Aabbihii ayuu dilay, xukunka lagu ridayna qoyskiisa ayaa ka horyimid

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Digniin: Sheekadan waxay ka kooban tahay faahfaahin ku saabsan xadgudub galmo, jireed oo taaban karta dareenka akhristayaasha.

Sara Martínez ayaa walaalkeed oo 28 jir ah, Moisés, ka codsatay inuusan aabbahood kala hadlin xadgudubyadii iyo tacaddiyadii ay sheegtay inay sanado badan kala kulmayeen gacantiisa.

Bishii May 2025, dhacdadan ayaa ka dhacday duleedka magaalada Montevideo, caasimadda dalka Uruguay. Waqtigaas, Moisés wuxuu ogaaday in aabbihii Carlos lagu eedeeyay inuu hooyadii iyo laba gabdhood oo walaalihiis ah u geystay tacaddi jireed iyo mid galmo xilli ay carruur ahaayeen.

Maalintii xigtay, Moisés ayaa aabbihii ku dhuftay 14 xabbadood. Kadib wuxuu laba maalmood kor joogay meydka aabbihii, ka hor inta uusan isku dhiibin booliska.

Hadda, Moisés wuxuu ku jiraa xabsi 12 sano ah oo lagu riday kadib dacwad si toos ah looga baahinayay barta YouTube, taasoo si weyn uga careysiisay shacabka reer Uruguay.

Walaalaha Moisés iyo hooyadood waxay aaminsan yihiin inuu mudnaa cafis, waxayna hadda u dagaallamayaan sidii racfaan looga qaadan lahaa xukunka lagu riday.

Iyadoo ilmaynaysa, Sara oo hadda 27 jir ah ayaa BBC-da uga warrantay sheekada xanuunka badan ee ugu dambeyntii horseeday dilka. Waxay sheegtay inay markaas kaliya ogaatay in sannado badan Carlos uu sidoo kale garaaci jiray isla markaana jirdil u geysan jiray Moisés.

"Waligay si buuxda uma fahmin heerka dhaawaca nafsaaniga ah ee uu xambaarsanaa," ayay tiri, iyadoo raacisay in "waxyaabo badan aan ogaanay intii dacwaddiisa socotay."

Sara waxay sheegtay in Moisés iyo walaalihiis ay si weyn uga cabsan jireen aabbahood. "Wuxuu ahaa qof cabsi meel walba ku hayso, xitaa marka uusan joogin, weli cabsi ayuu nagu abuuri jiray," ayay tiri.

"Aroortii hore ayuu na toosin jiray, musqusha ayuu na geyn jiray, tubada ayuu shidi jiray, kadibna saacado ayuu nagu deyn jiray biyo qabow."

Sara waxay sheegtay in Carlos uu iyada iyo walaasheed ka weyn, Ana, kula kacay tacaddi galmo.

Waxay u sheegtay Moisés in mar kasta oo uu tacaddiga sameeyo kadib, aabbahood uu ooyi jiray isla markaana cafis weydiisan jiray, isagoo u keenaya macmacaan ay aad u jeclayd, alfajor, oo ah buskud iyo shukulaato.

"Hadda xitaa ma cuni karo," ayay tiri. "Waxaan dareemayaa dambi; waxaan dareemayay inaan u oggolaanayay inuu nagu tacaddiiyo si aan u helno macmacaank."

Sara waxay sheegtay inay xusuusatay ku dhowaad 60 jeer oo aabbaheed habeenkii u geystay tacaddi galmo, xilli hooyadood shaqada ku maqneyd.

"Tirada waan tirin jiray, sababtoo ah waxaan naftayda u sheegayay in maalin uun aan heli doono geesinimo aan kaga hadlo."

Markii ay jirtay 12 sano, kadib markii ay aragtay Carlos oo tacaddi galmo u geysanaya walaasheed Ana, Sara ayaa go'aansatay inay arrinta ka hadasho, iyadoo aabbaheed ku dacweysay iskuulkeeda.

"Waxaan xusuustaa inaan warqad ku qoray ereyada 'tacaddi galmo', kadibna aan siiyay saaxiibteydii ugu dhaweyd waqtigaas," ayay tiri, iyadoo raacisay in arday kale uu warqaddii gaarsiiyay maamulihii iskuulkeeda.

Sara waxay sheegtay in wixii xigay ay ahaayeen waayo-aragnimooyin aad u xanuun badan, gaar ahaan intii ay su'aalaha waydiinayeen khubarada baarista dambiyada.

Kadib baaritaankii, Carlos waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah, balse wuxuu ka qaatay hal sano oo keliya.

"Aniga ahaan, taas aad bay u yareyd, sababtoo ah waxaan ogaa in aabbahay uu igu tacaddiyay muddo ka badan saddex sano," ayay Sara tiri.

"Aabbahay wuxuu ahaa bahal. Sheekadii uu dugsiga uga sheegay wuxuu isku muujiyay nin miskiin ah oo aan awood lahayn, kaasoo isagoo dhalinyaro ah guriga uga tagay sababtoo ah aabbihiis ayaa walaashiis tacaddiyay."

Kadib markii laga sii daayay xabsiga, qoysku waxay sheegeen inaysan mar dambe u oggolaan Carlos inuu guriga kusoo laabto.

Laakiin Sara waxay sheegtay in aabbaheed aanu ka harin oo uu daba socday ilaa iskuulkeeda markii ay dhallinyarada ahayd, sidoo kalena uu kasoo muuqan jiray goobteeda shaqada markii ay qaangaartay.

Sara waxay sheegtay in xubnaha qoyskeeda aysan waligood ka wada hadalin heerka xadgudubka ay la kulmeen.

Moisés wuxuu rabay inuu sii wado xiriirka aabihiis ka dib markii xabsiga laga sii daayay, ayay tiri Sara.

Laakiin markii hooyadood, Mercedes Pereira, ay u sheegtay in Carlos uu ku hanjabayay, sannado badan oo xadgudub ah oo la sheegay, Moisés isla markiiba wuu orday si uu u helo walaalihiis si uu ugala hadlo arrintaas.

Ka dib wadahadalladaas ayuu aabihiis ku toogtay, ayay tiri Sara.

"Wuxuu rabay inuu arko aabbaheen si uu uga codsado inuu raaligelin bixiyo, inuu na siiyo sharraxaad, iyo inuu u sheego inuusan mar dambe sameynin," ayay tiri.

"Waxaan u sheegay Moisés, waxyaabo badan maalintaas, si aan u tuso waxa aabbahay awood u leeyahay. Ujeeddadaydu waxay ahayd inaan ka joojiyo inuu baxo. Laakiin si kastaba ha ahaatee wuu baxay. Waana markaas markii wax walba ay dhaceen."

Markii ay ku dhawaaqaysay go'aankeeda kiiska, Garsoore María Noel Odriozola ayaa sheegtay inay diiday inay bixiso cafiska garsoorka ee ku xusan Qodobka 36-aad ee Xeerka Ciqaabta ee Uruguay. Qodobkaas wuxuu quseeyaa kiisaska dilka ka dhasha "naxdin xooggan oo ka dhalatay silic iyo dhibaato muddo dheer ka dhex qoyska".

Maadaama aan cidina Carlos Martínez ku dacweyn muddo 15 sano ah falkaas, garsooraha ayaa sheegtay in qoysku aysan u adeegsan "wax nidaam ilaalin ah," sida uu sheegay Rodrigo Rey, oo ah qareenka Moisés.

Xukunka lagu riday Moisés ayaa caro weyn ka dhex abuuray shacabka, wuxuuna dhaliyay dood qaran oo ka dhacday Uruguay oo ku saabsan doorka dowladda ee kiisaska rabshadaha qoyska.

Arrintan waxay xitaa sababtay in Madaxweynaha Uruguay, Yamandú Orsi, uu kulan gaar ah la yeesho Ana iyo Sara.

Sara waxay sheegtay inaysan arkin meydka aabbaheed markii ay tagtay saldhigga booliska maalintii la xiray walaalkeed. Sidoo kale ma aysan awoodin inay aragto Moisés.

"Markii nala geeyay qaybta dilalka si aan warbixinno u bixino, isagu wuxuu ku jiray qol xabsi ah oo aanan ka arki karin. Laakiin wuxuu ii soo diray farriin uu ku yiri: 'Hadda waxaad si nabad ah u cuni kartaa shukulaatada.'"