Maxa kala qabsaday Trump iyo Netanyahu mar ay khadka taleefoonka ku wada hadleen?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu dambeeyay ee Maraykan ah ee khilaaf kala dhex dhasho Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu dhex maray wada-hadal kulul oo ku saabsan tallaabooyinka milatari ee Israa'iil ka waddo Lubnaan.
Arrintan ayaa abuurtay caqabado cusub oo ku yimid dadaallada diblomaasiyadeed ee Washington ee ku wajahan Iran.
Tehran ayaa uga jawaabtay weerarrada Israa'iil ee Lubnaan iyadoo ku hanjabtay inay joojin karto wadahadallada ay la leedahay Maraykanka, taas oo loo arko caqabad ku iman karta dadaallada Trump ee uu ku doonayo inuu ka fogaado dagaal uu la galo Iran, dagaal aan taageero weyn ka haysan shacabka Maraykanka.
Wariye ayaa Trump weydiiyay warbixin uu daabacday warbaahinta Axios, taas oo sheegtay inuu Netanyahu ku tilmaamay nin"waalan" isla markaana uu ku eedeeyay inuu yahay qof aan mahadnaq lahayn intii lagu jiray wada-hadal dhanka khadka taleefoonka ah oo dhacay Isniintii.
Trump ayaa ka jawaabay isagoo yiri: "Haa," intii lagu jiray wareysi laga sii daayay Arbacadii oo uu la yeeshay barnaamijka podcast-ka ee "Pod Force One."
Wuxuu sharaxaad ka bixiyay hadalkiisa isagoo yiri:"Ma dhihi karo waan xanaaqsanaa, laakiin wax yar ayaan dhibsaday colaaddiisa joogtada ah ee Lubnaan, waad ogtahay."
Hadalladan ayaa muujinaya jiritaanka khilaafyo ku saabsan sida loo maareeyo xaaladda gobolka, xilli Maraykanku isku dayayo inuu yareeyo xiisadaha ka aloosan Bariga Dhexe.
Trump ayaa intaas ku daray:"Aad ayaan u jeclahay Bibi (Benjamin Netanyahu), waxaana si wanaagsan ula shaqeeyaa isaga."
Trump ma noqon doono madaxweynihii ugu horreeyay ee Maraykan ah ee khilaaf dhex maro Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.
Netanyahu wuxuu leeyahay taariikh dheer oo ah inuu tijaabiyo dulqaadka Aqalka Cad, isagoo marar badan ka badbaaday cawaaqibta siyaasadeed ee ka dhalata khilaafaadkaas.
Khilaafkan cusub ayaa imanaya xilli Trump uu ka fiirsanayo heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta u dhexeysa Maraykanka iyo Iran, isla markaana albaabka u furaya wadahadallo ku saabsan mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka ee Tehran.
Inkastoo ay jiraan warar sheegaya is-afgaranwaa u dhexeeya Trump iyo Netanyahu, haddana Trump wuxuu carrabka ku adkeeyay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay hoggaamiyaha Israa'iil, taas oo muujinaysa in khilaafka hadda jira uu la xiriiro arrimo siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed oo gaar ah, halkii uu ka ahaan lahaa kala fogaansho guud oo xiriirkooda ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dib-u-furidda Marinka Hormuz, oo ah marin-biyood aad muhiim ugu ah ganacsiga iyo maraakiibta caalamka, ayaa sidoo kale la sheegay inay halis ku jirto.
Si kastaba ha ahaatee, Benjamin Netanyahu ayaa iska fogeeyay hadallada sheegaya inuu jiro xiisad kala dhexeysa xulafadiisa Maraykanka.
Wareysi uu siiyay CNBC Arbacadii ayuu ku yiri:"Mararka qaar, sida qoysaska ugu wanaagsan, waxaan yeelannaa khilaafaad xeeladeed, laakiin mar walba waxaan helnaa hab aan ku xallinno, waxaana sidaas u sameynaa annagoo ah saaxiibo dhow."
Wuxuu intaa ku daray:"Waxaan is khilaafi karnaa subaxdii, laakiin galabtii waan heshiin karnaa."
Si kastaba, khubaro ayaa ka digay in wada-hadalkii taleefanka uu muujin karo niyad-jab ka jira Aqalka Cad oo ku saabsan sida ay isu waafaqsan yihiin yoolalka milatari iyo kuwa siyaasadeed ee Maraykanka iyo Israa'iil, ku dhowaad 100 maalmood kadib markii ay bilaabeen weerarrada lagu beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla Iran 28-kii Febraayo.
Brett Bruen, oo hore u ahaa diblomaasi Maraykan ah isla markaana madax ka ah hay'ad la-talin dhinaca isgaarsiinta xasaradaha, ayaa BBC u sheegay: "Netanyahu wuxuu leeyahay taariikh dheer oo ah inuu raaco ajandihiisa gaarka ah, iyadoon loo eegin waxa uu ka maqlo Washington."
Wuxuu sii raaciyay:"Trump wuxuu go'aansaday inuu la macaamilo arrintan, haddana wuxuu baranayaa cashar adag oo ku saabsan waxa dhaca marka aad dagaal ama khilaaf la gasho hoggaamiye aan la saadaalin karin, oo ajandihiisu mar walba aan la jaanqaadin mudnaantaada."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Guud ahaan, Benjamin Netanyahu iyo Donald Trump waxay ku heshiiyaan hadafka ugu weyn ee Maraykanka ee ah in laga hortago in Iran ay samaysato ama yeelato hub nukliyeer ah.
Marka laga hadlayo xaaladda Lubnaan, danaha labada dhinac wax yar ayay ku kala duwan yihiin. Israa'iil waxay ku adkaysanaysaa inay sii waddo beegsiga ururka Hezbollah, oo ay taageerto Iran, xitaa iyadoo ay socdaan wada-hadallada u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.
Iran se waxay ku adkaysanaysaa in xabbad-joojin kasta ay sidoo kale ku jirto Lubnaan.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay sii kordhayaan dhaleeceynta ka dhex jirta shacabka Maraykanka ee ku saabsan taageerada muddada dheer ee Washington siiso Israa'iil.
Sahan ay daabacday xarunta cilmi-baaridda ee Pew Research Center bishii Abril ayaa muujiyay in 60% dadka Maraykanka ah ay hadda aragti taban ka qabaan Israa'iil. Kahor dagaalkii 2023 ee u dhexeeyay Israa'iil iyo Xamaas, boqolkiibaasi wuxuu ahaa 42%.
Sidoo kale, dhowr siyaasi iyo falanqeeye oo muxaafid ah ayaa si fagaare ah uga soo horjeestay waxa ay u arkaan doorka Israa'iil ee ku riixaya Trump inuu dagaal la galo Iran, arrin ay labadaba diideen Aqalka Cad iyo Netanyahu.
Kuwa ugu cadcad ee dhaleeceeya dagaalka waxaa ka mid ah Joe Kent, oo hore u hoggaamin jiray Xarunta Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada ee Maraykanka. Markii uu iscasilay bishii Maarso ayuu sheegay:
"Waxaan aaminsanahay in annaga (Maraykanka) aan dagaalkan ku galnay cadaadis nooga yimid Israa'iil iyo kooxaha awoodda badan ee u ololeeya danaha Israa'iil ee Maraykanka."













