Maxay waddamada Yurub dahabkooda ugala baxayaan Mareykanka?

Dahab

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Markii Bangiga Dhexe ee Netherlands uu xaqiijiyay inuu qayb ka mid ah kaydkiisa dahabka (oo miisaankiisu dhan yahay dhowr tan) ka soo raray Waqooyiga Ameerika, wuxuu sheegay in tallaabadani ay Netherlands ka dhigi doonto mid si wanaagsan ugu diyaar garowda wajahidda "xaalado degdeg ah oo aad u daran."

Marka la eego qiyaastii 313-ka tan ee dahabka Netherlands oo yaallay Mareykanka iyo Kanada, 86 tan ayaa loo raray London sababo la xiriira "xiisado siyaasadeed oo caalami ah oo sii kordhaya," si birtaas qaaliga ah ay u noqoto mid "si degdeg ah loo heli karo loona isticmaali karo" haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah.

Dabiici ahaan, go'aankan ayaa dhaliyay su'aalo. Maxay Netherlands u samaysay tallaabadan? Ma waxay filayaan inay dhacdo qalalaase dhaqaale oo ba'an mustaqbalka dhow?

Sida muuqata maya, balse waxaa cad in tallaabadani ay tahay jawaab-celin ku aaddan xaaladda aan xasilloonayn ee dunida; waa dunida ay dagaallada ganacsiga iyo kuwa milatariga ku qasbeen waddamada inay qaadaan tallaabooyin taxaddar leh, dahabkoodana ku hayaan meel u dhow dhulkooda.

Faransiiska ayaa horraantii sanadkan ku dhawaaqay inuu kaydkiisa dahabka ka soo raray Mareykanka oo uu keenay dalkiisa. Sidoo kale, Bangiga Dhexe ee Jarmalka ayaa ka soo raray kaydkiisii dibadda in ka badan 216 tan oo dahab ah sanadihii ka horreeyay 2016-kii, kuwaas oo ay ku jiraan 111 tan oo laga soo qaaday New York iyo 105 tan oo laga soo qaaday Paris.

Istaraatiijiyaddan ayaa hore loo adeegsaday xilliyada xasillooni-darrada caalamiga ah.

"Bangiyada dhexe ee qaar ka mid ah waddamada Yurub ayaa qayb ka mid ah kaydkooda dahabka u wareejiyay New York xilligii Dagaalkii Qaboobaa," ayay yiraahdeen Lina Thomas iyo Dan Stroyion, oo ah falanqeeyayaal cilmi-baaris oo ka tirsan shirkadda Goldman Sachs.

Joseph Cavattoni, oo ah falanqeeye sare oo ku takhasusay suuqyada kana tirsan Golaha Dahabka Adduunka (World Gold Council), ayaa u sheegay BBC-da in inkastoo dagaallada ganacsiga iyo xiisaduhu ay "door ku lahaayeen qaar ka mid ah go'aannadan", haddana aysan "ku jirin kaalinta hore ee arrimaha ugu muhiimsan ee go'aaminaya tallaabooyinkan".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sicir-bararka, heerarka dulsaarka, iyo ku haynta dahabka meel si degdeg ah loogu ganacsan karo ayaa iyaguna door ku leh go'aannadan.

"Uma arko inay jirto musiibo soo socota oo degdeg ah," ayuu yiri Joseph Cavattoni. "Laakiin waxaan qabaa in shakhsiyaadka iyo hay'aduhu ay si wanaagsan u fahmayaan sida loo maamulo loona kordhiyo kaydkooda, isla markaana ay si ka wanaagsan sidii hore uga fikirayaan sida looga faa'iidaysan karo hantidan."

Bangiga Dhexe ee Netherlands ayaa ku dhawaaqay in dahabkii laga soo qaaday Mareykanka iyo Kanada intii u dhaxaysay bishii Maarso iyo Agoosto ee sannadkan, hadda lagu hayo bakhaarrada ammaanka ee Bangiga Ingiriiska (Bank of England).

"Waxaan rajaynaynaa inaanan waligeen u baahan doonin inaan isticmaalno, balse waxaa lagama maarmaan ah inaan xoojinno awoodda iska-caabbinta iyo diyaargarowga," ayuu yiri Olaf Sleepen, oo ah Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Netherlands.

London ayaa loo arkayay inay tahay doorashada ugu wanaagsan maadaama ay tahay mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ganacsiga caalamiga ah. Haddii loo baahdo in si degdeg ah loo iibsado ama loo iibiyo dahab xilliga qalalaasaha, London waa meesha ugu habboon, arrintaasna waxay ka dhigtay bakhaarka dahabka ee Bangiga Ingiriiska meel caan ku ah kaydinta dahabka.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bangiga Ingiriiska (Bank of England) waa mid ka mid ah hay'adaha ugu waaweyn adduunka ee haya dahabka, isagoo ku haya ku dhawaad 400,000 oo bir oo dahab ah—oo qiimahoodu ka badan yahay 200 oo bilyan oo gini—dhismihiisa ku yaalla bartamaha London, kaas oo jira muddo 300 oo sano ah.

Bangiga Ingiriiska ayaa weli ah goobta ugu caansan ee lagu kaydiyo dahabka, sida ay muujinayaan sahamin ay sameysay Golaha Dahabka Adduunka (World Gold Council) oo lala yeeshay khubarada iyo hay'adaha ku lugta leh qaybtan, hase yeeshee bangiyada dhexe ayaa si isa soo taraysa u kala qaybinaya (kala beddelaya) meelaha ay ku hayaan birtan qaaliga ah.

Sida ay sheegeen Thomas iyo Stroyion oo ka tirsan shirkadda Goldman Sachs, doorashada meesha lagu kaydinayo dahabka dalka "waxay noqotay arrin aad muhiim ugu ah maamulayaasha kaydka."

Dunida maanta, waxaa jira siyaabo badan oo loo raro hantida noocan ah. Dalka Netherlands ayaa iibiyay qiyaastii 59 tan oo dahab ah oo ku yaallay New York, ka dibna wuxuu dahab kale ka iibsaday London; sidaas darteed, looma baahnayn in si dhab ah (jir ahaan) loo raro xaddigaas dahabka ah ee laga gudbinayo Badweynta Atlantic-ga.

Hase yeeshee, in ka badan 27 tan oo dahab ah ayaa si dhab ah looga soo raray Mareykanka iyo Kanada oo loo geeyay magaalada Zeist ee dalka Netherlands. Xaddi la mid ah ayaa sidoo kale laga soo raray Zeist oo loo qaaday London.

Shirkadaha bixiya adeegyadan ma shaaciyaan macluumaad badan oo ku saabsan sida hawlgalladaas loo fuliyo, balse waxaa la dhihi karaa waxaa la qaadaa tallaabooyin amni oo ballaaran iyo qorshayn si loo yareeyo khatarta dhac dhab ah.

Cavatoni oo ka tirsan Golaha Dahabka Adduunka ayaa sheegay in mid ka mid ah siyaabaha caadiga ah ee loo raro kaydka dahabka ay tahay in lagu iibiyo hal meel, ka dibna dib looga iibsado meel kale.

"Ka soo qaad in dahabkaygu uu yaallo London, balse aan doonayo inaan ku haysto New York," ayuu sharraxay. "Waxaan ku iibin karaa London, isla maalintaas iyo isla waqtigaasna waxaan ka iibsan karaa New York. Sidaas darteed, wareejinta waxaa lagu diiwaangeliyaa buugaagta xisaabta, iyada oo aan loo baahnayn wax isbeddel ah oo dhanka saadka ama raritaan jireed ah."

Shirkado kooban oo la xushay ayaa qaada dahabka u dhexeeya waddamada. Mid ka mid ah shirkadahaas waa Brinks Global Services, taas oo u sheegtay BBC-da inay dhawaan aragtay "baahi sii kordhaysa" oo ka imanaysa hay'adaha sida bangiyada dhexe.

"Kordhinta hubin la'aanta siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee caalamiga ah, iyo sidoo kale muhiimadda sii kordhaysa ee dahabka oo loo arko hanti kayd istiraatiiji ah, ayaa u muuqda inay horseedayaan isbeddelkan," ayuu yiri Nader Antar, oo ah madaxweyne ku-xigeenka fulinta ee shirkadda Brinks.

Haynta dahabka ayaa noqotay arrin muhiim u ah bangiyada dhexe, kuwaas oo kordhiyay iibsashada birtan sannadihii u dambeeyay. Si kastaba ha ahaatee, Thomas iyo Stroion oo ka tirsan shirkadda Goldman Sachs ayaa sheegaya in gudaha dalka lagu hayo dahabka ay la socdaan kharashyo.

"Dayactirka iyo ilaalinta dahabka ee gudaha dalka waxay u baahan yihiin maalgashi ku aaddan amniga jirka (sida bakhaarrada iyo waardiyaha), kaabayaasha xisaab-xirka iyo hubinta (audit), iyo caymiska; kuwani waa kharashyo laga yaabo inay culays weyn ku noqdaan bangiyada dhexe ee yaryar," ayay yiraahdeen.

Sida laga soo xigtay Golaha Dahabka Adduunka (World Gold Council), bangiyada dhexe ayaa kaydsanayay celcelis ahaan 1,000 tan oo dahab ah sannadkii afartii sano ee la soo dhaafay, taas oo ka badan celcelis ahaan 500 oo tan oo la kaydin jiray toban sano ka hor.

Hab-dhaqankan ayaa soo billowday xilligii qalalaasaha dhaqaale ee caalamiga ah, waxaana la filayaa in iibsashadu ay mar kale kor u kacdo sannadka soo socda.

Dahabku wuxuu la kulmay koror weyn sannadihii u dambeeyay, iyadoo qiimihiisu uu gaaray heerar aan horay loo arag, ka hor inta uusan ka gudbin $5,000 halkii wiqiyad (ounce) bishii Janaayo.

Waxaa jira sababo dhowr ah oo ka dambeeya kororka qiimaha dahabka, laakiin mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn waa sida dadweynuhu u arkaan birtan qaaliga ah oo loo arko "hanti ammaan ah" (safe haven asset) oo ay maalgashadayaashu u jeestaan xilliyada qalalaasaha dhaqaale iyo xiisadaha juqraafiyeed ee ay sababaan dagaallada ganacsiga iyo isku-dhacyada milateri.

Sicir-bararka iyo heerarka dulsaarka ayaa sidoo kale saameeya heerka baahida loo qabo dahabka. Naadirnimada birtan iyo qiimaha ay haysatay kumanaan sano ayaa ka dhigaya mid aan si fudud u saameynin kororka qiimaha guud, taas oo ka dhigaysa maalgashi wanaagsan.

"Muddo nus qarni ah, qiimaha dahabku wuxuu kor u kacay si aad uga dhaqso badan tusmada qiimaha macaamiisha (consumer price index)," ayay tiri bangiga maalgashiga ee Charles Schwab, iyadoo tusmadani ay tahay cabbirka ugu muhiimsan ee lagu ogaado sicir-bararka.

In kasta oo qiimaha dahabku uu hoos uga dhacay heerkii ugu sarreeyay ee la gaaray horraantii sannadkan, haddana wuxuu weli ku jiraa heerar aad u sarreeya marka la eego taariikhda.

Sida ay sheegeen cilmi-baarayaasha Goldman Sachs, qiimaha dahabku wuxuu gaari doonaa $4,900 halkii wiqiyad (troy ounce) dhammaadka sannadka 2026-ka, taas oo ah tiro ka badan $300 qiimihii uu dahabku lahaa bishii Agoosto.

Thomas iyo Stroyion waxay sheegayaan in baahida bangiyada dhexe ee dahabka ay tahay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee kor u qaadaya qiimaha birtan.