Sidee ayay sagaalkan waddan u heleen hubka nukliyeerka?

Xigashada Sawirka, Universal History Archive/Universal Images Group via Getty Images
Hubka nukliyeerka ayaa gebi ahaanba beddelay sida ay ummaduhu uga fikiraan dagaalka iyo amniga.
Maanta, waxaa jira sagaal waddan oo loo yaqaan inay haystaan hubka noocaas ah: Mareykanka, Ruushka, Boqortooyada Midowday (UK), Faransiiska, Shiinaha, Hindiya, Bakistaan, Israa'iil iyo Kuuriyada Waqooyi.
Laakiin waddamadani si isku mid ah uma gaarin heerkan. Qaarkood waxay bilaabeen inay horumariyaan hubka nukliyeerka intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, kuwa kalena intii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa, halka qaar ka mid ah tartanka gobolka iyo cabsida amniga ay ahaayeen arrimo muhiim ah.
Sidee bay ku heleen hubka nukliyeerka?
Mareykanka wuxuu ahaa dalkii ugu horreeyay adduunka ee hubka nukliyeerka ku horumariya Mashruuca qarsoodiga ah ee Manhattan intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Bishii Agoosto 1945, waxay u adeegsatay laba bambo oo atomi ah Hiroshima iyo Nagasaki ee Japan. Ficilkani wuxuu muujiyay awoodda weyn ee hubkan wuxuuna bilaabay tartanka nukliyeerka.
Midowga Soofiyeeti wuxuu bilaabay dadaalkiisii uu ku doonayay inuu ku sameeyo bam atomi ah intii lagu jiray dagaalka wuxuuna si guul leh u sameeyay tijaabadiisii ugu horreysay 1949. Tani waxay soo afjartay kaligii talisnimada Mareykanka waxayna bilowday tartan hubka nukliyeerka ah oo weyn oo u dhexeeya labada waddan. Britain, oo la shaqeysay Mareykanka xilligii dagaalka, ayaa noqotay waddankii saddexaad ee haysta hubka nukliyeerka 1952.
Faransiiska iyo Shiinaha ayaa ku xigay sannadihii 1960-meeyadii, iyagoo sameeyay tijaabooyinkoodii ugu horreeyay sannadihii 1960-kii iyo 1964-tii siday u kala horreeyaan. Waqtigaas, Mareykanka, Midowga Soofiyeeti, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska, iyo Shiinaha ayaa naftooda u xaqiijiyay inay yihiin waddamo leh hubka nukliyeerka. Walwalka laga qabay in waddamo kale ay ku daydaan tallaabadan ayaa horseeday in la sameeyo Heshiiska Ka Hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka (NPT) sannadkii 1970-kii.
Hindiya ayaa ku biirtay kooxdan sannadkii 1974-tii, inkastoo aysan saxiixin heshiiska NPT. Baakistaan, oo iyaduna aan saxiixin heshiiska, ayaa raacday isla waddadaas; iyadoo tartanka dhanka amniga ee kala dhexeeya Hindiya uu ahaa qayb muhiim ah oo ka mid ah xaaladihii horseeday horumarinta hubkan. Baakistaan ayaa tijaabadeedii ugu horreysay sameysay sannadkii 1998-kii.
Israa'iil waa kiis ka duwan kuwa kale. Weligeed si rasmi ah uma aysan xaqiijin mana aysan beenin inay haysato hubka nukliyeerka, iyadoo raacaysa siyaasad loo yaqaan "hubanti-la'aanta nukliyeerka" (nuclear ambiguity). Sidoo kale, Israa'iil ma ahan waddan saxiixay heshiiska NPT. Macluumaad soo baxay iyo qiyaaso ay sameeyeen khubaro ayaa horseeday in lagu daro liiska waddamada leh hubka nukliyeerka, iyadoo qiyaasuhu tilmaamayaan inay laga yaabo inay haysato ilaa 90 madax-hub oo nukliyeer ah.
Kuuriyada Waqooyi ayaa iyaduna hore uga tirsanaan jirtay heshiiska NPT, balse way ka baxday sannadkii 2003-dii, iyadoo sabab uga dhigtay xiisadaha dhanka milatariga ee kala dhexeeya Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed. Sannadkii 2006-dii ayay sameysay tijaabadeedii ugu horreysay ee hubka nukliyeerka, tan iyo xilligaasna waxay sii wadday horumarinta awooddeeda nukliyeerka iyo gantaallada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxay waddamada kale uga tageen barnaamijka nukliyeerka?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In waddan uu qorsheeyo horumarinta hubka nukliyeerka macnaheedu ma aha inuu sii wadi doono hawshaas ilaa dhammaadka.
Waddamada sida Brazil, Sweden iyo Switzerland ayaa mar bilaabay qorshayaal ay ku soo saarayaan hubka noocaas ah, balse markii dambe way ka laabteen.
Tusaalaha ugu caansan waa Koonfur Afrika, taas oo si guul leh u samaysay hubka nukliyeerka, ka dibna burburisay hubkaas oo joojisay barnaamijkeedii. Go'aankan waxaa sababay arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin dhammaadkii nidaamkii midab-kala-sooca (apartheid), hoos u dhaca colaadaha gobolka, iyo isbeddelka xaaladda siyaasadeed ee caalamka.
Ka dib burburkii Midowgii Soofiyeeti sannadkii 1991-kii, waddamada Ukraine, Belarus iyo Kazakhstan ayaa iyaguna dhaxlay qaybo ka mid ah kaydkii hubka nukliyeerka ee Soofiyeeti oo ku yiil dhulkooda, balse dhammaantood way ka laabteen isticmaalka ama haysashada hubkaas. Ukraine ayaa hubkaas ku wareejisay heshiiskii Budapest ee sannadkii 1994-tii, iyadoo beddelkeeda heshay dammaanad-qaadyo amni oo uga yimid Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska iyo Ruushka.
Immisa hub ayaa weli adduunka yaalla?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maadaama dowlado badan aysan si buuxda u shaacin baaxadda kaydkooda hubka, ma jiro tiro si dhab ah loo hubo.
Hase yeeshee, sida ay sheegtay hay'adda SIPRI, sagaalka waddan ee haysta hubka nukliyeerka ayaa bishii Janaayo ee sannadkii 2026-kii haystay qiyaastii 12,187 madax-dagaal oo nukliyeer ah. Kuwaas, qiyaastii 9,745 ayaa ku jiray kaydka milatariga si loogu isticmaalo haddii loo baahdo, halka qiyaastii 4,012 ay horey ugu xirnaayeen gantaallo ama diyaarado dagaal.
Inkastoo tirada guud ee hubka nukliyeerka ay hoos u dhacaysay muddo dheer, haddana SIPRI waxay ka digaysaa in waddamada haysta hubka noocan ah ay sii wadaan casriyeyntiisa iyo horumarinta habab cusub oo lagu gaarsiiyo bartilmaameedka.
Mareykanka iyo Ruushka ayaa weli haya qaybta ugu weyn ee hubka noocan ah ee caalamka.

Xigashada Sawirka, Universal History Archive/Universal Images Group via Getty Images
Wadamada kale ma ku biiri karaan kooxda?
Su'aashu waxay noqotay mid aad muhiim u ah sababtoo ah doodda ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan.
Iiraan waa xubin ka tirsan NPT waxayna ku adkeysatay in barnaamijkeeda nukliyeerka uu leeyahay ujeeddooyin nabadeed iyo inaysan dooneynin inay horumariso hubka nukliyeerka.
Laakiin khubaradu waxay ka digayaan in haddii Iiraan ay hesho hubka nukliyeerka, tallaabadani ay beddeli karto xisaabinta amniga ee Bariga Dhexe oo ay ku kicin karto waddamada kale inay dib u eegaan awooddooda nukliyeerka.
Si kastaba ha ahaatee, ku biirista naadiga ma aha hawl fudud. Dal doonaya inuu horumariyo hubka nukliyeerka wuxuu u baahan yahay kheyraad, tignoolaji iyo qalab si dhow loola socdo caalamka. Hawshu waa qaali waxayna qaadan kartaa sannado.
Sidaa darteed, inkastoo laga cabsi qabo in tirada dowladaha hubka nukliyeerka haysta ay kordhi karto, haddana caqabadaha siyaasadeed, dhaqaale, iyo tignoolajiyada ayaa weli safarka ka dhigaya mid adag.












