Waa maxay sababta ay gabdhaha dalkani u xirtaan dharka ragga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xilliga kulaylku markuu soo dhawaaday, Kexin waxay la yaabtay isbeddelka cusub ee ku yimid armaajadeeda markay kala soocday dharkeeda: Dharka "ragga" ayaa ka badnaa dharka dumarka. Ma aha mar dambe inay shaatiyaal qurux badan, funaanado ama surwaallo u soo iibsanayso jacaylkeeda ama aabbaheed. Hadda wixii ka dambeeya, dhammaan dharkaasi ragga nafteeda ayay u iibin doontaa.
Kexin keligeed kuma aha fikirkaan. Haween badan oo da'yarta Shiinaha ah ee kuwa ku hareeraysan ee asxaabteeda ah iyo kuwa ay kula kulanto internet-ka ayaa hadda u janjeera in ay xidhaan dharka ragga. Sababtuna waxay ku sheegtay tayada wanaagsan iyo qiimaha macquulka ah ee la yimaada dharka ragga waxayna yiraahdeen, "Marka aad xidhato, dadku kama hadlaan qaabka uu jirkaaga uu yaallo."
Laakiin sababta uu isbeddelkan dhabta ah ku yimid maxay tahay?
Kexin waxay billowday in ay beddesho dharkeeda ee ay xirato dharka ragga sanadkii 2023-kii kadib markii boggii TikToka ee Douyin ee nuqulka shiinaha laga sii daayay tabin toos ah iyadoo iibinaysay T-shirt-yada ragga.
Markii hore, way ku wareertay sababta muuqaalkaasi looga baahiyay shiinaha. Wiligeeda ma aanay u iibin aabaheed ama jacaylkeeda, markaa maxay la cajabta caalamka oo tabintaasi laga sii daayay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kexin waxay u malaysay inay si khalad kusoo gashay tabinta shiinaha ilaa maalin kale iyadoo musqusha u socotay ay telefoonkeeda ku illowday tabinta muuqaal toos ah oo socday oo dharka lagu iibinayay.
Waxay maqashay tabinta tooska ah oo lagu shaacinaayay in ay gabdhuhu iibsan karaan dharkaasi kuwa yaryar iyo kuwa waynba oo ay iyagu xidhaan. "Dharkani ma laha jinsi gaar ah ee haweenkuna way xidhan karaan."
Erayadan ayaa si joogta ah loogu celceliyay dhowr daqiiqo gudahood markaasi ayay aamintay in ay arintu si khaldan kusoo galin hawada.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka loo barbardhigo baahinta tooska ah ee loo sameeyn jiray dumarka oo inta badan gabdhaha kusoo bixinaayo inay caato yihiin ama in cilladaha ay isku maleeyaan la qariyo, ama in la muujiyo muuqaallo jilicsan oo ku habboonayn jinsigooda, baahintani waxay diiradda saartay tayada marada iyo agabka laga hagaajiyay.
"Waxaan u arkaa inay tahay wax aad u xiiso badan," ayay tiri. Waligay ma fahmin bay tiri sababta dharka dumarku uu had iyo jeer banaanka ugu soo saaro quruxda dumarka, iyadoo laga yaabo in naqshadiisu aanay raaxo lahayn.
Qiimaha jaban ayaa sidoo kale iga gaabiyay sababtoo ah shaatiyada intooda badan waxay ka qiima yaraayeen 100 yuan ee lacagta shiinaha oo qiyaastii uu dhiganta $14 ama £11.
Shaatigii ugu horreeyay ee "ragga" ee ay gabdhahu iibsato ayay natiijadiisa la yaabtay. Wuxuu ahaa bay tiri shaati qurux badan, culus, oo ka raaxo badan shaatiyadii dumarka ee ay hore u soo iibsan jirtay, inkasta oo qiimihiisu saddex jeer ka badan yahay.
Waxay bilowday inay mar kale soo iibsato oo ay kusoo darsato dharka ragga oo badan, cabsiidii ay ka qabtay inay raaxo-darro ka dareento marka ay xidhatay dharka ragga ayay tiri weligii iguma dhicin ee waay ku nasatay.

Xigashada Sawirka, @likeke
Waxay sheegtay in sida uu waqtiga ku socday ay soo badsatay dharkeeda ee 'ragga' taasi ayaana noqotay qayb wayn ee ka mid ah dharxidkeeda.
Yaree kharashka kaaga baxaayo dharka dumarka
Isbeddelkan ay dumarka sameeyeen wuxuu yimid xilli dhaqaalaha dadka isticmaala agabyada kala duwan ee dalka Shiinaha uu daciif noqday tan iyo markii xayiraaddii Covid ay dhammaatay dabayaaqadii sanadkii 2022.
Shaqaalaha sida Kexin oo kale, oo ku shaqeeysa nidaamka "996" ee laga isticmaalo Shanghai micneheeduna yahay in la shaqeeyo inta uu dhaxayso saacadaha 9-ka subaxnimo ilaa 9-ka fiidnimo, 6 maalmood todobaadkii, waxay noqotay mid aad uga taxaddarta arrinta kharashka.
Kexin waxay Ku haminaysaa inay shaqada beddelato iyadoo aan ku bixin kharash badan waxyaabaha aasaasiga noolasha ah ee ah sida dharka.
Xaaladahan oo kale, macaamiisha qaar ayaa doonaya in ay ku dhaqdaan qaabka noolasha nafacaya ee loo yaqaan "isticmaalka waxtarka leh," taasoo macnaheedu yahay inay doorbidayaan qiimaha iyo adkeysiga halkii ay ka ahaan lahaayeen moodhelkii waxyaabaha ay jecelyihiin oo waxtarka uu leh qiimahooda sida dhar quruxsan iyo qarash badan.
Kexin waxay tiri iyadoo ka jawaabayso xaladdaasi "Haddii wax ku qancin waayaan, waa sahlan tahay in la celiyo," waxay ku dartay "Ma arko sabab aan lacag badan ugu bixiyo dharka hadiiba aan wax aan xirto helaayo. Caadi ahaan ma xidho dharka wax ka badan hal xilli marka aniga way ii anfici."
Dhibka cabbirka dumarka 'Weyn...
Dad badan, isbeddelku ma aha oo keliya in la dhiibto aragtidaada ku saabsan jinsiga keliya, balse waa falgalin ayaga uu ku kooban. Cabbirka dharka ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee lagu dhaleeceeyo dharka dumarka ee Shiinaha.
Baraha bulshada sida Douyin iyo Xiaohongshu ee shiinaha, dadka aan saamaynta wayn leheen ayaa badanaa muujiya in xitaa waxa la yiraahdo "cabbir weyn" ay adag tahay in la gashado.
Dharka lagu calaamadiyay XL micneheeduna yahay "aad u weyn" ma gaaraan xitaa bowdada, ama nidaamyada cabbirka ee waxay dumarka caatada kusoo bixiyaan qeybta ugu yar. Isla mar ahaantaas, dumarka dhererka leh waxaa si degdeg ah loogu riixaa cabbirka ugu weyn marka wax la isku halayn karo maahan.
Mid ka mid ah muuqaallada ugu daawashada badan, gabar dadka wax qora ah ee waxyaaba uu ololaysa ayaa dhogor weyn uu xirtay eygeeda, dharkana wuxuu la ekaaday weliba si fiican oo qurux badan.
Marwo Li, oo ah qareen degan degmada Shanghai oo codsatay in lagu sheego oo keliya magaceeda dambe ayaa tiri waxay xiran jirtay dharka ragga tan iyo yaraanteedii, sababtoo ah dharka dumarku dhif ayuu ku ahaa ee ma heli jirin dhar ayada la qiyaas ah. Dhererkeedu waa 170 cm, garbahana waa ballaaran yihiin.
Waxay tiri xaladdasi ayay ku jirtay ilaa ay maalin maalmaha ka mid ah qaaradda Yurub uu tagtay waxbarasho, markaasi oo ay ogaatay in cabbirka caadiga ah ee dhexe uu noqon karo cabbirkeeda saxda ah.
"Dharka dumarka ee dhulka aan ka imid uuma eka in loogu talagalay dadka leh qaabka jirkeyga," ayay tiri.
"Maxay dharka dumarku sidaasi ugu ekeysiiyeeny? Xataa marka ay gabadhu marsato agabka qurxinta faruuraha ee loo yaqaano lipstick, dharkaasi wuxuu kuu ekeysiini inaad u muuqato mid buuran," ayay tiri.
Caqabadaha haysta warshadaha dharka naqshadeeya
Sida uu sheegay Wang, oo ah naqshadeeye ka tirsan summad dharka cabbirka dhexdhexaadka ah sameysa, arrimaha cabbirka iyo tayada waxay muujinayaan cadaadis weyn oo ku jira warshadaha.
Warshadaha dharka soo saara ee Shiinaha ayaa aad u yaraaday tan iyo masiibadii Korona iyadoo wax-soo-saarka iyo dhoofintu ay aad hoos ugu dhaceen.
Kobcaha suuqa tafaariiqda ayaa sidoo kale aad u yaraaday, iyadoo sanadkii 2024-kii kor uu kacay kaliya boqolkiiba wax aad uu yar, marka loo barbar dhigo qiyaastii 15 boqolkiiba sannadkii 2023.
Shirkado qaar hadda waxay soo saaraan naqshado cusub oo tira ahaan aad uu yar sidoo kale macaamiisha hore u usoo iibsan jiray dhar badan ayaa iyaguna yareeyay wax iibsigooda.
Si ay u yareeyaan kharashaadka, qaar ka mid ah shirkadaha yaryar hadda waxay ka soo iibsadaan nidaamyadii horey loo diyaariyay ee dalka Koonfur-bari Aasiya halkii ay horay naqshad cusub ugu samayn jireen naftooda.
Laakiin naqshadahaasi haataan socda inta badan kuma habboona qaab-dhismeedka jirka dadka Shiinaha, taasina waxay keentay dhibaatada cabbirka dharka dumarka ee loo yaqaan "cabbirka nambarka carruurta".
Qofka marka uu dooranaayo naqshadaha, waxaa sidoo kale saameeya arrimaha dhaqaalaha qofka wax iibsanaya. Dharka jirka caatada ah wuu ka qiima jaban yahay oo wuu fududahay in la sameeyo, halka kuwa waaweyn ay u baahan yihiin in la gooyo haddana dib loo tolo taasina kharash badan oo hor leh ayaa ku baxaayo.
Tusaala ahaan haddii ay kaga baxayso lacag la mid ah iibinta 20 dhar oo cabbir weyn ah sida iibinta 200 oo dhar oo cabbir dhexdhexaad ah, shirkaduhu waa xaqiiq inay ka tagi doonaan samaynta dharka cabbirka weyn," ayay tiri Marwo Wang.
Waxay intaa ku dartay in kororka qiimaha dunta awgeeda, soosaarayaashu ay wajahayaan caqabad kale, iyadoo ay ka digtay in natiijadu ay noqon karto in dharka lasoo saari doono sanadka soo socda uu noqda kuwo ka khafiifsan kuwii hore.













