You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sawirro: Seddex meelood oo Shiinuhu u xushay inuu kaga yaabsado Trump intii uu dalkaas booqanayey
Waa booqashadii ugu horreysay ee hogaamiye Mareykan ah ku dhawaad 10 sano uu ku tago Shiinaha, waxaana Beijing ay fidisay roogga cas, iyadoo madaxweyne Donald Trump uu booqasho ku tagay goobo taariikhi ah.
Trump ayaana u muuqday inuu la dhacay.
1. Hoolka weyn ee Shacabka
Trump markii u halkaa yimid waxaa soo dhoweeyey koox milateriga ka tirsan iyo carruur u gacan haatinayey.
Dhismahan dawladeed, oo ku yaal galbeedka Tiananmen Square, waa halka uu ku kulmo Congress-ka Qaranka Shiinaha, waxaana inta badan loo isticmaalaa in lagu qaabilo hoggaamiyeyaasha shisheeye.
Hoolkan oo la furay 1959-kii, wuxuu ahaa mid ka mid ah "Tobanka Dhisme ee Waaweyn" ee lagu xusayo sannad-guuradii tobnaad ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.
Dhismahan aadka u wayn waxa ku yaal boqolaal hoolal iyo xafiisyo ah. Qolka fadhiga waxa uu qaadi kara in ka badan 10,000 oo qof, halka 5,000 oo casheeyayaal ah ay isku mar wax ku cuni karaan Hoolka xafladaha ee dawladda.
2. Macbadka Jannada (The temple of Heaven)
Ka dib wadahadalo laba geesood ah, hogaamiyayaashu waxay soo booqdeen Macbadka Jannada, oo ah dhismo boqortooyo oo 600 sano jir ah oo Trump uu ugu yeeray "meel aad u wanaagsan".
Wuxuu sidaas ku noqonayaa madaxweynihii labaad ee Mareykan ah oo booqda goobta, kadib booqashadii uu Gerald Ford 1975 halkaa ku tegey.
Qaabka loo habeeyey 92ka dhisme ee goobtaas ku yaalla, oo ku sii dhex taalla beero iyo kaymo, ayaa astaan u ah xiriirka ka dhexeeya Dhulka iyo Cirka.
Boqorradii boqortooyadii Ming iyo Qing waxay halkan ku bixiyeen allabariyo, waxayna u duceeyeen dalagyo badan, taasoo ka tarjumaysa rumaysnaanta xiriirka rabbaaniga ah ee madaxda Shiinaha.
3. Zhongnanhai
Maalinta labaad ee shirwaynaha, Xi iyo Trump waxa ay iska qaadi doonaan "sawir saaxiibtinimo" waxayna isku gacan qaadi doonaan Zhongnanhai, oo ah beer boqortooyo qadiimi ah oo ku taal agagaarka magaalada mamnuuca ah ee bartamaha Beijing.
Calaamadda albaabka laga soo galo ayaa waxaa ku qoran: "Ha noolaado Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha!"
Dhismaha Zhongnanhai ee sirta ah oo si weyn loo ilaaliyo ayaa waxaa ku yaal xafiisyada iyo guryaha madaxda sare ee Shiinaha.
Marti qaadka goobtan waxa ay madaxda ajaanibka ahi u arkaan in ay tahay calaamad muujinaysa isku soo dhawaanshaha iyo aqoonsiga.