Soomaaliya oo digniin ka soo saartay cudur dilaa ah oo Afrikada Bari ka dillaacay

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in heegan sare la galiyay shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala marinada iyo xuduudadaha dalka laga soo galo, si feejignaan gaar ah loogu yeesho xanuunka Ebola oo ka dilaacay waddamada Uganda iyo Koongada Dimoqaariga oo ku yaala bariga afrika.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay si dhaw ula soctay warrarka xunuunkaasi la xiriirra tan ay markii WHO uga dhawaaqday Kongo jiritaanka cudurka Ebola.

Dr Xuseen Abuukar oo ah Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka oo qaabilsan dhammaan cilmi baarisyada caafimaadka dalka iyo ka jawaabista xaaladdaha degdeg ah ee cudur-dilaaca ayaa BBC-da uga waramay feejignaanta ay ku jiraan.

Wuxuu sheegay in ay durba bilaabeen talaabooyin ay uga digayaan dad weynaha khatarta cudurka, wuxuuna intaa ku daray noocan xanuunka Ebola ee had da dilaacay aan loo hayn wax dawo ama talaal ah.

"Noocan wuxuu ku faafaa taabashada, dhiigga iyo dheecaanka dadka oom is gaarana wuu ku gudbayaa, laakin ma aha cudur hawada si fudud ugu faafa" ayuu yiri Dr Xuseen Abuukar.

Dhowr arrimood oo is xigxiga oo xukuumaddu qaadi doonto ayuu sheegay, laakinse wuxuu xusay in hadda la hawl galiyey digniinta hore ee caafimaadka. "Waxaa la diyaariyey baritaannadii loogu tala galay haddi ay jiraan kiisas laga shakiyo oo safar ku yimid, taasoo uu sheybaarka dhexe ee qaranka uu u diyaar garoobay".

Wuxuu intaa ku daray in dawladdu ay diyaarisay meelihii lagu hayn lahaa kiisaska la helo.

Arintan ayaa timid ayadoo sannadihii u danbeeyey uu aad u kordhay isu socodka dadka ee dalalka bariga Afrika. Duulimaada tooska ah ee ka yimaada Uganda ayaa todobaad kasta Sameeya afar duullimaad, kaasoo ay boqolaal dad ah dalka ku yimaadaan "waa meesha ugu badan ee aan cabsida ka qabno" ayuu yiri Dr Xuseen.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu kaloo xusay in boqolaal qof ay maalin kasta ka yimaadaan Kenya oo xuduud la leh Uganda, taasinaay welwelkeeda leedahay.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay joogaan kumanaan askari oo u dhashay Uganda kana tirsan ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku shaaca ka qaaday in in cudurka Ebola uu ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC) iyo Uganda, kaasoo ay ku tilmaameen "xaalad caafimaad oo degdeg ah oo dadweyne oo walaac caalami ah leh" ka dib markii ugu yaraan 80 kiis oo dhimasho ah la soo sheegay.

WHO waxa ay sheegtay in cudurka dillaacay uusan buuxin shuruudaha lagu shaacinayo masiibo, taasoo ay hay'addu ku samaysay 2020 cudurka COVID-19.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ka digtay in xogta la ururiyay ilaa hadda ay tilmaamayso "soo shaac bixid aad uga weyn kan hadda la ogaaday oo la soo sheegay".

Khubarada ayaa sheegaya in aysan ahayn nooca ugu badan ee cudurka, balse heerka dhimashadu ay aad u sarreyso sababtoo ah xaaladaha hadda jira ayaa ah kuwo ka jira meelo tas-hiilaadkoodu uu liito.

Waa maxay cudurka Ebola

.

Xigashada Sawirka, AFP

Cudurka Ebola waa cudur ba'an, oo inta badan dilaa u ah bini'aadamka oo ay sababaan koox fayras ah oo loo yaqaan 'orthoebolavirus'.

Waxaa jira lix nooc oo ah orthoebolaviruses oo la aqoonsaday ilaa maanta, iyadoo saddex la og yahay inay sababaan faafitaanno waaweyn, sida ay sheegatay tiri WHO. Saddexdaas ayaa kala ah:

Fayraska Ebola (EBOV) oo keena cudurka fayraska Ebola (EVD)

Fayraska Suudaan (SUDV) oo sababa cudurka fayraska Suudaan (SVD)

Fayraska Bundibugyo (BDBV) oo keena cudurka fayraska Bundibugyo (BVD).

Cudurka hadda ka dillaacay Uganda iyo DRC wuxuu ka yimid fayraska Bundibugyo.

Waxaa loogu magac daray tuulo ku taal webiga Ebola ee DRC, markii ugu horreysayna waxaa la helay 1976 laba cudur oo isku mar ah.

Mid ka mid ah cudurada fayraska ee Suudaan ayaa ka dillaacay Nzara oo hadda loo yaqaan Koonfurta Suudaan iyo ka kale oo ah cudurka Ebola ee ka dillaacay Yambuku oo hadda loo yaqaan DRC.

Astaamaha cudurka Ebola

Bilawga astaamuhu waxay caadi ahaan bilaabmi karaan inta u dhaxaysa siddeed ilaa 10 maalmood ka dib caabuqa.

Calaamadaha ugu horreeya ee Ebola waxaa ka mid ah si lama filaan ah:

  • Qandho
  • Calool xanuun
  • Murqo xanuun
  • Madax xanuun
  • Riiraxyo.

Kuwaas waxaa ku xiga:

  • Matag
  • Shuban
  • Nabarro caloosha gudaheeda ku dhasha
  • Shaqada kelyaha iyo beerka oo daciifta.

Inkasta oo la aaminsan yahay in dhiig-baxa uu yahay calaamad caadi ah, haddana tani waa mid aad u yar oo waxay ku dhici kartaa goor dambe marka uu gaaro cudurka.

Bukaan-jiifka qaarkood waxaa laga yaabaa inay yeeshaan dhiigbax gudaha iyo dibadda ah, oo ay ku jiraan dhiig la matago iyo mid ku soo raaca saxarada, wuxu kaloo dhigaas ka soo baxaa cirridka, sanka iyo makaanka dumarka.