Daraasad: dhowr qodob oo kaa caawin kara badbaadinta xiriirka lamaanahaga iyo faa'iidooyin caafimaad ee ku jira

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxay yihiin waxyaabaha ay khubarada la-talinta guurku doonayaan inaad ka ogaato isku-dayga lagu badbaadinayo xiriir sii xumaanaya?
Haddii aad ku jirto xiriir aan farxad lahayn, waxaa laga yaabaa inaad dareento xanuun wadnaha ah, si dhab ah.
Doodaha kulul waxay keeni karaan hurdo xumo, xitaa xanuun wadnaha iyo murqaha ah. Waxay sidoo kale dhammaan xubnaha qoyska, oo ay carruurtu ku jiraan, ka dhigi karaan kuwo u nugul dhibaatooyinka caafimaadka jirka iyo maskaxda. Dhanka kale, xiriir farxad leh wuxuu kor u qaadi karaa caafimaadkaaga, xitaa wuxuu kordhin karaa cimrigaaga. Xiriir aan farxad lahayn wuxuu yeelan karaa saameyn ka soo horjeedda, isagoo si tartiib tartiib ah u wiiqaya caafimaadkaaga, taasoo kordhin karta khatarta dhimashada degdegga ah.
Dhab ahaantii, xiriirrada dhow ee tayadoodu liidato waxay khatar ku yihiin caafimaadka si la mid ah, ama xitaa uga weyn, sigaarka ama jimicsi la'aanta. Dabadeed, dabcan, waxaa jira "xanuunka wadnaha" : xanuunka ka dhasha jacayl burburay ama qalbi jabay.
Haddaba, sidee ayaa xiriir aan farxad lahayn loogu beddeli karaa xiriir farxad leh? Taasina dhab ahaan ma suurtagal baa?
Cilmi-baaris sii badanaysa ayaa daaha ka qaadaysa jawaabo la yaab leh, waxayna rajo gelinaysaa lamaanayaasha sida dhabta ah uga go'an inay wax ka beddelaan xiriirkooda.
Maxay lamaanayaashu u dagaallamaan?
Haddii aad hadda bilowday xiriir cusub, murankii ugu horreeyay ee adiga iyo lammaanahaaga dhex maraana uu ku saabsan yahay weel wasakh ah, waxaa laga yaabaa inaad aragtay wax yar oo ka mid ah mustaqbalka fog: cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in mawduucyada lammaanuhu isku qabtaan ay inta badan isku mid ahaadaan inta uu xiriirku socdo.
Arrimahan soo noqnoqda waxaa loo yaqaan dhibaatooyin joogto ah ama aan si fudud loo xallin karin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Arrimahan aan si fudud loo xallin karin waxay la xiriiri karaan dhaqaalaha, barbaarinta carruurta, nolosha galmada, ama sida awoodda iyo go'aan-qaadashada loogu qaybsado xiriirka," ayay tiri Carrie Cole, oo khabiir cilmi-nafsiga yaqaan ah isla markaana ah agaasimaha cilmi-baarista ee Machadka Gottman ee Daaweynta Lammaanaha ee Seattle, Maraykanka.
Laakiin waxay sidoo kale ku saabsan noqon karaan arrimo u muuqda kuwo fudud, sida nadaafadda iyo habaynta guriga.
Daraasad muddo dheer socotay, cilmi-nafsi-yaqaanka John Gottman iyo kooxdiisu waxay la socdeen khilaafaadka lammaanayaasha intii lagu jiray qiimayn hore, ka dibna mar kale afar sano kaddib.
Waxay ogaadeen in 69% xaaladaha, lammaanayaashu ay weli isku hayeen noocyo isku mid ah oo arrimo ah kuwii ay ka hadleen afar sano ka hor.
Daraasado kale ayaa muujiyay qaab la mid ah, iyadoo arrimo aasaasi ah oo gaar ah, sida lacagta, ay ka dhex muuqdaan khilaafaadka qoysaska iyo xitaa dhaqammo kala duwan.
Khilaafaadka ku saabsan lacagta, gaar ahaan, waxay u muuqdaan inay yihiin kuwa ugu joogtada badan uguna daran. Shaqooyinka guriga oo aan si siman loo qaybsan ayaa iyaguna ah il kale oo xiisad dhalisa, waxayna kordhin karaan suurtagalnimada furriinka.
Khilaafaadka, marka ay sidaas oo keliya yihiin, khasab ma aha inay yihiin calaamad xun. Waxay si fudud u noqon karaan qayb dabiici ah oo ka mid ah barashada sida loo fahmo loona tixgeliyo baahiyaha midba midka kale. Lammaanayaasha faraxsan iyo kuwa aan faraxsanaynba way murmaan.
Cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in farqiga ugu muhiimsan ee u dhexeeya lammaanayaasha faraxsan iyo kuwa aan faraxsanayn uu ku jiro sida ay midba midka kale ula dhaqmaan, inta ay khilaafku socdo iyo marka aysan khilaaf jirin labadaba.
Afar dabeecadood oo "dili kara xiriirka"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cole waxay tilmaamaysaa afar dabeecadood oo gaar ah oo, sida ay daraasaduhu muujinayaan, muujin kara in xiriirkiinnu u sii socdo burbur: dhaleeceyn, yasid, is-difaacid, iyo hakinta ama ka-noqoshada wada hadalka (taas oo ah in qofku ka fogaado khilaafka isagoo diidaya inuu ka qaybqaato).
Cole waxay tiri: "Afartan dabeecadood waxay xiriirka burburin doonaan." Laakiin waxayintaa ku dartay: "Waa la sixi karaa haddii lammaanuhu doonayo in la saxo."
Dhab ahaantii, khatartu kuma koobna oo keliya xiriirka; cilmi-baaris kale ayaa muujisay in qofka si joogto ah uga hela dhaleeceyn lammaanihiisa ay si weyn u saadaalin karto dhimasho ka hor waqtigeeda.
Murannada ay ku jiraan dabeecadahaas, oo ay weheliyaan gardarro iyo cadaawad, waxaa loo yaqaan muranno burburinaya, waxayna ugu dambayn kordhin karaan khatarta furriinka.
Dhanka kale, murannada wax dhisaya, kuwaas oo diiradda saaraya in dhibaatooyinka si wadajir ah, xushmad leh, xiiso iyo faham leh, iyo naxariis leh loo xalliyo, waxay xoojin karaan xiriirka.
U-dhego-noolaanshaha iyo u-jawaabidda baahiyaha lammaanaha waa arrin muhiim ah; waa dareenka ah in lammaanahaagu ku dhageysto, ku taageero, oo ku fahmo. In lammaanaha loo arko qof u fiirsada oo si wanaagsan uga jawaaba baahiyahaaga kuma xirna oo keliya qanacsanaanta guurka oo sareysa, balse waxay sidoo kale yareyn kartaa caabuqa jirka waxayna kor u qaadi kartaa caafimaadka jirka iyo cimri-dhererka.
Naxariista iyo iskaashiguna waxay dhisi karaan aasaas wanaagsan oo muddo dheer ah. Daraasad 20 sano socotay oo lagu sameeyay lammaanayaal is qaba ayaa muujisay in go'aan-qaadashada wadajirka ah iyo si siman loo qaybsado shaqada gurigu ay la xiriireen farxad guur oo badan iyo khilaaf yar.
Habka ay lammaanayaashu u maareeyaan khilaafaadkooda wuxuu xitaa saameyn ku yeelan karaa hurdadooda; cilmi-baaristu waxay ogaatay in murannada burburinaya ay la xiriiraan hurdo xumo, halka murannada wax dhisaya ay la xiriiraan hurdo wanaagsan.
Dib-u-dhiska dareen-wadaagga
Haddii aad ku jirto xiriir aan farxad lahayn, inaad ka gudubto murannada qadhaadh ee colaadda iyo xanaaqa leh una gudubto wada-hadallo naxariis iyo taageero ku dhisan waxay u ekaan kartaa wax ku dhow inaanay suurtagal ahayn. Laakiin caddaymo cilmiyeed oo badan ayaa muujinaya in arrintaasi suurtagal tahay, tusaale ahaan iyadoo laga faa'iidaysanayo daaweynta cilminafsiga.
Cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in daaweynta lammaanaha ay saameyn wanaagsan ku yeelato 70% lammaanayaasha qaata daaweyntaas. Waxay ka caawin kartaa hagaajinta dhibaatooyinka xiriirka, kordhinta qanacsanaanta xiriirka, ka hortagga in walbahaarku sii kordho, iyo xoojinta isu-dhowaanshaha dareenka. Waxay sidoo kale ka caawin kartaa qofka inuu hagaajiyo dhibaatooyinka caafimaad ee dhinaca dareenka ama jirka.
Jay LeBeau, oo ah daaweeye lammaanayaal iyo bare caafimaad oo cilmiga cilminafsiga ah kana tirsan Machadka Qoyska ee Jaamacadda Northwestern ee Evanston, Illinois, isla markaana qayb ka ahaa qorayaasha dib-u-eegis ballaaran oo lagu soo gabagabeeyay in daaweynta lammaanuhu wax ku ool tahay, ayaa tiri: "Inta badan lammaanayaasha gaara heerka ay raadsadaan daaweyn waxay lumiyeen u-damqashadii iyo is-fahamkii." Waxay intaas ku dartayin mid ka mid ah caqabadaha daaweyntu yahay: "Sideen dib ugu dhisi karnaa u-damqashadeennii iyo is-fahamkeennii?"
"Mid ka mid ah calaamadahan waa horumar ku yimaada awoodda bukaannada ee hadalka iyo dhageysiga. Taasi waxay u ekaan kartaa wax fudud, laakiin marka aad ku jirto xiriir walaac iyo cadaadis badan leh, dhageysigu wuxuu noqdaa mid aad u adag."
"Wax badan iiga sheeg"
Waxaa jira laba calaamadood oo gaar ah oo Cole rajo geliya marka ay la kulmayso lammaanayaasha, kuwaas oo ay iyadu u aragto inay muujinayaan in lammaanuhu awoodi doonaan inay xiriirkooda sii wataan oo ay ka gudbaan dhibaatooyinkooda.
Calaamadda koowaad waa marka mid ka mid ah lammaanuhu kan kale ku yiraahdo: "Waan fahmi karaa sababta aad sidaas u dareemayso." Cole waxay taas u aragtaa caddayn muujinaysa in qofku aqbalayo waxa ay ugu yeerto "inuu qofka kale saamayn ku yeesho." Waxay sharraxaysaa: "Waxaan ula jeedaa inuu qofku awood u leeyahay inuu aqbalo aragtida qofka kale inay tahay mid sax ah oo la tixgelin karo, xitaa haddii ay ka duwan tahay aragtidiisa."
Calaamadda labaad ee cad waa: "Weli ma jirtaa xiise aad midba midka kale u qabtaan? Haddii ay jirto, rajo ayaa jirta," ayay tiri. Xitaa haddii midkood uusan ku raacsanayn waxa kan kale sheegayo, wuxuu odhan karaa wax la mid ah: "Wax badan iga sii sheeg arrintaas; sidee ayaad fikirkaas ku gaartay?"
Lipow wuxuu sheegay in haddii dadku ka shaqeeyaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinkooda, "caddayntu si weyn ayay u muujinaysaa in natiijooyinku ay noqon doonaan kuwo wanaagsan."
Wadaagista riyooyinka
Marka ay timaaddo xallinta khilaafaadka aan si fudud loo xallin karin, fahamka riyooyinka iyo himilooyinka labada dhinac ayaa caawin kara, sida ay sheegtay Cole.
Waxay tusaale u soo qaadatay lammaane u tagay daaweyn sababtoo ah khilaaf joogto ah oo ku saabsan lacagta. Labadooduba waxay ku soo koreen saboolnimo, laakiin waayo-aragnimadaasi waxay shakhsiyaddooda u qaabaysay siyaabo aad u kala duwan. Xaasku waxay diiradda saartay inay gaarto amni dhaqaale iyo madax-bannaani dhaqaale iyadoo lacag kaydsanaysa oo si taxaddar leh u maareynaysa miisaaniyadda. Ninku, dhanka kale, wuxuu doonayay inuu lacagtii uu si adag u kasbaday ku iibsado waxyaabo wanaagsan, isla markaana uu ku raaxaysto dareenka ah inuu bulshada qayb ka yahay, isagoo aan mar dambe saboolnimadu ka soocayn dadka kale.
Arrintaasi waxay horseedday muranno aan dhammaad lahayn oo ku saabsan kharashaadka.
Cole waxay tiri: "Arrimahan mar walba ayay isku hayeen. Marnaba ma aysan gaarin sababta dhabta ah ee murankooda."
Intii ay ku jireen daaweynta, waxay is dhegeysteen iyagoo ka sheekaysanaya waayo-aragnimadii xanuunka lahayd ee ay ku soo mareen saboolnimadii carruurnimadooda iyo sida waayo-aragnimadaasi u qaabaysay himilooyinkooda nololeed. Waxay barteen inay tanaasul sameeyaan, waxayna ku heshiiyeen inta lacag ah ee ay kaydsanayaan iyo inta mid kasta uu xor u yahay inuu kharash gareeyo.



























