"Pentagon‑ka Turkiga": Maxaan ka ognahay xarunta cusub ee milatari ee laga furay Ankara?

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Turkiga ayaa isku diyaarinaya inuu isticmaalo xarunta cusub ee milatari ee "Ay Yıldız" ee ku taalla Ankara inta lagu guda jiro shir-madaxeedka Ururka Waqooyiga Atlaantik (NATO), kaas oo ay martigelinayso 7-da iyo 8-da Luulyo. Xaruntan ayaa la filayaa inay martigeliso xaflad soo dhoweyn ah oo loogu talagalay wasiirrada gaashaandhigga iyo saraakiisha milatari ee dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga.
Xaruntan, oo warbaahinta qaar ee Turkigu ugu yeeraan "Pentagon-ka Turkiga", waxay magaceeda ka soo qaadatay astaanta bisha iyo xiddigta ee ku jirta calanka Turkiga.
Ankara waxay sheegaysaa in mashruucan ujeeddadiisu tahay in hal goob lagu mideeyo Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska Guud ee Ciidamada iyo hoggaannada ciidamada dhulka, badda iyo cirka, kuwaas oo markii hore ku kala yaallay dhismayaal kala duwan oo ku yaalla caasimadda.
Ereyga "Pentagon-ka Turkiga" ee ay warbaahintu isticmaasho waxaa loola jeedaa isku-dubbaridka taliska iyo ururinta hay'adaha milatariga ee waaweyn hal xarun, mana aha magaca rasmiga ah ee dhismahan.
Ma sii jiri karaan awoodaha milatari ee NATO haddii aanu Maraykanku xubin ka ahayn?
Maxaan ka ognahay NATO, maxaase loo aasaasay?

Xigashada Sawirka, Anadolu Ajensi
Hal xarun oo loogu talagalay hoggaanka difaaca iyo ciidamada
Xarunta "Ay Yıldız" waxay ku taallaa deegaanka Etimesgut ee Ankara, iyadoo warbixinno ka soo baxay Turkiga ay ku qiyaasayaan baaxaddeeda ku dhowaad 12.6 milyan oo mitir laba jibbaaran. Dhagax-dhigga mashruuca ayaa la sameeyay 30-ka Agoosto 2021, iyadoo uu ka soo qayb galay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.
Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Turkiga, mashruucan waxaa loo qorsheeyay inuu noqdo xarun wadajir ah oo ay ku wada shaqeeyaan Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska Guud ee Ciidamada iyo hoggaannada ciidamada dhulka, badda iyo cirka. Ankara waxay sheegtay in tallaabadani ay ujeedadeedu tahay in la isku keeno xarumaha hoggaaminta difaaca iyo ciidamada hal dhisme.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Erdoğan ayaa xilligii xafladda dhagax-dhigga sheegay in isbeddelka ku yimid baahiyaha difaaca uu ka dhigay mid lagama maarmaan ah in hay'adahan ay ku shaqeeyaan hal saqaf hoostiisa, iyagoo leh kaabayaal xooggan iyo isku-duwid dhow.
Mashruucan wuxuu yimid kaddib tobannaan sano oo hay'adaha milatariga dhexe ee Ankara ay ku shaqeynayeen xarumo kala duwan. Erdoğan wuxuu sheegay in dhismayaasha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Guud ee Ciidamada ee degmada Kızılay ay ka soo bilowdeen sannadihii 1930-meeyadii, halka dhismaha Taliska Ciidamada Dhulka la dhisay 1937, dhismayaasha ciidamada badda iyo cirka la dhisay 1960, ka hor inta aan Taliska Ciidamada Cirka loo wareejin xarun gaar ah sannadkii 1985.
Sida ay sheegayaan hadallo ay warbaahinta Turkigu ka soo xigatay Wasiirka Gaashaandhigga, mashruuca waxaa loo fulinayaa wejiyo ay ku jiraan dhismaha iyo dhamaystirka gudaha. Hadalladaas waxay tilmaamayaan in dhammaystirka mashruuca iyo u guurista xarunta cusub la filayo sannadka 2028, halka aanay jirin ilo rasmi ah oo la heli karo oo si cad u sheegaya kharashka guud ee mashruuca.
Naqshad laga soo qaatay astaanta bisha iyo xiddigta

Xigashada Sawirka, HurriyetDailyNews
Magaca "Ay Yıldız" waxaa laga soo qaatay labada astaan ee bisha iyo xiddigta ee ku jira calanka Turkiga, waxaana arrintaas lagu muujiyay naqshadda dhismaha ee xarunta.
Warbixinno ka soo baxay Turkiga ayaa sheegaya in mashruucu leeyahay qaab dhismeed dhexe oo u ek bil, iyo dhisme kale oo u eg xiddig oo loogu talagalay soo dhoweynta martida iyo bandhigyada.
Ilo Turki ah ayaa sheegaya in mashruucu ku fidsan yahay dhul qiyaastii 12.6 milyan oo mitir laba jibbaaran, iyadoo uu leeyahay ku dhowaad 890 kun oo mitir laba jibbaaran oo ah goobo gudaha ah, isla markaana uu qaadi karo ilaa ku dhowaad 15 kun oo qof.
Sida ku cad xogta la daabacay, xaruntu waxay ka kooban tahay hoolal shirar oo leh awoodo kala duwan, barxad xaflado oo wareegsan oo cabbirkeedu yahay ku dhowaad 23 kun oo mitir laba jibbaaran, xafiisyo iyo xarumo loogu talagalay hoggaannada ciidamada iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo sidoo kale dhisme gaar ah oo loogu talagalay soo dhoweynta iyo bandhigyada.
Qaar ka mid ah warbaahinta Turkiga ayaa adeegsatay magaca "Pentagon-ka Turkiga" marka ay ka hadlayaan baaxadda mashruuca iyo shaqadiisa ah inuu noqdo xarun wadajir ah oo ay ku mideysan yihiin hay'adaha milatariga. Hase yeeshee, magacaasi waa oo keliya sharaxaad ay warbaahintu u isticmaasho isbarbardhig ahaan, mana aha magaca rasmiga ah ee xarunta.
Warbixinno Turki ah ayaa sheegaya in xarunta "Ay Yıldız" ay isticmaasho farsamooyin dhisme iyo qalab casri ah, isla markaana naqshaddeeda lagu daray difaacyo ka dhan ah khataraha internet-ka , gantaallada ballistic-ga, iyo sidoo kale khataraha kiimikada, bayoolojiga, shucaaca iyo nukliyeerka.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda ma jiraan faahfaahin cad oo ku saabsan nooca nidaamyadaas ama heerka dhabta ah ee ilaalinta gudaha xarunta.
Muxuu yahay doorkiisa xilliga shirka NATO?
Ankara waxay martigelinaysaa shir-madaxeedka NATO xilli ay wakaaladda wararka Reuters sheegtay in Turkigu doonayo inuu muujiyo koboca warshaddiisa difaaca, isla markaana uu ku dadaalayo in la qaado xannibaadaha saaran ganacsiga hubka iyo tiknoolajiyada difaaca ee lala leeyahay.
Shirka waxaa ka qaybgalaya 32-ka dal ee xubnaha ka ah isbahaysiga, sidoo kale waxaa joogi doona marti iyo dalal iskaashi la leh NATO oo aan xubin ka ahayn. Ajandayaasha shirka waxaa ka mid ah kharashaadka difaaca, dagaalka Ukraine, iskaashiga warshadaha milatariga, iyo saameynta dagaalka Iran.
Reuters waxay sheegtay in Ankara ay sidoo kale doonayso inay horumar ka samayso arrimo wali muran ka taagan yahay oo ay kala dhexeyaan xulafadeeda, oo ay ka mid tahay barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35.
Turkiga wuxuu leeyahay ciidanka labaad ee ugu weyn NATO marka laga reebo Maraykanka, halka Ankara ay sheegtay inay horumar ka samaysay horumarinta awooddeeda difaac ee gudaha.
Waxaa la qorsheeyay in xaruntan loo isticmaalo munaasabad la xiriirta shirka. Sida ay sheegtay xogta wakaaladda Anadolu, "qaybta 'Xiddigta' ee xarunta 'Ay Yıldız' waxaa lagu qaban doonaa xaflad soo dhoweyn ah oo lagu maamuusayo wasiirrada gaashaandhigga ee martida ah iyo saraakiisha sare ee NATO."
Si kastaba ha ahaatee, faahfaahin qaar oo ku saabsan xarunta ayaa weli aan caddayn. Ma jiraan tirooyin rasmi ah oo si weyn loo heli karo oo ku saabsan kharashka ugu dambeeya ee mashruuca, sidoo kale hadallada Turkiga waxay tilmaamayaan in dhammaystirka mashruuca iyo u guurista xarunta cusub la filayo sannadka 2028, iyadoo aan la bixin faahfaahin badan oo ku saabsan sida hay'adaha hoggaanka ciidamada loogu wareejin doono.
Sidoo kale ma jiraan faahfaahin ku filan oo ku saabsan nidaamyada ilaalinta internetka (cybersecurity) ama awoodda xarunta ee ay kaga hortagi karto khataraha gantaallada ballistic-ga, kiimikada, bayoolojiga, shucaaca iyo nukliyeerka, kuwaas oo ay xuseen warbixinno Turki ah.














