Wax ka ogow Tuulada Soomaalida ee UK ee aadka loo booqan jiray 1904

UK

Xigashada Sawirka, Somali Village/Yahya Birt

Qoraalka sawirka, Suldaan Cali al-Urfa ayaa hoggaaminayay kooxdii ku noolayd Lister Park
    • Author, Grace Wood
    • Role, Yorkshire
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Sheekada ku saabsan sida tuulo Soomaali ah ay u noqotay xarunta bandhig weyn oo lagu qabtay Bradford sanadkii 1904 ayaa hadda lagu soo bandhigayaa meel wax yar u jirta halkii markii hore laga dhisay.

Tuuladaas waxaa muddo lix bilood ah sanadkii 1904 lagu dejiyay 57 rag, dumar iyo carruur Muslimiin Soomaali ah oo laga keenay Somaliland kuna noolaa Lister Park, waxaana booqday tobannaan kun oo qof.

Iyadoo qayb ka ahayd Bandhiggii Bradford ee 1904, inta badan faa'iidada laga helay Tuulada Soomaalida waxaa loo isticmaalay horumarinta ururinta farshaxanka ee Cartwright Hall ee ku taal Lister Park.

Bandhigga Weaving Together Industry, Culture and Empire, oo ka furmaya Cartwright Hall 9-ka May, waxaa ku jira waxyaabo qadiimi ah oo la helay, iyo sidoo kale kaarar boosteejo, sawirro iyo filimaan casri ah oo laga sameeyay tuulada iyo bandhigga.

Dadka howsha wada Yaxya Birt iyo Cabira Xuseen ayaa sheegay in noocyadan kooxaha socdaalka ah ay aad caan uga ahaayeen Yurub iyo Ameerika xilliyadii Victoria iyo Edwardian.

Birt ayaa yiri: "Qiyaastii 39,000 qof oo la takooray lagana soo gumaystay Aasiya iyo Afrika, xitaa qaar Yurub ka yimid, ayaa la soo bandhigay."

Bandhiggii Bradford ee 1904, oo soo jiitay 2.4 milyan oo booqdeyaal lacag bixiyay ah, wuxuu ahaa "mid aad u weyn," sida uu sheegay Birt.

"Waxaa jiray laba tigidh. Mid waxaad ku galaysay bandhigga guud, laakiin waxaad sidoo kale iibsanaysaa tigidh gaar ah oo lagu galo Tuulada Soomaalida, taas oo iyaduna ku dhex jirtay dhisme xayndaab leh.

"Tirada dadka tigidhka u goostay Tuulada Soomaalida waxay ka badnaayeen dadka markaas ku noolaa Bradford, sidaas darteed waa inay jireen dad marar badan booqday ama kuwo dibadda ka yimid."

UK

Xigashada Sawirka, Somali Village/Yahya Birt

Qoraalka sawirka, Cimiladu si aan caadi ahayn ayay u qaboobeyd bishii May 1904, markii ay dadka Tuulada Soomaalida yimaadeen Bradford

Marka laga soo tago daawashada noloshii tuulada, booqdayaasha bandhigga waxay sidoo kale arki kareen bandhigyo iyo matalaado dib loogu jilayay dagaallo.

"Waxay ahayd dhacdo aad loo hadal hayay. Ma ahayn wax qarsoon, mana ahayn bandhigga noociisa keliya," ayuu sharxay Yaxya Birt.

"Waxaa jiray bandhig kale saddex sano ka hor, sanadkii 1901, kaas oo dib loogu jilayay Second Boer War goobta Manningham Fields, taas oo markii dambe noqotay garoonka Bradford City AFC.

"Waxay ahayd dib-u-jilid dagaal oo buuxda oo dhex maraysay Zulu-yada, Boer-ta iyo Ingiriiska."

UK

Xigashada Sawirka, Somali Village/Yahya Birt

Qoraalka sawirka, Tobnaan Soomaali ah ayaa laga soo raray tuuladoodii Afrika oo la keenay Bradford

Cabira Xuseen ayaa sheegtay in bandhigga hadda socda, ee socon doono ilaa 1-da November, uu ka kooban yahay agabyo qaar "aan waligood hore loogu soo bandhigin Yurub."

"Si uun waa arrin taariikhi ah, marka loo eego goobta iyo fursadda aan u helnay inaan sheekadan uga warranno, sidoo kale marka loo eego qisada iyo agabka aan awoodnay inaan soo bandhigno oo isu geyno," ayay raacisay.

Cabira waxay sheegtay in bandhiggan hadda socda uu yahay markii ugu horreysay ee bandhig cabbirkan iyo muddadan intaa le'eg lagu qabto United Kingdom.

"Waa isku darka taariikhda Bradford iyo taariikhda gumeysiga, laakiin sidoo kale waa taariikhda Soomaalida iyo taariikhda qurbo-joogta Soomaalida maanta," ayay tiri.