You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wareysi madaxweyne Ku xigeenka: Jubaland wel-wel ma ka qabtaa in dowladdu ka qaaddo tallaabo la mid ah tii Koonfur Galbeed?
Maamulka Jubaland ayaa si adag uga horyimid qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in ay doorasho uga qabto deegaanno ka tirsan Jubaland, gaarahaan gobolka Gedo oo dhawaan guddiga doorashooyinku uu jadwelkiisa ku shaaciyay.
Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo BBC-da waraysi siiyay ayaa sheegay in ay la yaab ku noqotay sababta dowladdu ay u daneynayso in ay gobolka Gedo oo kaliya doorasho uga qabto, maadama Jubaland ay dhowr gobol ka koobantahay.
Wuxuu intaasi ku daray in iyagu ka maamul ahaan ay xaq u leeyihiin in ay doorashooyinkooda qabsadaan, hase-yeeshee haddii dowladdu ay ku dhiirato arrintaas waxaa uu tilmaamay in ay is difaaci doonaan.
Hoos ka dhageyso waraysiga oo Wariyaha BBC-da Xasan Sheekh Cumar la yeeshay madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan.