WFP oo digniin kasoo saartay xaaladda cunno-yarida Soomaalida

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, WFP

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Xaaladda cunno-yarida iyo nafaqo-xumada ee Soomaaliya ayaa si ka dhakhso badan sidii la filayay uga sii dareysa, taas oo ay sabab u yihiin roobabkii oo baaqday, dhimista maalgelinta gargaarka bini'aadantinimo, iyo saameynta ka dhalatay colaadda Bariga Dhexe, sida ay shalay ka digtay Barnaamijka Cunnada Adduunka Qaramada Midoobay ee (WFP).

Warbixintii ugu dambeysay ee ku saabsan xaaladda sugnaanta cuntada, ayaa WFP waxay ku sheegtay in gaajada heerka degdegga ah (IPC Heerka 4) ay hadda saameyneyso bulsho gaareysa labo milyan oo qof, taasoo labanlaab ka badan tiradii sanadkii hore, isla markaana muujineysa hoos u dhac weyn oo ku yimid sugnaanta cuntada.

Waxay sidoo kale sheegtay in gargaarka cuntada ee bini'aadantinimo uu hadda gaarayo oo keliya 450,000 oo qof, taasoo ka dhigan in 76 boqolkiiba dadka ku jira IPC Heerka 4 aysan heli doonin wax taageero ah ilaa bisha Agoosto.

"Farqigan wuxuu yeelan doonaa cawaaqib aad u daran oo ku wajahan dadka ugu nugul. Waxaa si degdeg ah loogu baahan yahay maalgelin dheeraad ah si loo ballaariyo gargaarka loogana hortago in xaaladdu sii xumaato," ayay tiri hay'adda Qaramada Midoobay.

Sida ay sheegtay WFP, Soomaaliya waxay weli ku jirtaa mid ka mid ah dhibaatooyinka nafaqo-xumada ugu daran adduunka, iyadoo 1.9 milyan oo carruur ah ay la ildaran yihiin nafaqo-xumo ba'an.

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxay intaas ku dartay in yaraanshaha adeegyada gargaarka bini'aadantinimo uu kordhinayo khataraha halista ku ah nolosha, iyadoo falanqeyntii ugu dambeysay ee IPC ay ka digeyso khatar macaluul oo ka jirta degmada Burhakaba ee Gobolka Koonfur Galbeed, halkaas oo ku dhowaad 40 boqolkiiba carruurta ka yar shan sano ay la ildaran yihiin nafaqo-xumo ba'an ama ka sii daran.

Ururku wuxuu sheegay in billowga xilliga qallalan ee Xagaaga, oo lagu arkay roobab aad u yar oo ka da'ay bartamaha Soomaaliya iyo qaybo ka mid ah Puntland, uu khatar gelinayo dad weli si aad u jilicsan uga soo kabanaya abaarihii hore.

Sida ay sheegtay WFP, dhibaatooyinkan cimilada waxaa sii xoojinaya cadaadisyo dhaqaale oo ba'an oo la xiriira colaadda Bariga Dhexe.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Daraasad dhowaan ay sameysay WFP ayaa muujisay in xasillooni-darrada gobolka ay sababtay saameyn dhinacyo badan leh, oo ay ka mid yihiin kororka qiimaha tamarta, carqaladaha ku yimid silsiladaha sahayda, iyo caqabadaha ganacsiga, taasoo sare u qaadday qiimaha shidaalka, gaadiidka iyo cuntada.

Maaddaama Soomaaliya ay tahay dal si weyn ugu tiirsan wax soo dejinta, WFP waxay sheegtay in kororka qiimayaashani uu si weyn u wiiqay awoodda wax iibsiga ee qoysaska. Ku dhowaad 60 boqolkiiba qoysaska ayaan hadda awoodin inay daboolaan baahiyahooda aasaasiga ah, halka ay ahayd 47 boqolkiiba sanadkii 2025, taasoo halis gelineysa in ilaa 2.5 milyan oo qof oo dheeraad ah aysan awoodin inay iibsadaan xirmada aasaasiga ah ee cuntada.

"Waxaa si degdeg ah loogu baahan yahay maalgelin dabacsan oo degdeg ah si loo sii wado gargaarka, loo xasiliyo dadka halista ku jira, loogana hortago in xaaladda sugnaanta cuntada iyo nafaqo-xumadu ay sii xumaato," ayay WFP ku soo gabagabeysay.

Bulshooyinka miyiga iyo qoysaska saboolka ah ayaa ah kuwa ugu daran ee ay dhibaatadu saameysay, sida lagu sheegay warbixinta ay taageerto Qaramada Midoobay — qeyb ahaan waxaa sabab u ah kororka qiimaha cuntada ee la xiriira dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil ee Iiraan.