Qof kasta wuxuu rabaa inuu miisaanka dhimo laakiin dufanka jirka oo aad u yaraada wuxuu leeyahay khatar caafimaad

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dufanka jirka, ilaa xad, sannado badan ayaa si khaldan loo fahamsanaa.
Dhaqanka cunto-dhimistu wuxuu inoo sheegayaa inaan dufanta iska yarayno; qaar ka mid ah shirkadaha cuntaduna waxay iibgeeyaan badeecooyin dufankoodu yar yahay, halka baraha dadka culeyska qaada ay kusoo wadaagaan talooyin ku saabsan sida loo yareeyo boqolkiiba intaas dufanka jirka.
Kaliya in si degdeg ah loo eego baraha bulshada ayaa ku filan in la helo talooyin ku saabsan sida loo helo "jir murqaha badan". Noocan jirka ah ee murqaha leh ayaa si weyn loo ammaanaa.
Sannadkan, khubarradu waxay walaac ka muujinayaan soo noqoshada isbeddelka ah in qofku aad u caato noqdo, taas oo mararka qaar ay sii hurinayaan dawooyinka miisaan-dhimista ee caan baxay.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo dufanka badan uu sababi karo dhibaatooyin caafimaad isla markaana uu keeni karo cayil, dufan aad u yar oo jirka ku jira sidoo kale caafimaad inooma aha.
Sida khubarro badan ay sharxeen, rabitaanka ah in dufanka jirka gebi ahaanba laga takhaluso wuxuu yeelan karaa waxyeello, haddii laga eego dhinaca bayoolajiga ama dhinaca bulshada.
"Waa inaan jeclaanno dufankeenna," ayay tiri Elif Oral, oo ah dhakhtarad ku takhasustay cudurrada hormoonnada ahna borofisar caafimaad oo ka tirsan Jaamacadda Michigan. "Waxay qabtaan door bayoolojiyeed aad muhiim u ah."
Haddaba, intee in le'eg oo dufan ah ayaynu dhab ahaantii u baahan nahay? Maxaase heerka dufanka jirka oo aad u hooseeya ka dhigi kara mid khatar nagu ah?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxay baruurta jirku muhiim u tahay?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Guud ahaan, waxaa jira laba nooc oo dufan ah: dufanka laga helo cuntada iyo dufanka jirka.
Dufanka cuntadu waa kan aynu ka helno marka aynu wax cunno, halka dufanka jirku uu yahay hab dabiici ah oo jidhku u kaydiyo tamarta aanu xilligaas u baahnayn.
Marka aynu wax cunno, dufanka, karbohaydraytyada iyo borotiinnada ku jira cuntada ayaa la burburiyaa oo loo beddelaa walxo fudud oo jidhku u isticmaali karo il tamareed.
Karbohaydraytyadu waxay isu beddelaan gulukoos, borotiinnaduna asiidhyada amino, halka dufankuna isu beddelo asiidhyada dufanka.
Haddii si joogto ah aynu u cunno kalooriyo ka badan inta aynu isticmaalno, unugyada dufanka ee loo yaqaan adipocytes ayaa nafaqooyinka dheeraadka ah ku kaydiya qaab dufan ah. Tani waxay keentaa in unugyada dufanku weynaadaan.
Si kastaba ha ahaatee, maanta waxaynu ognahay in dufanka jidhku aanu ahayn oo keliya meel lagu kaydiyo tamarta, balse uu yahay xubin si firfircoon u shaqaysa oo door ka qaadata nidaaminta hawlo kala duwan oo jidhka ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Intee le'eg oo dufan ah ayuu jidhku u baahan yahay?
Waxaa si la yaab leh u adag in la cabbiro boqolkiiba dufanka ku jira jidhka, inkastoo arrintan aan gadaal ka sii hadli doonno. Intaa waxaa dheer, ma jiro heer boqolkiiba ah oo caalamka oo dhan loo dejiyey oo qof kastaa ay tahay inuu gaaro; baahidu qofba qof ayay ku kala duwan tahay.
Si kastaba ha ahaatee, marka loo eego tilmaamaha guud, ragga qaangaarka ah ee caafimaad qaba waxay caadi ahaan leeyihiin dufan jidheed u dhexeeya 10% iyo 20%. Dumarka qaangaarka ah ee caafimaad qaba, boqolkiiba dufanka jidhku caadi ahaan wuxuu u dhexeeyaa 20% iyo 29%. Dadka qaba cayilka xad-dhaafka ah waxay leeyihiin dufan jidheed oo ka badan 30%.
Marka laga hadlayo heerka ugu habboon, Ryden wuxuu sheegay: "Aad ayay u adag tahay in la go'aamiyo heer sax ah. Wuxuu ku kala duwanaan karaa dadka, jinsiga, iyo kooxaha bulsheed ama asalka."
Dadka ciyaaraha sameeya, heerka dufanka jidhku caadi ahaan wuu ka hooseeyaa kan dadka kale.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida loo cabbiro dufanka jidhka
Waxaa jira dhowr hab oo lagu cabbiro xaddiga dufanka jidhka.
Cabbirka ugu faahfaahsan waxaa lagu sameeyaa qalabka baaritaanka jidhka oo dhan ee loo yaqaan DEXA, kaas oo kala saari kara dufanka jidhka, murqaha iyo lafaha. Si kastaba ha ahaatee, habkani wuxuu u baahan yahay qalab gaar ah, waxaana laga yaabaa inuu qaali noqdo.
Habka caanka ah ee guriga lagu isticmaalo waa cabbirka laalaabka maqaarka. Tani waxay ku lug leedahay in la cabbiro dhumucda lakabka dufanka ee maqaarka hoostiisa iyadoo qayb ka mid ah maqaarka la qabto, lana isticmaalo qalab gaar ah oo loo yaqaan calipers.
Si kastaba ha ahaatee, qalabkani wuxuu cabbiri karaa oo keliya dhumucda dufanka ee meelo gaar ah oo jidhka ah. Dufanka ku wareegsan xubnaha gudaha (visceral fat) si toos ah looguma cabbiri karo habkan.
Sidoo kale, cabbirka laalaabka maqaarku ma aha mid aad u sax ah, waxaana laga yaabaa inuu bixiyo tirooyin muujinaya heer dufan oo ka hooseeya kan dhabta ah.
Ikhtiyaar kale oo guriga lagu isticmaalo waa miisaannada casriga ah ee dijitaalka ah. Miisaannadani waxay jidhka mariyaan koronto aad u yar si ay u qiyaasaan xaddiga dufanka.
Si kastaba ha ahaatee, natiijooyinka cabbirradan waxaa saameeya xaddiga biyaha jidhka ku jira, sidaas darteed looma tixgeliyo kuwo si sax ah u cabbira heerka dufanka. Sidoo kale, ma muujin karaan halka uu dufanku ku kaydsan yahay, mana kala saari karaan dufanka gudaha iyo noocyada kale ee dufanka.



























