Waa maxay faa'iidooyinka caafimaad ee caanaha aan la warshadayn, mase ammaan baa in la cabbo?

Caano
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Haddii aynu rumaysanno sheegashooyinka laga sameeyay faa'iidooyinka caanaha aan la warshadayn —waa caanaha aan la kululayn ama la karkarin — waxay u muuqataa inay yihiin xalka wax walba; laga soo bilaabo xoojinta hab-difaaca jirka iyo ka hortagga xasaasiyadda caanaha, ilaa hagaajinta dheefshiidka.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, baaritaanada laga sameeyay Google ee ku saabsan caanaha cayriin, gaar ahaan waddamada UK iyo Maraykanka, ayaa si xowli ah u korortay. Sidoo kale, waxaa jira ku dhawaad ​​260,000 oo qoraal oo lagu daabacay Instagram-ka oo wata calaamadda (#rawmilk) oo macnaheeda yahay caanaha aan wax farsamo ah marin, iyadoo dadka caanka ah ee baraha bulshada ay sii wadaan inay xayaysiiyaan caanahan oo ay ammaanaan faa'iidooyinkooda.

Waa maxay sirta ka dambaysa kororkan weyn ee xiisaha iyo soo jiidashada loo qabo caanaha cayriin?

Caanaha aan la warshadayn: Waa maxay, maxaase dadku u cabbaan?

Noocyo badan oo caano ah oo suuqa yaalla ayaa mara habraac lagu ilaalinayo heerkul gaar ah, kaas oo loogu talagalay in lagu dilo bakteeriyada waxyeellada leh, isla markaana lagu dheereeyo muddada ay caanuhu ahaan karaan kuwo tayo leh.

Dhanka kale, caanaha cayriinka ah iyo dufanka ayaa laga soo lisaa lo'da, idaha, ama riyaha, waxaana si toos ah loogu shubaa weelasha lagu kaydiyo iyada oo aan wax habraac ah lagu samayn.

Sidaas darteed, waxay ku sii jirtaa xaaladdeeda dabiiciga ah, iyadoo ay ku jiraan nafaqooyinkeeda iyo dhammaan bakteeriyada ku dhex jirta.

Dadka caanka ah qaarkood oo doorbida inay cabbaan caanaha aan la warshadayn —oo ay ku jirto jilaa Gwyneth Paltrow—ayaa aaminsan inay fududahay in la dheefshiido.

Sidoo kale, dhadhanka caanaha aan la warshadayn ayaa inta badan lagu tilmaamaa mid ka wanaagsan oo ka dabiici badan kan caanaha la warshadayey. Intaas waxaa dheer, in baraha bulshada si weyn loogu faafiyey fikrado sheegaya in caanahani ay xambaarsan yihiin bakteeriya jirka u wanaagsan, isla markaana ay gacan ka geysan karaan hagaajinta caafimaadka mindhicirrada.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada caafimaadku waxay ka digayaan in sheegashooyin badan oo ku saabsan faa'iidooyinka caanahaan aan weli si buuxda loo xaqiijin cilmi ahaan, iyagoo ku nuuxnuuxsaday inay qaadi karaan bakteeriyada waxyeelada leh ee keenta cudurrada.

Caanaha aan la warshadayn ma ka caafimaad badan yihiin caanaha la warshadeeyay?

Dad badan ayaa caba caanaha sababtoo ah waxay ka kooban tahay nafaqooyin badan oo muhiim u ah jirka, oo ay ku jiraan borotiin, kaalshiyam, fiitamiinno iyo macdano kala duwan.

Maadaama fiitamiinnada qaar ay saameeyaan kulaylka, dadka qaar ayaa ka baqaya in habayntu ay yarayso heerka fitamiinka ee ku jira caanaha.

Si kastaba ha ahaatee, daraasad lagu sameeyay Canada ayaa lagu ogaaday in habayntu ay saameyn aad u yar ku leedahay qiimaha nafaqada ee caanaha, taasoo ugu horreyn sabab u ah xaqiiqda ah in caanuhu ay ka kooban yihiin fiitamiinno hooseeya oo si fudud u burburiya kulaylka.

Intaa waxaa dheer, waxay dishaa bakteeriyada ku jirta caanaha, oo ay ku jiraan kuwa faa'iido leh iyo sidoo kale bakteeriyada waxyeelada leh ee sababi karta sumowga cuntada.

Caanaha aan la warshadayn ma ilaaliyaan xasaasiyadda ama neefta?

Daraasado indho-indhayn ah, gaar ahaan kuwa ku lug leh carruurta ku nool bulshooyinka beeralayda, ayaa helay xiriir ka dhexeeya cabitaanka caanaha aan la warshadayn iyo heerarka hoose ee neefta llo yaqaano asmada iyo noocyada xasaasiyadda qaarkood.

Si kastaba ha ahaatee, natiijooyinku ma caddeynayaan in caanahaan ay yihiin sababta hoos u dhaca dhibaatooyinkan, maadaama arrimo kale oo deegaanka iyo qaab nololeedka ah ay sidoo kale door ka ciyaari karaan.

Sababtan awgeed, cilmi-baarayaasha iyo xirfadlayaasha caafimaadku waxay sii wadaan inay ka digaan isticmaalka caanahaan sababtoo ah khatarta ah in cudurro ay qaadaan bakteeriyada khatarta ah ee laga yaabo inay ku jiraan caanahaas.

Ma ammaan baa in la cabbo caano aan la karkarin?

Hay'adda Heerarka Cuntada ee UK waxay caanaha cayriin u taqanaa cunto khatar sare leh, iyadoo ka digtay inay ku jiri karaan bakteeriyada khatarta ah ee keenta sumowga cuntada.

Ururku wuxuu sidoo kale sheegayaa in dhallaanka, carruurta yaryar, waayeelka, haweenka uurka leh iyo dadka difaaca jirkoodu daciif yahay aysan cabin caanaha aan lakarkarin sababtoo ah khatarta caabuqyada halista ah.

"Marka laga eego dhinaca badbaadada cuntada, cabbitaanka caanaha cayriin ma aha mid ammaan ah," ayuu yiri Dr. Jorge Gutierrez Merino, oo ah macallin sare oo ku takhasusay cilmiga cuntada ee microbiology.

Wuxuu raaciyay: "Caanaha cayriin waxay ku jiri karaan noocyo kala duwan oo ah jeermisyada keena cudurrada, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah bakteeriyada aadka u khatarta badan ee keeni karta caabuqyo halis ah iyo xitaa dhimasho, gaar ahaan carruurta, waayeelka iyo dadka leh habdhiska difaaca jirka oo daciif ah."