Waa maxay 'Heshiiska Abraham' ee uu Trump rabo in waddamada Carabta ay la saxiixdaan Israa'iil?

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa tilmaamay in shuruudaha heshiiska nabadeed ee lala gelayo Iiraan ay ka mid noqon karto "in dhammaan waddammadu ay si degdeg ah u saxiixaan Axdigala yidhaahdo Abraham.
'Heshiiska Abraham' waxa uu ka kooban yahay heshiisyo loogu talagalay in lagu hagaajiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Israa'iil iyo dhowr waddan oo Carab ah. Heshiiskan ayaa la saxiixay sannadkii 2020-kii intii lagu guda jiray muddo xileedkii koowaad ee Donald Trump.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social ku yidhi: "Waxaan si qasab ah uga codsanayaa in dhammaan waddammadu ay si degdeg ah u saxiixaan Heshiiska Abraham. Haddii Iran ay heshiis ila gasho anigoo ah Madaxweynaha Mareykanka, waxay sharaf weyn u keeni lahayd in ay qeyb ka noqoto isbaheysigan caalamiga ah."
Trump ayaa hadalkan sheegay ka dib markii uu khadka taleefanka kula xidhiidhay madaxda waddamada Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, Pakistan, Turkiga, Urdun, Baxrayn iyo Masar. Waddammadan qaarkood ayaa mar horeba saxiixay heshiiska.
Ilaa hadda, Pakistan waa dalka kaliya ee si rasmi ah u diiday qorshahan.
Wasiirka Difaaca ee dalkaas, Khawaja Asif ayaa sheegay in Pakistan aanay ku biiri doonin heshiis kasta oo ka horimanaya "mabaadi'deeda aasaasiga ah". Sidoo kale, waxa uu muujiyay mowqifka dalkiisa isaga oo xusay in ballanqaadyada Israa'iil "aan la aamini karin".
Arrimaha ugu waaweyn ee keena iska horimaadka u dhexeeya waddamada badankoodu Muslimiinta yihiin iyo dhinaca kale ee Mareykanka iyo Israa'iil ayaa ah arrinta madaxbannaanida Falastiin iyo xalka labada qaran. Dagaalka millatari ee Israa'iil ay ka waddo Qasa ayaa sii adkeeyay xiriirka diblomaasiyadeed.
Xogta ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa ayaa muujineysa in in ka badan 72 kun oo qof ay dhinteen tan iyo markii ay Israa'iil billowday howlgalka milatari ee Qasa.

Xigashada Sawirka, EPA
Waa maxay Heshiiska Abraham?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Heshiisyada ay gadhwadeenka ka ahayd dowladda Mareykanka ee la saxiixay sannadkii 2020-kii ayaa ujeedkoodu ahaa in lagu abuuro xiriir diblomaasiyadeed oo caadi ah oo u dhexeeya Israa'iil iyo afar waddan oo ku yaalla Bariga Dhexe.
Waddamada ku jira heshiiska ayaa kala ah Baxrayn, Marooko, Suudaan iyo Imaaraadka Carabta. Israa'iil ayaa muddo dheer la kulmaysay go'doomin kaga imaanaysay waddamada gobolka.
Qorshaha heshiiska waxaa intii lagu guda jiray muddo xileedkii koowaad ee Trump saxiixay Imaaraadka iyo Baxrayn. Meelmarinta heshiiskan waxay gacan ka geysatay kordhinta dalxiiska, ganacsiga, iyo iskaashiga dhanka amniga ee u dhexeeya waddamadaas.
Iyadoo loo marayo heshiisyo kala duwan oo la saxiixay sannadihii 2020 iyo 2021, ayaa waxa ku soo biiray Marooko waaana ku xigtay Suudaan. Sidoo kale, sannadkii hore waxaa heshiiska saxiixay dalka Kazakhstan.
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sannadkii 2020-kii ku ammaanay heshiiska inuu yahay "fursaddii qarniga", taasoo saldhig u noqon karta wadahadallada mustaqbalka ee lala gelayo Falastiiniyiinta.
Maxay yihiin qodobbada lagu muransan yahay?
Arrinta ku saabsan madaxbannaanida iyo dowladdnimada Falastiin waxay wali tahay qodobka ugu weyn ee uu khilaafku ka taagan yahay waddamada Carabta iyo Israa'iil.
Heshiiskan ayaa ka horimaanaya mowqifkii ay waddamada Carabta muddo dheer aaminsanaayeen, kaasi oo ahaa "in qiimaha rasmiga ah ee lagu heli karo xiriir caadi ah oo la la someeyo Israa'iil uu yahay madaxbannaanida Falastiin".
Hoggaamiyaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan ayaa sheegay in shuruuddii ay ku xireen saxiixa heshiiska ee la xiriirtay madaxbannaanida Falastiin ay ahayd in Israa'iil ay joojiso qorshaheeda ay ku goosanayso qeybo ballaaran oo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed.
Ku dhawaad 700 oo kun oo Yuhuud reer Israa'iil ah ayaa ku nool ilaa 160 deegaan oo ay Israa'iil ka dhex dhistay Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus. Inkastoo Israa'iil aysan aqoonsanayn, haddana marka loo eego sharciga caalamiga ah, deegaamadaas waa kuwo sharci-darro ah.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Isbeddelka uu heshiisku keenay
Mas'uuliyiinta Israa'iil ayaa sannadkii 2020-kii ku qiyaasay in ganacsiga ay la yeesheen Imaaraadka Carabta uu dhowr sano gudahood ku gaari doono afar bilyan oo doolar sannadkii, kororkaasna uu abuuri doono 15 kun oo fursado shaqo ah.
Sannadkii 2023-kii, ganacsiga u dhexeeya Israa'iil iyo waddamada saxiixay Heshiiska Abraham waxa uu dhaafay afar bilyan oo doolar. Marka loo eego xogta ka soo baxday Xafiiska Dhexe ee Istaatistikada Israa'iil, tiradan waxay muujinaysaa koror 16% ah marka la barbardhigo sannadkii 2022-kii.
Saxiixa heshiiskan waxa uu Imaaraadka u suurtagaliyay in ay sii xoojiso danaheeda millatari iyo kuwa ganacsi. Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn waxay awoodeen inay ganacsi furan la sameeyaan Israa'iil, oo ah mid ka mid ah waddamada ugu horreeya caalamka ee dhanka tignoolajiyada.
Dhankeeda, Marooko waxay heshay xoogaa faa'iidooyin dhaqaale ah kaddib markii ay hagaajisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Israa'iil. Taa beddelkeeda, Suudaan ayaan wax horumar ah oo weyn samayn. Heshiiska lala galay Kazakhstan isna ma dhaafin mid astaan uun ah.
Guud ahaan, dagaalka Qasa ee ka dhashay weerarkii kediska ahaa ee Xamaas ay ku qaadday Israa'iil waxa uu beddelay xiriirkii u dhexeeyay waddamada Bariga Dhexe.
Weerarkaas iyo dagaalkii Qasa ee xigay waxay sababeen in ay gaabiyaan xiriirradii ganacsi, iyadoo ay sii xoogeysatay xiisaddii ka dhex taagnayd Israa'iil iyo waddamada gobolka.













