Mareykanka oo qorsheynaya in uu kaalmada milatari ka jaro Kurdiyiinta

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Maamulka Trump ayaa qorsheynaya in uu joojiyo kaalmada milatari ee uu siiyo xulafo muhiim ah oo Bariga Dhexe ah, kuwaas oo ka caawiyay in laga adkaado kooxda la baxday dawladda Islaamiga ah (IS), sida ay sheegeen afar ilo-wareed oo arrintan la socda.

Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa shirar dhowaan lala yeeshay madaxda gobolka Kurdistan ee Ciraaq ugu sheegtay in Maraykanku uusan qorsheynayn in uu cusboonaysiiyo heshiiska.

BBC-du waxay la hadashay laba masuul oo ka qayb galay wada-hadallada iyo laba ilo-wareed oo kale oo si toos ah arrintan xog uga haya.

Ilo-wareedyadu waxay codsadeen in aan magacyadooda la shaacin si ay uga hadlaan wada-hadallada, kuwaas oo faahfaahintooda aan hore loo sii sheegan.

Masuuliyiinta Kurdiyiinta ayaa ka cabsi qaba in jarista kaalmada milatari ay abuuri karto in ay dhacdo awood marnaasho, isla markaana ay dhiirrigelin karto Iran, oo boqolaal gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay Kurdistan-ta Ciraaq tan iyo markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu dagaalka la galay Tehran.

Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in joojinta taageerada amni ee Peshmerga ay wiiqi doonto saaxiib muddo dheer Maraykanka kala shaqeynayay gudaha Ciraaq, isla markaana ay u diri doonto gobolka fariin sheegeysa in Maraykanka aan lagu kalsoonaan karin.

"Maraykanku wuxuu xiriirka u jarayaa Kurdiyiinta, kuwaas oo dhiig badan u daadiyay sidii ay Maraykanka uga caawin lahaayeen in uu gaaro yoolalkiisa Ciraaq iyo guud ahaan Bariga Dhexe," ayuu yiri Yerevan Saeed, oo ka tirsan Jaamacadda American University.

"Tani waxay guul weyn u noqon doontaa Iran, Shiinaha iyo Ruushka haddii Kurdiyiinta sidaas la yeelo."

Madaxweyne Trump markii uu xukunka ku soo laabtay mudda xileedkiisa labaad, wuxuu ballanqaaday in uu yareynayo arrimaha milatari ee Mareykanku ku lug leeyahay, gaar ahaan gobollada sida Bariga Dhexe. Waxa kale oo uu bilaabay dagaalka Iran kaas oo hadda socda lix bilood, mana muuqato wax muujinaya in dagaalka uu dhammaanayo.

Heshiiska is-afgaradka ah ee u dhexeeya Mareykanka iyo Kurdiyiinta ayaa ku eg 30-ka Sebtembar, isla maalintaas oo Maraykanka iyo dalal kale ay Ciraaq kala baxayaan ciidamadoodii ugu dambeeyay ee halkaas ku haray.

Ka bixitaanka ciidamada ayaa si rasmi ah u soo afjari doonta ololihii milatari ee caalamiga ahaa ee lagula dagaallamayay IS, kaas oo Peshmerga ay qayb ka aheyd.

Saldhigga kaliya ee Maraykanku weli ku leeyahay dalka Ciraaq kaas oo ku yaalla caasimadda Kurdistan-ta ee Irbil, ayaa la filayaa in la xiro bisha soo socota marka ciidamada isbahaysigu baxaan.

Pentagon-ku wuxuu soo jeediyay in dhammaan kaalmada amni ee kooxda laga jaro codsiga miisaaniyadda sanad-maaliyadeedka 2027, wuxuuna ku doodaya Pentagon-ka in maadaama IS laga adkaaday, lacagtaas hadda meel kale loo wareejiyo. Qorshaha kharashka ayaa hakad ugu jira sababo la xiriira muran ballaaran oo miisaaniyadda ah oo ka socda Congress-ka.

Pentagon-ku wuxuu heshiiskii ugu horreeyay ee is-afgaradka ahaa ee lagu siinayay Peshmerga kaalmo milatari saxiixay 2016, wuxuuna cusboonaysiiyay 2022.

Arrintan waxay walaac weyn ka abuurtay Kurdistan-ta Ciraaq, balse masuuliyiintu waxay weli rajaynayeen in Maraykanku uu maalgelinta sii wadi doono iyadoo la kordhinayo heshiiska hadda jira.

Iran iyo maleeshiyaad ay taageerto ayaa ilaa dhammaadkii May gudaha Kurdistan-ta Ciraaq ka fuliyay 158 weerar oo gantaallo ama diyaarado aan duuliye lahayn, sida lagu sheegay cilmi-baaris ku salaysan xogtii ugu dambeysay ee la heli karay oo ay soo uruurisay hay'adda FDD oo ah xarun cilmi-baaris oo fadhigeedu yahay Washington DC.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa BBC-da u sheegay in diiradda la saarayo hirgelinta ka bixitaanka ciidamada, iyo "hubinta in Raysalwasaare Zaidi uu awood u leeyahay in uu hub ka dhigo maleeshiyaadka argagixisada ah ee xiriirka la leh Iran, isla markaana ilaaliyo madaxbannaanida Ciraaq."

Maamulka Trump ma uusan sheegin tirada ciidamada Maraykanka ee in ka badan toban sano ka hor loo diray in ay la dagaallamaan IS ee weli ku sugan Ciraaq. Khubaradu waxay aaminsan yihiin in ay ka yar yihiin 1,000 askari, taas oo aad uga yar 170,000 oo askari oo joogay dagaalkii Ciraaq.

Al-Zaidi ayaa booqashadiisii Washington bishii hore ku amaanay ka bixitaanka ciidamada Maraykanka. Al-Zaidi, oo la doortay bishii May, wuxuu Aqalka Cad kula kulmay Trump, sidoo kale wuxuu la kulmay Hegseth iyo xubno ka tirsan Congress-ka.

Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in ka bixitaanka ciidamada uu yareyn doono halista ku wajahan ciidamada Maraykanka ee Bariga Dhexe, kuwaas oo Iran bartilmaameedsatay intii uu dagaalku socday.

Tehran waxay weerartay saldhigyada Maraykanka ee gobolka oo dhan, oo uu ku jiro saldhigga Irbil.

"Haddii Maraykanku arrintan sii wado, waxay Kurdiyiinta ka dhigi doontaa meelaha labeegsado ee u nugu weerarada Iran"