qaataan qaar ka mid ah isbeddellada la xiriira gabowga.
Cilmiga cimri-dhererka (longevity) wuxuu rajo ka bixinayaa in mustaqbalka la heli karo daaweymo ka awood badan talooyinka hab-nololeedka ee aan maanta haysanno, kuwaas oo naga caawin kara inaan caafimaad qabno muddo dheer.














