Ciidamadii shalay weeraray Baydhabo oo ka hadlay sababta ay weerarka u qaadeen

Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Wasiirkii hore ee amniga Koonfur-galbeed ee xukumadii madaxweyne Cabdicasiis Xasan Laftagareen, Xasan Cabduqadir oo BBC-du ay kula hadashay qadka taleefanka goor dhawayd ayaa sheegay in sababta ay shalay u weerareen Baydhabo ay la xiriirtay goob ay ku tuhunsanaayeen in hub lagu aruuriyay oo ay doonayeen in ay xoog kula baxaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in kadib dagaalka ay si buuxda gacan ugu wada dhigeen magaalada Baydhabo, qasaare ay gaarsiiyeen ciidamada soo weeraray, sidoo kalena ay gaadiid hub saaran yahay ka reebteen.

Xasan waxa uu qadka taleefanka ugu waramay Cismaan Cabdi Xasan inaga oo waydiinay su'aalo ay ka mid yihiin in halka uu haatan ku sugan yahay.

Halkaan ka dhagayso waraysiga oo dhamaystiran:

Qoraalka Codka,