Wasaaradda difaaca Maraykanka oo bilowday siidaynta faylal ku saabsan maqluuqaadka UFOs

UFO

Xigashada Sawirka, war.gov/UFO/

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Waaxda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa soo saartay qeybta koowaad ee galal sir ah oo ku saabsan walxaha duula ah ee aan la aqoon ee (UFOs), qaarkood waxay soo jireen ilaa 1940-meeyadii.

In ka badan 160 ka mid ah dukumeentiyada, oo ay shacabku codsanayeen sannado badan, ayaa la dhigay mareegta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana faylalkaas ka mid ahaa "suxuunta duusha," "gaadiidka hawada ee aan la aqoonsan" iyo warbixinno indho-indhayn ah oo sannadihii u dambeeyay la soo saaray.

Daraasada ayaa lagu soo waramayaa inay ku lug lahayd wax ku biirin ururada sida FBI, NASA, iyo Hogaanka Sirdoonka Qaranka.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Pete Hegseth ayaa yiri, "faylalkan, oo lagu qariyay xogta sirta ah, waxay muddo dheer sii huriyeen wararka la isla dhexmarayo, waa waqtigii dadka Maraykanku ay arki lahaayeen hadda."

Dukumeentiyadu waxay ka kooban yihiin diiwaanno kala duwan, oo u dhexeeya "suxuunta duusha" laga soo bilaabo Disembar 1947 ilaa dhacdadii 2023 halkaas oo sirdoonka federaalku ay soo sheegeen in ay arkeen aagag yaryar oo casaan ah oo ku kala firirsan cirka, oo inta badan ah midabka oronjiga.

Bishii Febraayo, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa faray hay'adaha federaalka inay sii daayaan faylasha la xiriira UFOs, isagoo sheegay in tallaabadani ay ku saleysan tahay dano dadweyne oo xooggan.

UFO

Xigashada Sawirka, war.gov/UFO/

Trump ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynihii isaga ka horreeyay, Barack Obama, uu daaha ka qaaday "xog sir ah" oo ku saabsan nolosha maqluuqaadkaan isaga oo marti ku ahaa podcast.

Febraayo 14-keedii, Obama wuxuu ku yiri podcast-ga Brian Tyler Cohen ee ku saabsan UFO-yada, "Waa run, laakiin ma aanan arag, lagumana hayo Aagga 51."

Aagga 51, ee uu Obama sheegay, waa xarun ciidan oo sir ah oo qarsoodi ah oo ku taal Nevada, USA, waxayna udub dhexaad u tahay fikradaha dhalanteedka ah ee laga haysto UFO.

Madaxweynihii hore ayaa yiri, "Haddii aysan jirin dhalanteed weyn oo ay ka qarinayaan madaxweynaha Mareykanka, uma maleynayo inay jiraan xarumo dhulka hoostiisa ah."

Ka dib markii laga soo horjeestay hadaladiisa, Obama wuxuu caddeeyey hadalkiisa, isagoo sheegay in marka la eego baaxadda koonka, uu tirakoob ahaan aaminsan yahay in nolol ka baxsan dunidu ay jirto.

war.gov/UFO/

Xigashada Sawirka, war.gov/UFO/

Siyaasigan oo soo noqday madaxweynaha Maraykanka sannadihii 2009 ilaa 2017, ayaa markii dambe qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka ku yiri "Runtii ma arag wax caddaynaya in maqluuqaadkaan nala soo xiriireen intii aan madaxweynaha ahaa."

Obama waxa uu maqluuqaadkaan ka hadlay intii lagu jiray qayb su'aalo-iyo-jawaabo degdeg ah oo ka mid ah muuqaalkiisa. Ma jirin wax calaamad ah oo muujisay intii uu waraysigu socday in uu bixiyay xog sir ah.

Waqtigaas, Trump wuxuu u sheegay saxafiyiinta in Obama uu "uu bixiyayxog sir ah oo aysan ahayn inuu daaha ka qaado", markii la weydiiyay fikirkiisa gaarka ah, wuxuu yiri "Ma garanayo inay run tahay iyo in kale."

Iyadoo ay jiraan dhammaan arimahaas, weli ma jiraan caddayn la xaqiijiyay oo ku saabsan jiritaanka nolosha ka baxsan tan dunida.

UFO

Xigashada Sawirka, war.gov/UFO/

Sawirradan midkii ugu horreeyay waxaa qaaday sannadkii 2004-tii laba duuliye oo ciidamada badda ee Maraykanka ah, waxayna muujinayaan shay wareeg ah oo si xawli ah uga gudbaya dusha sare ee Badweynta Baasifigga.

Laba fiidiyow oo kale oo la duubay 2015 ayaa muujinaya laba shay oo aan la aqoonsan oo si degdeg ah hawada u dhex maraya. Mid ka mid ah fiidiyowyada, ayaa laga maqlayaa duuliye Mareykan ah oo leh, "Bal eeg, wuu soo jeesanayaa."

War murtiyeedka ay soo saartay Pentagon-ka xiligaasi waxaa ka mid ahaa.

"Kadib dib-u-eegis qotodheer, Wasaaradda Difaaca waxay soo gabagabeysay in fiidiyowyadan la soo bandhigay aysan shaaca ka qaadin wax awood ah ama nidaamyo xasaasi ah mana saameynayso baaritaan kasta oo lagu sameeyo xadgudubyada hawada militariga ee ay sababaan dhacdooyinka hawada ee aan la aqoonsan."

Bayaanka Pentagon-ka ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in walxaha lagu arkay muuqaallada ay yihiin kuwa "aan la aqoonsanayn".