Iran oo dumarka hub u tababareysa, Araghchi-na wuxuu leeyahay: "Xal milatari nagula gaari maayo"

Xigashada Sawirka, EPA
Magaalada Tehran waxaa lagu dhisay xero gaar ah oo lagu barayo dumarka sida hubka loo isticmaalo iyo gargaarka deg-degga ah, iyadoo xukuumaddu shacabka ugu baaqeyso inay naftooda u huraan difaaca dalka.
Fagaaraha Imam Xuseen ee bartamaha caasimadda Tehran ayaa Axaddii marti-geliyay xeradii ugu horreysay ee noocan ah oo si gaar ah dumarka loogu talagalay. Waxaa ka qeyb-galay tobanaan haween ah oo xirnaa Chador-ka dhaqanka oo jirka oo dhan astura marka laga reebo wejiga.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisadda gobolka ay cirka isku sii shareerayso, qiimaha shidaalkana uu si xawli ah kor ugu kacayo suuqyada caalamka, iyadoo Iran ay ku adkeysaneyso in Cidhiidhiga Hormuz uu xirnaan doono ilaa Mareykanku ka jawaabo dalabaadkeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Cabbaas Araqchi, ayaa Axaddii carabka ku adkeeyay inaysan jirin waddo milatari oo Mareykanka uu wax kaga qaban karo Iran, xilli wadahadalladii labada dhinac ay u muuqdaan kuwo marin-habaabay.
Araghchi wuxuu yiri: "Haddii cadowgeennu mar kale doorto jidka iska-hor-imaadka milatari, jawaabteennu waxay noqon doontaa mid ka culus tii hore... Ma jiro xal milatari, mana jiro xal lagu dhiso cunaqabateyn cusub... Keliya waxaa jira wadahadal ku dhisan caddaalad iyo sinnaan."

Xigashada Sawirka, EPA
Wuxuu hoosta ka xariiqay in dalkiisu "ka go'an tahay helitaanka xal diblomaasiyadeed", balse isla markaana "ka go'an tahay difaacida naftiisa".
Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Maxamed Baaqer Qaalibaaf, ayaa sheegay in Mareykanka uu dhawaan soo jeedin ugu gudbiyeen dhex-dhexaadiye, isagoo intaas ku daray in Washington ay tahay inay ogaato in "xilligii jiid-jiidka iyo shuruudaha hal dhinac lagu soo rogi jiray uu soo idlaaday".
Qaalibaaf oo uu soo xigtay website-ka Iran ee Nour News, wuxuu yiri mowqifka dalkiisu "waa mid aad u cad oo aan gorgortan lahayn", isla markaana Cidhiidhiga Hormuz aan la furi doonin ilaa laga buuxiyo toddobo shuruudood oo Tehran ay ku xirtay heshiiskii is-afgaradka Islamabad.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu intaas ku daray: "Isla mar ayaan dagaallameynaa, isla marna waan wadahadaleynaa, waxaana diblomaasiyadda u adeegsaneynaa sidii aan guusha milatari ugu adkeyn lahayn uguna sugi lahayn xuquuqda shacabka Iran."
Wuxuu hadalkiisa ku sii ladhay: "Goobta wadahadalka waxaa ku guuleysta qofka dagaalka u diyaarsan."
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Washington iyo Tehran ay labaduba sheeganayaan inay doorbidayaan xal diblomaasiyadeed, balse wadahadalladii u dhexeeyay ay weli cagaha jiidaan, sababo la xiriira isku khilaaf ku saabsan habka iyo xawaaraha loo wadahadlayo iyo waxa heshiisku ka koobnaanayo, taas oo ay dheer tahay kalsooni-darro baahsan iyo cadaadis siyaasadeed oo labada dhinacba saaran.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii September shaaciyay inuu diiday soo jeedin kaga timid Iran oo ku saabsaneyd dib u furista Cidhiidhiga Hormuz iyo dib u soo celinta wadahadallada nabadda muddo toddobo maalmood gudahood ah. Araghchi ayaa xaqiijiyay in soo jeedintaas Washington lagu gaarsiiyay iyadoo la soo mariyay dhex-dhexaadiyeyaal.
Wadahadalladii socday 18-kii bilood ee u dambeeyay waxay ku dhammaadeen xiisad milatari, halka heshiiskii is-afgaradka ee bishii June la gaaray uu si degdeg ah u burburay, taasi oo hurisay cabsi laga qabo in dagaalku mar kale qarxo.
Qodobka ugu adag ee laysku hayo ayaa weli ah isku dayga Iran ee ah inay xirto Cidhiidhiga Hormuz, oo ah marin istaraatiiji ah oo ay maraan shidaalka iyo gaaska Khaliijka.
Waa maxay toddobada shuruudood ee Iran?

Xigashada Sawirka, .
Sida ay sheegayaan warbaahino soo xiganeysa ilo ku dhow Tehran, Iran waxay dib u furista Cidhiidhiga Hormuz ku xirtay toddobo dalab oo la xiriira cunaqabateynta, joogitaanka ciidamada Mareykanka iyo arrinta Nukliyeerka.
Shuruudda koowaad waa in meesha laga saaro xayiraadda badeed ee Mareykanku ku soo rogay Iran, si dib loogu soo celiyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo in loo furo waddada ay u maraan dekedaha iyo biyaha dhuleedka Iran.
Shuruudda labaad waa in la sii daayo hantida Iran ee dibadda lagu xanibay, si Tehran dib ugu hesho lacagaheeda cunaqabateynta Mareykanka awgeed loo xirxiray.
Shuruudda saddexaad waa in la qaado cunaqabateynta Mareykanka ee saaran dhoofinta shidaalka Iran, taasoo u oggolaaneysa Tehran inay dib u bilowdo iibgeynta shidaalka iyadoo aan wax xayiraad ah jirin, ayna ka faa'iidaysato dakhligii ka soo xaroon lahaa.
Shuruudda afaraad waxay ku baaqeysaa in la joojiyo tallaabooyinka Mareykanka uu ku qaadayo magaca la dagaallanka khataraha ama howlgallada milatari ee Iran, oo ay ku jiraan kuwa Tehran ay ku tilmaamayso in si toos ah iyada loogu beegsanayo.
Shuruudda shanaad waxay ku saabsan tahay in la soo afjaro dagaalka iyo howlgallada milatari ee ka dhanka ah Iran iyo xulafadeeda gobolka, taas oo Tehran ay ku tilmaamtay tallaabo lagama maarmaan u ah in xiisadda dhinacyo badan ka taagan la qaboojiyo.
Shuruudda lixaadna waxay dhigeysaa in ciidamada Mareykanka ay isaga baxaan deegaannada ku dhow xuduudaha Iran, waana dalab ka dhashay walaaca Tehran ay ka qabto joogitaanka milatari ee Mareykanka ee gobolka oo ay u aragto halis ku ah amnigeeda.
Shuruudda toddobaad waxay ku saabsan tahay in Iran magdhow looga bixiyo khasaaraha ka soo gaaray howlgallada milatari, iyo in loo dammaanad qaado inaan faragelin lagu sameyn doonin awooddeeda Nukliyeerka iyo tan Gantaallada.
Inkasta oo Iran aysan si rasmi ah u shaacin liis dhameystiran oo ka kooban toddobada qodob, haddana qaar ka mid ah shuruudahaas waxaa si cad u xaqiijiyay mas'uuliyiin Iranian ah, halka inta hartayna ay warbaahintu ka soo xigatay ilo wareedyo iyo saraakiil ku dhow dowladda Tehran.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump: "Waan diiday soo jeedintoodii"
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu diiday soo jeedin kaga timid Iran oo ku saabsaneyd dib u furista Cidhiidhiga Hormuz iyo dib u soo celinta wadahadallada nabadda muddo toddobo maalmood gudahood ah. Wuxuu u sheegay suxufiyiinta: "Waan diiday soo jeedintoodii".
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabaas Araqchi, ayaa xaqiijiyay in Tehran ay soo jeedintaas Washington ugu gudbisay dhex-dhexaadiyeyaal, ayna ku jirto qaadista xayiraadda badeed iyo dib u bilaabista wadahadalka.
Hadal kale oo uu Sabtidii jeediyay, Trump wuxuu sheegay inuu ku dhow yahay inuu go'aan kama dambeys ah ka gaaro arrinta Iran, isagoo xusay in Tehran ay hortaallo, sida uu hadalka u dhigay, "wadada sahlan ama wadada adag", iyadoo ikhtiyaarrada milatari ay weli miiska saaran yihiin.
Wuxuu intaas ku daray in Iran ay ku dhowdahay, sida uu sheegay, inay ka tanaasusho dadaalkeeda ku aaddan helitaanka hubka Nukliyeerka, balse wuxuu carabka ku adkeeyay inaan loo oggolaan doonin inay yeelato hubkaas.
Markab lagu dhuftay "madfac aan la aqoon" oo maray Cidhiidhiga Hormuz
Hay'adda Howlgallada Ganacsiga Badda ee Britain ayaa Axaddii sheegtay in markab ku sugnaa Cidhiidhiga Hormuz lagu dhuftay "madfac aan la aqoon", kaasoo waxyeello u geystay qolka matoorrada.
Hay'addu waxay bayaan horudhac ah ku sheegtay in dhammaan shaqaalihii markabka ay bad qabaan, iyadoo aan la bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waqtiga shilka, calanka uu markabku siday, ama inuu ahaa markab shidaal ama gaas qaadayay.
Shilkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad culus ay ka taagan tahay Cidhiidhiga Hormuz, oo ay maraan shan meelood meel sahayda shidaalka iyo gaaska adduunka, taas oo cabsi ku abuurtay in dagaal hor leh uu qarxo.
Tan iyo markii dagaalku ka qarxay gobolka dhammaadkii bishii February, Iran waxay sheegatay inay gacanta ku hayso Cidhiidhiga isla markaana ay hakad gelinayso dhaqdhaqaaqa maraakiibta, halka Mareykanku uu xayiraad badeed ku soo rogay dekedaha Iran.
Inkasta oo marar badan maraakiib lagu weeraray Cidhiidhiga, haddana toddobaadyadii u dambeeyay waxaa jiray xasillooni dhanka dhulka ah, iyadoo Mareykanku uusan wax weerar ah ku qaadin gudaha Iran tan iyo 1-dii September.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Is-casilaadda Wasiirka Shidaalka
Dhanka arrimaha gudaha Iran, Wasiirka Shidaalka Moxen Paknejad ayaa Axaddii iska casilay xilkiisa, waxaana xilkaas si ku-meel-gaar ah u sii hayn doona Madaxa Fulinta ee Shirkadda Shidaalka Qaranka Iran ee ay dowladda leedahay, Xamid Bour, sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee Iran.
Sababaha is-casilaadda weli si rasmi ah looma shaacin, waxayna ku soo beegmaysaa toddobo bilood kadib markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, kaasoo cadaadis xooggan ku haya dhaqaalaha dalkaas.
Paknejad wuxuu xilka hayay tan iyo August 2024, waxaana ka hor inta aan lagu dhawaaqin is-casilaaddiisa ay warbaahinta rasmiga ahi baahisay hadallo uu ku sheegay in "dakhliga ka soo xarooday shidaalkii aan iibinay uu weli soo qulqulayo, wuuna sii socon doonaa haddii Alle idmo".

























