Turkiga oo gelin horeba ka haray Koobkii Adduunka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciyaaryahanka lagu magacaabo Miguel Almirón ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee kaarka cas lagu siiyo Koobka Adduunka sababo la xidhiidha inuu afkiisa gacanta ama marada saaray oo qariyey mar uu hadlayey, balse Paraguay oo 10 nin ku ciyaaraysay markii uu ka baxay, ayaa si geesinnimo leh u difaacatay guushaas si ay u xoojiyaan rejadooda wareega 32-da, isla markaana ay sidaa tartankaga kaga saarto dalka Turkiga.
Paraguay ayaa hoggaanka qabatay 64 ilbidhiqsi gudahood markii khadka dhexe Matias Galarza uu ka dhaliyay meel ka baxsan xerada ganaaxa, goolkaas oo noqday kii ugu dhaqsiyaha badnaa tartanka iyo goolka guusha ee u sahlay Paraguay in ay badiso.
Intaas kadib, ciyaartu waxay u badatay hal dhinac, iyada oo Turkiga si xoog leh u weeraray si ay u helaan goolka barbaraha.
Rejadooda ayaa sii koradhay markii Almirón, oo hore uga soo ciyaaray Newcastle United, uu gacanta afkiisa saaray isagoo la murmaya daafaca Turkiga Mert Muldur waqtiga nasahasada ee qeybta hore.
Kadib dib u eegis la eegay qalabka tignoolajiyadeed ee VAR, garsooraha Salvadoran Ivan Barton ayaa kaarka cas bixiyay, iyada oo lagu dabaqayo xeer cusub oo la soo rogay ka hor Koobka Adduunka.
Labada kooxoodba waxay ciyaarta ku soo galeen iyagoo guuldarro ka soo gaaray kulamadii hore – Paraguay waxaa 4 1 ku garaacay Mareykanka, halka Australia ay 2 0 ku adkaatay Turkiga. Taasi waxay keentay in kulankan uu noqdo mid kulul oo xamaasad badan.
Inkasta oo Turkiga ay ciyaarta si buuxda u maamulayeen, waxay heleen hal kubbad oo toos ah oo ku socota goolka laba iyo toban jeer oo ay isku day sameeyeen, si ay bal in uun helaan gool..
Turkiga ayaa 30 isku day sameeyay kulankii Australia iyo sida oo kale 32 isku day oo kale kulankan ay xalay la ciyaarayeen dalka Paraguay, si ay shabaqa u gaadhaan oo gool u dhaliyaan, balse wali wax gool ah ma aysan dhalin intii tartankani socday illaa hadda
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laba guuldarro kadib, ma ahaanayaan kuwii kusii jiri kara tartanka, oo ay suuragal tahay in ay sii gudbaan wareegga xiga, halka Paraguay ay u ekaayaan kuwo baraarugsan in haddii ay ka badiyaan Australia kulankooda ugu dambeeya ee Group D, ay si toos ah ugu gudbi doonaan wareega xiga.
Kooxda Vincenzo Montella ee Turkiga ayaa ilaa hadda ku fashilantay inay gool dhaliyaan inkasta oo ay sameeyeen 62 isku day – tirada ugu badan ee abid la diiwaangeliyo laba kulan oo Koobka Adduunka ah tan iyo 1966.
Waxay haysteen kubbadda inta badan: 71.6% marka loo eego kulankii ay la ciyaareen Australia iyo 78.5% kulankii ay xalay ciyaareen xulka dalka Paraguay.
Waxay sida oo kale lahaayeen filashada kooxda laga qabay in ay gool dhalin karaan labada kulanba marka loo eego kooxihii la ciyaaryey, balse wali wax gool ah ma dhalin.
Inkastoo ay weerar sameeyeen 180 daqiiqo, Turkiga waxay sameeyeen wax walba marka laga reebo gool dhaliyaan ama shabaqa gaadhaan.
Waxay ku laabanayaan gurigaoda natiijada kulanka Mareykanka ee soo socda waxba kama beddeli karto natiijadooda taas oo ka dhigan hadday badiyaan ama laga badiyaba, labadaba way hadhayaan, sidaas ayayna ku sufrayaan iyagaa soo hadhay.














