'Caadi ayuu u waashay': Trump oo canaantay Putin ka dib weerarradii Ukraine
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uusan la dhacsaneyn dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ka dib markii uu duqeyn ballaaran oo dhanka cirka ah ku qaaday Ukraine.
Dhaleecayn aan looga baran waayahan ayuu Trump ka dul dhacay Putin, isagoo is weydiiyey waxa baas ee helay. Wuxuuna goor dambe Putin ku tilmaamay "nin waalan".
War deg deg ah, Trump oo u hiiliyay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku si weyn u yareyn doono dhoollatusyada milatari ee wadajirka ah ee uu la sameeyo Kuuriyada Koonfureed.
Trump ayaa sheegay in go’aanka uu qayb ahaan ku saabsanyahay xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un. Waxa kale oo uu dhoollatusyada ku tilmaamay kuwo qaali ah oo fariin aan habboonayn oo colaadeed u diraya Kuuriyada Waqooyi.
Trump ayaa sidoo kale xusay in Kuuriyada Koonfureed ay dhawaan diiday inay Maraykanka kala shaqeyso dadaallada lagu doonayo in Iran laga dhigo dal aan hub nukliyeer lahayn.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay qorsheynayeen inay Isniinta bilaabaan dhoollatuskooda militari ee sanadlaha ah, kaas oo la qorsheeyay inuu socdo 11 maalmood. Labada dal ayaa dhoollatusyada ku tilmaama kuwo difaac ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo diyaar-garowga ka dhanka ah khataraha Kuuriyada Waqooyi.
Trump ayaa xiriir gaar ah la sameeyay Kim Jong Un intii uu u uku jiray muddo xileedkiisii hore, waxaana labadoodu markii ugu dambeysay si fool-ka-fool ah u kulmeen 2019.
War deg deg ah, Xamaas oo farriin u dirtay Trump iyo waxa ay doonayaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xamaas ayaa ka codsatay Guddiga Nabadda ee Madaxweyne Donald Trump inuu cadaadis saaro Israa’iil si ay u aqbasho heshiiska nabadeed ee Qasa ee uu taageerayo Mareykanku.
Kooxda ayaa war-saxaafadeed soo saartay kadib markii mid ka mid ah hoggaamiyayaasheeda uu Masar kula yeeshay wadahadallo dhif iyo naadir ah Jared Kushner, oo ah wiilka uu soddogga u yahay Madaxweyne Trump.
Xamaas ayaa sheegtay inay fulisay marxaladdii koowaad ee qorshaha, taas oo dhigaysa in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan Qasa, isla markaana dib-u-dhis lagu sameeyo dhulka, iyadoo maamulka Qasa loo wareejinayo maamul rayid ah oo cusub.
Hase yeeshee, Israa’iil ayaa qorshahan diidday toddobaad ka hor, iyadoo sheegtay in shuruudda ugu horreysa ay tahay in Xamaas ay si buuxda u dhigto hubka.