You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Cayilka: Maxay ka dhigan tahay in qofku u muuqda caato haddana gudaha ka cayilanyahay?
Caatanimada waxay ka dhigan tahay caafimaad wanaagan. Tani waa fikrad caan ka noqotay bulshooyin badan oo casri ah, waxaana sii xoojiyay warbaahinta, internet-ka iyo baraha bulshada. Laakiin maxaa dhacaya haddii miisaanka iyo muraayaddu kaa dhigaan caato balse aysan arrintu sidaa aheyn? Ma jiraa qof caato ah oo leh baruur qarsoon oo caafimaadkiisa khatar gelineysa?
Hadaba waa maxay cayilkan, khatartase maxay tahay, iyo sidee meesha looga saari karaa?
Qof caato ah balse buuran
Erayga qof caato ah oo hadana cayilan waxaa loola jeedaa "caato gudaha ka cayilan". Ma jirto wax lagu qeexay adduunka oo laysku raacay ama sayniska wax ka yimid. Dadka inta badan lagu tilmaamo in ay yihiin caato cayilan, waa dadka cayil yar uu ku jiro jirkooda gaar ahaan qeybta sare ee jirka iyo hareeraha barida. Dadkan badanaa waxay leeyihiin cayil badan marka la barbardhigo murqahooda, waxayna muuqaal ahaan u ekaan karaan "caato," balse mararka qaar waxay leeyihiin calool soo baxday ama buuran, sidoo kalena waxay yeelan karaan baruur ku hareereysan xubnaha muhiimka.
Baruurta noocan ah waxaa loo yaqaan "baruur gudaha ah," "baruur firfircoon," ama mid qarsoon. Baruurtan waa lakab dufan ah oo si qoto dheer ugu jira caloosha, kuna wareegsan xubno badan oo gudaha ah sida wadnaha, kelyaha, beerka, xameetida, mindhicirrada, iyo qeybo kale.
Khatarta baruurta gudaha
"Baruurta jirka keydiyo waxay qabataa shaqooyin kala duwan" sida laga soo xigtay Prof. Frederick Karp oo ku takhasusay caafimaadka dheef-shiid kiimikaadka ee Jaamacadda Oxford isla markaana ah hoggaamiyaha kooxda cilmi-baarista.
"Baruurta ku jirta maqaarka hoostiisa ee qaybta sare ee jirka waxay door muhiim ah ka ciyaartaa jawaabta hormoonnada walbahaarka taasoo faa'iido leh, sababtoo ah waxay murqaha siin kartaa tamarta ay u baahan yihiin, tusaale ahaan marka khatar laga cararayo, halka dufanta ku wareegsan barida iyo lugaha aysan si xoog leh uga jawaabin hormoonnada walbahaarka, islamarkaana ay adag tahay in la sii daayo. Tani waxay ka dhigaysaa baruurta qaybta hoose ee jirka mid keyd ah.
Baruurta gudaha waxay ilaalisaa xubnaha muhiimka ah ee ay ku hareereysan tahay. Balse hadii taasi ay badato waxay keeneysaa halis caafimaad.
Prof. Nita Gandhi Forouhi oo ku takhasustay caafimaadka bulshada iyo nafaqada kana tirsan Jaamacadda Cambridge ayaa laanta BBC ee Carabiga u sheegtay in "baruurta gudaha ay si ka duwan u dhaqanto marka loo eego tan maqaarka hoostiisa.
Daraasado qaar ayaa sidoo kale soo jeediyay in xiriir ka dhexeeyo caafimaadka maskaxda iyo baruurta gudaha. Tusaale ahaan, daraasad 16 sano socotay oo ay sameysay Jaamacadda Ben-Gurion oo la kaashatay jaamacadaha Harvard, Tulane, iyo Leipzig, lana daabacay dabayaaqadii Maarso ayaa lagu ogaatay in baruurta yar ee gudaha ay la xiriirto ilaalinta mugga maskaxda iyo garashada.
Sidee lagu ogaan karaa haddii aad leedahay baruur gudaha oo xad-dhaaf ah?
Cabirka loo yaqaan BMI-da ma ahan cabbir lagu kalsoonaan karo oo lagu ogaado baruurta gudaha. Qof ayaa laga yaabaa in uu ku jiro heerka caadiga ah ee BMI-ga, taasoo macnaheedu yahay in uusan cayilnayn ama miisaan dheeraad ah lahayn, haddana uu leeyahay baruur gudaha oo badan. Haddaba ma jiraan calaamado muujin kara jiritaanka dufankaas dheeraadka ah?
"Calool weyn oo soo baxday ayaa ah calaamadda ugu weyn ee lagu ogaado," ayuu yiri Prof. Stephen Hemsfield oo ku takhasusay dheef-shiid kiimikaadka iyo qaab-dhismeedka jirka kana tirsan Jaamacadda gbolka Louisiana. Prof Stephen wuxuu intaas ku daray, "laakiin wareegga dhexda ayaa ka wanaagsan." Dhexda weyn waxay muujin kartaa dufan badan oo ku wareegsan xubnaha gudaha.
Hay'adda Caafimaadka UK ee loo yaqaan NHS, waxay ku talinaysaa in wareegga dhexda ee ragga uusan ka badnaan 94 cm halka dumarkana uusan ka badnaan 80 cm. NHS waxay ku talinaysaa in marka wareegga dhexda oo loo qaybiyo dhererka oo sentimitir ah ay natiijada noqoto inta u dhaxaysa 0.4 iyo 0.49 in loo arkaa mid caafimaad ah, halka 0.5 ama ka badan ay muujinayso khatar sare oo dhibaato caafimaad ah leh.
Khatarta ay leedahay in muuqaalka oo kaliya la eego
Bulshada oo si xad-dhaaf ah diiradda u saarta dhuubtaanta iyagoo u arka in ay tahay astaan caafimaad ayaa ka mid ah sababaha keenaya in layska indhatiro halista caafimaad ee baruurta gudaha.
Tayada cuntadu waxay sidoo kale saameyn weyn ku leedahay baruurta gudaha iyo caafimaadka dheef-shiid kiimikaadka.
Prof. Forouhi waxay tiri, "Muddo tobannaan sano ah waxaa la aaminsanaa in cuntadu saameyso xaaladaha dheef-shiid kiimikaadka sida macaanka nooca labaad inta badan iyadoo loo marayo, ama si kale haddii loo dhigo, marka dadku cunaan kalooriyo badan way cayilaan, dufanka gudahana wuu uruuraa, dabadeedna dufankaas xad-dhaafka ahi wuxuu sababaa cudurrada dheef-shiid kiimikaadka. Qaabkani waa muhiim, laakiin ma dhammaystirna. Hadda waxaan ognahay in dhammaan kalooriyadu aysan isku mid ahayn, iyo in tayada cuntadu ay door weyn ku leedahay samaysanka baruurta gudaha iyo caafimaadka dheef-shiid kiimikaadka, xitaa haddii miisaanka jirku isku mid yahay."
Prof. Forouhi waxay sheegtay in qaababka cunto ee la xiriirta yaraynta dufanka gudaha iyo kor u qaadista caafimaadka guud ay ka mid yihiin cuntada Mediterranean-ka ama cuntooyin la mid ah oo inta badan ku saleysan dhir, hodan ku ah khudradda, miraha, digirta, badarka aan la sifeyn, faybarka, kalluunka, lowska, iyo saliidaha dhirta.
Daraasado qaar ayaa muujinaya in xiriir ka dhexeeyo dhaqdhaqaaq la'aanta iyo kororka dufanka gudaha. Tusaale ahaan, daraasad laga sameeyay Japan sanadkii 2023, oo ujeedadeedu ahayd isbeddellada dhacay intii lagu jiray cudurka COVID-19, ayaa muujisay in dhimista dhaqdhaqaaqa jireed iyo kororka dufunta gudaha uu xiriir ka dhexeeyo.