Jeebka maku qaadan lahayd lacag uu ku sawiran yahay wajiga Trump?

Xigashada Sawirka, Reuters
Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa diyaarinaya in la daabaco lacag cusub oo $250 ah, taas oo laga yaabo in lagu sawiro wajiga Trump, haddii golaha sharci-dejiyeyaashu oggolaadaan tallaabadaas.
Sharciga federaalka ee Mareykanka ayaa mamnuucaya in lacagta dalka lagu sawiro qof weli nool, balse xulafada Trump ee Kongareeska ayaa soo jeediyay in la sameeyo sharci burinaya arrintaas, si ay ugu suuragasho in ay Trump ku sawiraan lacagaha doollarka ah.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Maaliyadda ayaa BBC u sheegay in hay'addu ay "samaynayso qorsheyn ku habboon iyo baaritaan taxaddar leh" si waafaqsan hindise-sharciyeedka hadda taagan iyo kan loo baahan yahayba.
Xildhibaannada soo jeediyay qorshahan ayaa sheegay in lacagta $250 ay astaan u noqon doonto 250-guuradii dalka sanadkan, marka la ansixiyo go'aankan, waxay noqon doontaa isku daygii ugu dambeeyay ee Trump iyo xulafadiisa ay ku doonayaan in wejigiisa, magaciisa iyo saxiixiisa lagu xuso hay'adaha iyo astaamaha qaranka ee Mareykanka.
Fikradaan ayaa weli loo shaacin dadweynaha Mareykanka farshaxanka, balse hay'adda qaabilsan naqshadeynta iyo soo saarista lacagaha Mareykanka oo hoos timaadda waasaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in laga codsaday naqshado cusub oo lacag ah.
Wargeyska The Washington Post ayaa markii ugu horreysay shaaciyay qorshayaasha Wasaaradda Maaliyadda. "Haddii sharcigan la saxiixo, hay'addu waxay si degdeg ah u bilaabi doontaa soo saarista lacag $250 ah, taas oo si wayn loogu xusuusan doono 250-guuradii xornimada ee Mareykanka," ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Maaliyadda.
Saxiixa Trump ayaa horey loogu qorsheeyay inuu ka soo muuqdo lacagta waraaqda ah ee Mareykanka, taas oo qayb ka ah xuska 250-guurada dalka.
Sharciga cusub waxaa sanadkii hore soo gudbiyay xildhibaan Joe Wilson oo ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, lagana soo doorto South Carolina. Si uu u dhaqan galo, wuxuu u baahan yahay oggolaansho ka yimaadda Golaha Wakiillada iyo Senate-ka Mareykanka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii wax laga weydiiyay suurtagalnimada hindisahaan cusub intii lagu jiray shir jir'aaid oo uu ku qabtay Aqalka Cad Khamiistii, Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent ayaa sheegay in "wax walba ay ku jiraan gacanta" Kongareeska, isla markaana wasaaraddu ay sugeyso inta la ansixinayo sharciga, hadana ay tahay in ay u hogaansanto sharciga jira.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan "u arkin wax khalad ah" in sawirka qofka xilka haya lagu daro lacag lagu xusayo 250-guurada dalka.
Qorshaha lagu soo saarayo lacagta $250 ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu ka hor yimaado sharci federaal oo kale oo qeexaya cadadka lacagta la daabici karo, kaas oo aan ku jirin $250.
Senator-ka Mareykanka Mark Warner, oo ka tirsan Guddiga Bangiyada ee Senate-ka, ayaa dhaleeceeyay qorshahan.
"Inta ay dadka Mareykanka la tacaalayaan kororka qiimaha shidaalka, raashinka, guriyeynta, iyo daryeelka caafimaadka, mudnaanta Madaxweyne Trump ee lacagta canshuur bixiyeyaasha waxay gebi ahaanba ka fog tahay caqabadaha ay qoysasku maalin kasta wajahayaan," ayuu Warner, oo Dimuqraadi ah kana soo jeeda Virginia.
"Haddii Aqalka Cad uu kala bar dadaalka uu gelinayo kobcinta kibirka madaxweynaha gelin lahaa dhimista kharashaadka, qoysaska Mareykanka uma baahna lacagta cusub ee $250 si ay ugu buuxiyaan taangiyada shidaalka," ayuu raaciyay.
$100-ka oo sawirka Benjamin Franklin oo ka mid ah aasaasayaashii Mareykanka ayaa ah lacagta ugu weyn ee hadda si rasmi ah loo daabaco. Mareykanka ayaa hore u soo saaray lacagaha ka waaweyn sida $500, $1000 iyo $10,000, balse waxaa la joojiyay sanadkii 1969. Inkastoo aan hadda la isticmaalin, haddana sharci ahaan way jirtaa, maadaama ay inta badan haystaan xafiisyada ururiya lacagaha

Xigashada Sawirka, LightRocket via Getty Images
Lacagaha cusub ee dalka waxaa caadi ahaan qaabeyntoodu qaadataa sanado, waxaana ku lug leh hay'ado kala duwan sida Guddiga Kaydka Federaalka iyo Hay'adda Sirdoonka Mareykanka. Naqshadahoodana si qarsoodi ah ayaa loo hayaa.
"Sawirrada lacagaha badanaa waxaa la shaaciyo lix illaa siddeed bilood ka hor si loogu wacyigeliyo dadweynaha caalamka iyo kuwa gacanta ku haya lacagta," sida ay sheegtay BEP. "Haddii goor hore la shaaciyo, waxay caawin kartaa kuwa lacagta been-abuurka sameeya waxayna sababi kartaa jahawareer suuqa ah, taas oo hoos u dhigta kalsoonida lacagta Mareykanka."
Wali lama hubo in lacagta cusub lagu soo saari karo waqtiga xuska 250-guurada oo ku beegan 4-ta Luulyo.
Tan iyo markii uu xilka qabtay sannadkii hore, Trump iyo xulafadiisa ayaa dadaal ku bixiyay in magaciisa, sawirkiisa iyo saamayntiisa lagu xuso dhismayaasha iyo astaamaha qaran ee Mareykanka.
Kennedy Center ayaa loo bixiyay magac ku daraya Trump, sawirkiisana waxaa lagu dari doonaa baasaboorka Mareykanka. Diyaaradda madaxweynaha ee Air Force One ayaa sidoo kale lagu rinjiyeynayaa midabyo uu Trump dooranayo.











