Qudus: Maxaad ka ogtahay qoysaska Muslimiinta ah ee haya furayaasha kaniisadda caanka ah?

Xigashada Sawirka, Thomas Coex/AFP/Getty Images
Guud ahaan mad-habta kala duwan ee Kiristaanka ayaa aaminsan in kaniisadda Holy Sepulchre ee ku taalla magaalada Qudus ay kamid tahay meelaha ugu barakaysan dunida. Sidaa oo ay tahayna, waxaa subax kasta albaabada kaniisaddaas fura nin Falastiini Muslim ah.
Magaciisu waa Wajiih, qoyskiisa oo lagu magacaabo Nuseybah iyo qoys kale oo la yiraahdo the Juudeh Al Xuseyni ayaa qarniyo badan hayay furayaasha kaniisaddan caanka ah.
"Waxaa furayaasha qoyskeena u dhiibay baadari Giriigga ahaa qarnigii 7-aad. Kadib waxaa yimid Saliibiyiintii oo furayaasha naga haystay muddo 88 sano ah. Waxaa se noo soo celiyay Salaaxuddiin muddo hadda laga joogo in ka badan 850 sano." ayuu yiri Wajiih.
Masiixiyiinta ayaa rumaysan in kaniisadda laga dhisay goobta ay aaminsan yihiin in lagu salbiyay (daldalay) Nebi Ciise naxariisi korkiisa ha ahaatee, walow Quraanku sheegay in aan la salbiyin nebigaas. Sidoo kale waxaa halkaa ku yaalla qabri ay Kiristaanku rumaysan yihiin lagu aasay Nebi Ciise.
Kaniisadda ayaa furnayd in ka badan 1700 oo sano, waxaana ay ka badbaaday dhulgariir, dab, duullaan iyo mushkilado kale.
Waa meel ay u siyaaro tagaan kumannaan Masiixiyiin ah. Wajiih ayaa sheegay in tobannaan kun oo qof ay kaniisadda booqdaan xilliyada Easter-ka.

Xigashada Sawirka, Gali Tibbon/AFP/Getty Images
Sanadkii 1852, Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa amartay in kaniisadda Holy Sepulchre ay wadajir u maamulaan mad-habta Masiixiga ah ee Greek Orthodox, Roman Catholic, iyo Armenian Apostolic, kuwaas oo loo kala qeybiyay dhismaha.
Muddo kadib waxaa ku soo biiray saddex mad-hab oo yaryar, kuwaas oo kala ah Coptic, Syriac, iyo Ethiopian Orthodox. Jamaacooyinkaas kala duwan ayaa midba qeyb ku cibaadeysata, waxaana ka dhexeeya goobaha qaar. Luuqadaha ay ku ducaystaan ayaa sidoo kale kala duwan.
Maadaama Maxiisiyiintaas ay ku heshiin waayeen cidda qaadaysa furayaasha kaniisadda, ayaa waxaa lagu aaminay oo hawshaas leh laba qoys oo Muslimiin ah oo la kala yiraahdo Nuseybah Juudeh Al Xuseyni.
"Waxaanu nahay dad dhexdhexaad ah," ayuu yiri Wajiih oo ka hadlay kala qeybsanaanta ka dhex taagan Masiixiyiinta ee ku aaddan kaniisadda.
"Waxaan u furnaa albaabada kaniisadda, si uu dhinac kasta uga cibaadeysto qeybtiisa. Waxaan ka shaqeynaa nabadda Qudus, waayo waxaan rumaysannahay kubtii hore ee Masiixiyiinta iyo Yuhuudda," ayuu hadalkiisa raaciyay Wajiih.
Waxa uu rumaysan yahay in colaadda u dhexaysa Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ay salka ku hayso dhul iyo deegaanno, balse Diintu aanay marnaba ahayn dhibaato.
Ammaanka kaniisadda iyo kala ilaalinta dhinacyada ayaa waxaa qaabilsan booliska Israa'iil.

Xigashada Sawirka, Gali Tibbon/AFP/Getty Images
Qudus ayaa hoy u ah goobo muhiim u ah saddex diin ee ugu weyn caalamka, Islaamka, Kiristaanka iyo Yuhuudda, waxaana magaaladaas inta badan ka dhacaya iska horimaadyo u dhexeeya Israa'iil iyo Falastiiniyiinta oo leh Muslimiin iyo Masiixiyiin.










