Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis difaac oo wadajir ah

Heshiisku wuxuu dhigaya in weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan doono inuu yahay weerar lagu qaaday dhammaantood.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho

    Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

    Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.

    "Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.

    DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.

    "Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada," ayuu yiri Dr Gabboose.

  2. Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

    Aqalka Cad ee Maraykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Aqalka Cad ee Maraykanka

    Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa amartay maamulka Madaxweyne Donald Trump inuu joojiyo dhismaha hool weyn oo munaasabadaha lagu qabto, kaas oo qiimihiisu ku kacayo 400 milyan oo doollar, lagana dhisayo goobtii uu ka dumiyey garabka Bari ee Aqalka Cad.

    Go'aan ay cod aqlabiyad ah oo laba iyo hal ah ku gaareen garsoorayaasha ayaa lagu sheegay in maamulka looga baahan yahay inuu marka hore oggolaansho ka helo Kongareeska ka hor inta aan mashruuca la sii wadin.

    Garsoorayaashu waxay la safteen ururka National Trust for Historic Preservation, kaas oo dacwad u gudbiyay maxkamadda si loo joojiyo dhismaha, kadib markii la dumiyey qaybta East Wing ee Aqalka Cad.

    Go'aankan ayaa loo arkaa dib u dhac weyn oo ku yimid kiis lagu tijaabinayo awoodaha dastuuriga ah ee Madaxweyne Trump.

    Maamulka Trump ayaa weli fursad u haysta inuu racfaan u qaato Maxkamadda Sare ee Maraykanka.

  3. Xiisadda ka dhex taagan Talyaaniga iyo Spain oo sii xoogeysatay

    Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Talyaaniga iyo Spain ayaa sii xoogeysatay, iyadoo dowladda Talyaanigu ay sheegtay inaysan u hoggaansami doonin "amarro ama cadaadis" uga yimaada Madrid, isla markaana ay ugu yaraan toddobaad kale sii wadi doonto xakameynta xuduudaha ee dadka ka imanaya Spain.

    Saacado ka hor, dowladda Spain ayaa ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabooyin la mid ah oo ka dhan ah dadka safarka uga imanaya Talyaaniga, haddii Rome aysan ka qaadin xayiraadaha xuduudaha ugu dambeyn habeenka Axadda.

    Talyaaniga ayaa tallaabadan qaaday kadib qulqulkii ballaarnaa ee muhaajiriinta reer Morocco ay ku galeen magaalada Ceuta oo ah dhul ay Spain maamusho.

    Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay inay dib u eegis ku samayn doonto go'aankeeda oo keliya marka ay hubto inaanay jirin mowjad cusub oo tahriib iyo socdaal sharci-darro ah oo ku wajahan Yurub.

  4. Sacuudiga iyo Turkiga oo sheegay in heshiiska difaacu uusan cidna khatar ku ahayn

    Turkiga ayaa Jimcihii adkeeyay in heshiiska difaaca wadajirka ah ee uu la saxiixday Sacuudi Carabiya iyo Pakistan, xilli uu socdo dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, uusan ka dhan ahayn dal gaar ah.

    Burhanuddin Duran, Agaasimaha Xafiiska Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga, ayaa bartiisa X ku qoray:

    "Heshiiska Makka ma aha mid ka dhan ah dal gaar ah. Wuxuu xoojin doonaa amniga wadajirka ah iyo awoodda iska caabbinta ee saddexda dal, sidaas darteedna wuxuu door muhiim ah ka ciyaari doonaa ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka."

    Sacuudi Carabiya ayaa hore sidoo kale u shaacisay mowqif la mid ah.

    Sarkaal ka tirsan dowladda Sacuudi Carabiya ayaa Jimcihii sheegay in heshiiska difaaca wadajirka ah ee ay Sacuudi Carabiya la saxiixatay Turkiga iyo Pakistan uusan la xiriirin "hami kasta oo dhinaca hubka nukliyeerka ah", isla markaana uusan khatar ku ahayn dal kasta oo ku yaalla gobolka.

  5. Gantaalka ugu halista badaan ee xilligan yaalla Afrika iyo dalka haysta?

    Gantaalkan ayaa ka mida kuwa ugu halista baddan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gantaalkan ayaa ka mida kuwa ugu halista baddan

    Ciidanka Aljeeriya ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay inay haystaan ​​gantaalada Iskander ee hypersonic, iyagoo sii daayay muuqaallo muujinaya gantaalka oo la ridayo intii lagu jiray tababar.

    Gantaalkan waxaa la rumeysan yahay inay haysteen militariga dalka sannado badan, inkastoo xaqiijin la'aanta hore ay muujinayso u janjeersiga militariga Aljeeriya ee ah inaysan ku dhawaaqin iibsashada hub cusub.

    Iskander waxaa loo arkaa gantaalka ballistic-ga ugu awoodda badan adduunka waxaana la ogyahay in loo dhoofiyay Armenia iyo Aljeeriya oo keliya iyaga oo ka helay Ruushka, halka Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfurta Kuuriya ay soo rideen gantaallo la mid ah iyada oo loo maleynayo inay ka faa'iideysanayaan tignoolajiyada Ruushka.

    Gantaalkan wuxuu gaaraa masaafo dhan 500 oo kiiloomitir iyo isaga oo leh bartilmaameedyo saxnaan sare leh iyo dhaqdhaqaaqa awooddiisa ee uu ku safri karo xawaare sare, taa oo adkeyneysaa in la qabto.

    Soo bandhigidda Iskander waxay ka dambeysay markii uu qarxay dagaal heer hoose ah oo u dhexeeya Ciidanka Morocco iyo kooxaha fallaagada ah ee kala duwan.

  6. Madaxweyne Cirro oo Nairobi kula kulmay wakiilo beesha caalamka iyo waxa ay ka wadahadleen

    Madaxweynaha Jamhuuriyada iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cabdirixmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro

    Xigashada Sawirka, MFAS

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Jamhuuriyada iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cabdirixmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyada iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cabdirixmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wafti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi, isaga oo u soo bandhigay horumarka ay ku tallaabsatay Somaliland, mudnaanta Somaliland iyo hiigsiga Xukuumadda ee ku aaddan xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

    Qoraal ay boggeeda Facebook ku daabacday wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah u sheegay in nabadda iyo xasilloonidu ay yihiin mudnaanta koowaad ee Xukuumaddiisa. Waxa uu tilmaamay in ka badan 6,000 oo ciidan-beeleed ah, iyaga iyo qalabkoodiiba, si nabad ah loo qarameeyey, tababarna loo furay, kaddibna lagu daray Ciidanka Qaranka Somaliland.” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Arrimaha kale madaxweynuhu kala hadlay wakiilada besha caalamka ee lagu xusay qoraalka waxaa ka mid ah aqoonsiga Somaliland ka heshay Israa’iil.

    “Madaxweynuhu waxa uu xusay in aqoonsigii ay Dawladda Israa’iil 26-kii Diseembar 2025 ku aqoonsatay Somaliland uu ahaa dhacdo taariikhi ah. Waxa uu tilmaamay in aqoonsiga Israa’iil aanu ahayn dhammaadka geeddi-socodka aqoonsi-raadiska Somaliland, balse uu qayb ka yahay xaqiijinta himilada ay shacabka Somaliland muddada dheer ku taamayeen, kuna dhisan amni iyo xasillooni, dimuqraadiyad, hay’ado dawli ah oo si dhab ah u shaqaynaya” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Arrimaha kale ee lagu xusay in madaxweyne Cirro u gudbiyey wakiilada beesha caalamka ayaa qoraalka lagu sheegay “Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu Beesha Caalamka u caddeeyey in Somaliland ay ka go’an tahay in arrinta Laascaanood lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo hannaan nabadeed oo walaaltinimo ku dhisan.”ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

  7. Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac ee wadajirka ah ee maanta kala saxiixdeen dalalka Sacuuudi Carabiya, Turkeyga iyo Pakistan.

    Heshiisku wuxuu dhigaya in weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan doono inuu yahay weerar lagu qaaday dhammaantood.

    War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa lagu hambalyeey heshiiska dalalka Muslimka ah ay wada saxiixdeen

    “Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo u diraysaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Turkiga, iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan munaasabadda saxiixa "Heshiiska Makka ee Difaaca Wadajirka ah",

    Soomaaliya waxay heshiiska ku tilmaamtay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah xoojinta amniga wadajirka ah, horumarinta iskaashiga dhinaca difaaca, iyo dhisidda iskaashi istiraatiiji ah oo wax ku ool ah si wax looga qabto caqabadaha amni ee ay wadaagaan.

    Wasaaradd gaashaandhiga ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay xaqiijinayso in heshiiskani uu gacan ka geysan doono taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka, isla markaana uu kobcin doono mabaadi’da iskaashiga, isku duubnida iyo mas’uuliyadda wadajirka ah, isagoo u adeegaya danaha shucuubta gobolka isla markaana taageeraya dadaallada lagu dhisayo nabad iyo amni.

  8. Hay’adda Sirdoonka Israa’iil oo tallaabo lama filaan ah qaaday

    Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in laba sarkaal oo sare oo ka tirsan Mossad shaqada laga eryay, kadib "qorshe fashilmay oo lagu doonayay in lagu afgambiyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan."

    Sida ay sheegayaan warbixinnada warbaahinta Israa’iil, Agaasimaha Mossad, Roman Goffman, ayaa shaqada ka eryay laba ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa hay’adda sirdoonka, kuwaas oo lagu tilmaamay inay ahaayeen "maskaxdii ka dambeysay qorshihii fashilmay ee lagu doonayay in lagu rido dowladda Iiraan."

    Telefishinka Israa’iil ee Channel 12 ayaa sheegay in mid ka mid ah labada sarkaal uu ahaa madaxa hay’adda sirdoonka Mossad tan iyo bishii Diseembar 2015, halka kan kalena uu ahaa madaxa waaxda Iiraan ee hay’adda sirdoonka. Magacyada labada sarkaal laguma sheegin warbixinta telefishinka.

    Sida warbixintu sheegtay, labada sarkaal ee la eryay waxay ahaayeen "qorsheeyayaashii qorshe hawlgal oo qoran" oo lagu doonayay in lagu rido Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo la kaashanayo kooxaha Kurdida iyo kicinta mudaaharaadyo ballaaran. Qorshahan ayaa ahaa isla kii ay hore faahfaahin uga bixisay wargeyska New York Times.

    Waxaa la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu isla qorshahan u bandhigay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump intii uu ku guda jiray dadaalladiisa uu ku doonayay inuu ku qanciyo Trump inuu weeraro Iiraan bishii Maarso.

    Madaxa Mossad xilligaas wuxuu ahaa David Barnea, kaas oo bishii Juun ee sanadkan lagu beddelay Roman Goffman.

  9. Madaxweynayaasha Ruushka iyo Imaaraadka oo wadahadal telefoon yeeshay

    Kremlin-ka ayaa Jimcaha maanta ku dhawaaqay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Maxamed bin Zayed Al Nahyan, iyagoo ka wada hadlay xaaladda gobolka Khaliijka iyo dagaalka Ukraine.

    Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Kremlin-ka, Vladimir Putin ayaa uga mahadceliyay Isutagga Imaaraadka Carabta doorkii ay ka qaateen fududeynta iyo abaabulka is-weydaarsiga maxaabiista dagaalka iyo dadka la xiray ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

  10. Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

    Madaxweynaha xirirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, Gianni Infantino

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha xirirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, Gianni Infantino

    Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay isa soo tarayaan garabyada taageersan iyo kuwa ka soo horjeeda Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino.

    Xiriirka Kubadda Cagta Norway ayaa ku baaqaya inuu Gianni Infantino iska casilo xilka, kadib markii uu ka laabtay qorshe lagu iibin lahaa saamiyo ka mid ah tartamada FIFA. Xiriirku wuxuu sheegay in aanu jirin waddo dib loogu soo celin karo kalsoonida lagu qabo Infantino.

    Dhanka kale, xiriirrada kubadda cagta ee Argentina iyo Mexico ayaa noqday kuwii ugu dambeeyay ee si cad u taageera Infantino, iyagoo ka hor yimid mowqifka ururka qaaraddooda.

    Xiriirka kubadda cagta Yurub (UEFA) ayaa hore u sheegay in taageerada cusub ee guddiga FIFA ay u muujiyeen Gianni Infantino aysan waxba ka beddelayn mowqifkooda. Sidoo kale, xiriirrada kubadda cagta ee Afrika ayaa taageero u muujiyay Infantino.

  11. Policeka oo baaraya guriga uu wiilka tooogasha gaystay ku dilay awoowgiis iyo ayeeydiis

    Kahor inta uusan u dhaqaaqin dugsiga ku yaalla gobolka Nonthaburi, mas'uuliyiintu waxay sheegeen in wiilka 14 jirka ah ee lagu tuhunsan yahay falka uu gurigooda ku toogtay kuna dilay awoowgiis iyo ayeeydiis.

    Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya booliska oo baaritaanno ka wada halka ay dhacdadu ka dhacday, iyadoo weli la baarayo sababta ka dambeysay weerarka rasaasta.

    Toogashada Thailand

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Toogashada Thailand
    Toogashada Thailand

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Toogashada Thailand
    Toogashada Thailand

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Toogashada Thailand
  12. War deg deg ah, Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

    Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis wadajir ah oo dhinaca difaaca ah, iyadoo arrintan ay ku soo beegantay dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.
    Qoraalka sawirka, Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis wadajir ah oo dhinaca difaaca ah, iyadoo arrintan ay ku soo beegantay dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

    Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis wadajir ah oo dhinaca difaaca ah, iyadoo arrintan ay ku soo beegantay dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay in weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal "loo aqoonsan doono inuu yahay weerar lagu qaaday dhammaantood."

    Heshiiskan ayaa lagu dhawaaqay kadib kulan ka dhacay magaalada Jeddah ee Sacuudi Carabiya, kaas oo ay ka qeybgaleen Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Maxamed bin Salmaan, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyo Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.

    Saddexdan dal ayaa muddooyinkii dambe dadaal ugu jiray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, iyadoo colaadda gobolka ay saameysay Sacuudi Carabiya isla markaana ay carqaladeysay isu socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz iyo Badda Cas.

    Sacuudi Carabiya iyo Pakistan ayaa sannadkii hore sidoo kale ku dhawaaqay heshiis wadajir ah oo dhinaca difaaca ah.

  13. Erdogan oo gaaray Sacuudiga iyo heshiis taariikhi ah loo la filayo inu ka dhaco dalkaas

    Sida ay sheegayaan warbaahinta Sacuudiga, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa maanta oo jimce ah gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

    Sida ay warisay AFP, waxaa la filayaa inuu safarkan ku saxiixo heshiisyo dhinaca difaaca ah oo ay la galayaan Sacuudi Carabiya iyo Pakistan.

    Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Erdoğan iyo Ra'iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Pakistan, Asim Munir, ay la kulmi doonaan Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Maxamed bin Salmaan, si ay u saxiixaan heshiiska.

    Heshiiskan ayaa imanaya kadib ku dhowaad hal sano oo wadahadallo ah, xilli dagaalka Iran uu muujiyay nuglaanta amni ee dalalka Khaliijka.

  14. War deg deg ah, In ka badan 30 qof ayaa dhaawacmay, sagaalna xaaladdoodu waa halis – Ra’iisul Wasaaraha Thailand

    In ka badan 30 qof ayaa ku dhaawacmay rasaas lagu furay iskuul ku yaalla Bangkok

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, In ka badan 30 qof ayaa ku dhaawacmay rasaas lagu furay iskuul ku yaalla Bangkok

    In ka badan 30 qof ayaa ku dhaawacmay rasaas lagu furay iskuul ku yaalla Bangkok, waxaana sagaal ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Thailand.

    Anutin Charnvirakul ayaa la hadlay warbaahinta isagoo jooga goobta dhacdadu ka dhacday.

    Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa bixiyay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tuhmanaha geystay weerarka ka dhacay Iskuulka ee ay ku dhinteen ugu yaraan todoba qof.

    Waxaa uu sheegay in caddeymaha ay booliisku ka heleen gurigooda ay muujinayaan, inuu ahaa qof aad u jeclaa ciyaaraha kombiyuutarka.

    Tuhmanaha, oo ah arday 14 jir ah, wuxuu la noolaa awoogiis iyo ayeeydiis, kuwaas oo meydkooda laga helay guriga.

    Qoraalka xiga waxaan idiin soo gudbin doonnaa faahfaahin dheeraad ah oo uu bixiyay Ra’iisul Wasaaruhu.

  15. Saddex dal oo waaweyn oo Muslim ah oo maanta gaaraya heshiis difaac

    Raysal wasaaraha Pakistan iyo guddoomiyaha Makkah

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Raysal wasaaraha Pakistan iyo guddoomiyaha Makkah

    Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan gobolka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Turkiga, Sacuudi Carabiya, iyo Pakistan ay maanta oo Jimca ah saxiixi doonaan heshiis wadajir ah oo dhanka difaaca ah.

    Sarkaal Turki ah ayaa xaqiijiyay in heshiiska la saxiixi doono.

    Turkigu waa xubin ka tirsan NATO, Sacuudi Carabiyana waa xulafo muhiim ah oo Maraykanka la leh xiriir dhow, isla markaana ka mid ah dhoofiyeyaasha ugu waaweyn shidaalka adduunka. Pakistan-na waa dalka keliya ee Muslim ah ee haysta hub nukliyeer.

    Sida ay sheegtay Reuters, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, iyo Taliyaha Ciidanka Pakistan Asim Munir ayaa magaalada Jeddah kula kulmi doona Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, halkaas oo lagu saxiixi doono heshiiska.

    Heshiiskan ayaa imanaya kadib ku dhowaad hal sano oo wadaxaajood ah, xilli dagaalkii Iran uu muujiyay nuglaanshaha amni ee dalalka Khaliijka, isla markaana uu carqaladeeyay isu-socodka shidaalka iyo badeecadaha kale ee muhiimka ah ee mara Marinka Hormuz.

    Faahfaahin dheeraad ah halkan hoose ayaad ka heli kartaa:

  16. Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

    Shan macallin ayuu toogtay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Shan macallin ayuu toogtay

    Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa bixiyay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tuhmanaha geystay weerarka ka dhacay Iskuulka ee ay ku dhinteen ugu yaraan todoba qof.

    Waxaa uu sheegay in caddeymaha ay booliisku ka heleen gurigooda ay muujinayaan, inuu ahaa qof aad u jeclaa ciyaaraha kombiyuutarka.

    Tuhmanaha, oo ah arday 14 jir ah, wuxuu la noolaa awoogiis iyo ayeeydiis, kuwaas oo meydkooda laga helay guriga.

    Mas’uuliyiintu waxay rumaysan yihiin inuu dilay labadiisa waalid oo uu la noolaa, ka hor inta uusan aadin iskuulka, halkaas oo uu ku toogtay shan macallin.

    Kadib ayuu isna is toogtay, wuxuuna geeriyooday intii loo sii waday isbitaalka.

    Macallin ka tirsan iskuulka ayaa sheegay in wiilku ahaa “ilmo wanaagsan oo leh natiijooyin waxbarasho oo fiican”, isla markaana aan lagu aqoon inuu ahaa qof dagaal badan ama rabshado badan.

  17. Kaniini laga yaabo inaad in badan isticmaashay oo 'khatar ku ah beerka'

    Kaniini

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Kaniini

    Waxaa laga helaa farmashiyeyaasha iyadoo uusan dhaqtar qorin, kaniinigan pracetamol-ka waa mid ka mid ah dawooyinka aadka looga isticmaalo adduunka.

    Dalka Mareykanka, waxaa lagu qiyaasaa in sanadkii la iibiyo ilaa 49,000 oo tan, amaba in 298 kaniini ah ay sanadkii kusoo aadeyso qofkiiba.

    Dalka UK, celcelis ahaan 70 xabbo oo kaniinigan ah ayaa qofkii kusoo aada sanadkii.

    Inkastoo qarniyo la yaqaannay kaniinigan, haddana weli si qoto dheer uma aysan baarin saynisyahannada.

    Saameynta kaniinigan ayaa kala duwan: Dadka qaar ayaa ka sheegta dhabar-xanuun, kuwo kalena waxay isku arkaan calaamado kale.

    Hal arrin oo u cad khubarrada, ayaa si kastaba, waxay tahay khatarta ay leedahay in la iska badiyo kaniinigan: kaniinigan waa waxa ugu badan ee sababa inuu beerku howlgab noqdo marka la eego dalalka Mareykanka iyo UK, taasoo sababtay qeylo-dhaanta ururro badan oo caafimaad.

    Khatarta waxaa qeyb ka ah sida fudud ee lagu heli karo kaniinigan iyo iyadoo aysan ku caddeyn xadka isticmaalkiisa.

    Maxaa caddeeymo ah oo laga hayaa?

    Inkastoo iibkiisa guul badan laga gaaray, paracetamol-ku ma daweeyaa waxa loogu talogalay? Sida inuu yareeyo qandhada iyo xanuunka.

    Inkastoo iibkiisa guul badan laga gaaray, paracetamol-ku ma daweeyaa waxa loogu talogalay? Sida inuu yareeyo qandhada iyo xanuunka?

    Waaxda dawooyinka iyo cunnada ee Mareykanka FDA ayaa barteeda internet-ka ee rasmiga ah ku sheegtay in paracetamol loo isticmaalo karo yareynta qandhada iyo xanuunka marka aysan aad u darneyn.

    Balse caddeymaha la hayo ayaa kala duwan, gaar ahaan marka ay timaaddo qiimeynta xaalado kala duwan oo jirka saameeya.

  18. Meta oo lagu ganaaxay $567 Milyan, xukunkii ugu weynaa ee badbaadada carruurta

    Mark Zuckerberg

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Mark Zuckerberg

    Garsoore Maraykan ah oo ka tirsan gobolka New Mexico, ayaa amray shirkadda Meta inay bixiso $567 milyan oo kale (£421 milyan), kaddib markii ay ku guuldarraysatay inay bulshada uga digto khataraha ay barnaamijyadeedu ku keeni karaan carruurta. Tani waxay noqotay xukunkii ugu weynaa ee shirkadda lagu soo rogo ee la xiriira badbaadada carruurta.

    Garsoore Bryan Biedscheid ayaa sheegay, in shirkadda weyn ee warbaahinta bulshada ay tahay “dhibaato guud oo bulshada saameysa”, isagoo la mid dhigay wasakhowga hawada. Wuxuu amray in lacagtaas lagu shubo sanduuq loogu talagalay in lagu yareeyo waxyeellooyinka mustaqbalka.

    Go’aanka Khamiista la gaaray wuxuu daba socdaa ganaax hore oo dhan $375 milyan oo Meta hore loogu amray inay bixiso isla kiiskan, taasoo wadarta ka dhigaysa $942 milyan.

    Garsoore Biedscheid wuxuu Meta ku barbar dhigay warshad, isagoo sheegay in xayeysiisyada iyo waxyaabaha ku jira barnaamijyadeeda ay yihiin “badeecadaheeda”, halka “waxyeellada nafsiyeed iyo ka faa’iidaysiga galmada ee carruurta” ay yihiin wasakhda ay tahay in la yareeyo.

    Afhayeen u hadlay Meta, oo leh isla markaana maamusha Instagram, Facebook, WhatsApp iyo Threads, ayaa Khamiistii yiri: “Waan diiddanahay go’aanka, waxaana racfaan ka qaadan doonnaa.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan si adag uga shaqeynaa sidii aan dadka ugu ilaalin lahayn barnaamijyadeenna, waxaana si cad uga hadalnay caqabadaha ku jira aqoonsiga iyo ka saarista dadka xun iyo waxyaabaha waxyeellada leh. Waxaan weli ku kalsoonahay dadaalladeenna ku aaddan ilaalinta dhalinyarada internetka, waxaana sii wadi doonnaa inaan iska difaacno eedeymaha si khaldan u matalaya xaqiiqooyinka.”

    Markii laga hadlayay xukunkii hore ee $375 milyan, Meta waxay sheegtay inay damacsan tahay inay racfaan ka qaadato go’aanka, iyadoo bixisay sharaxaad la mid ah tan. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee gobol Maraykan ahi si guul leh dacwad uga gudbiyo Meta oo ku saabsan arrimaha badbaadada carruurta.

    Meta ayaa hadda wajahaysa kumannaan dacwadood oo gudaha Maraykanka ah, kuwaas oo la xiriira arrimo la mid ah. Marka laga soo tago go’aannada New Mexico, Meta horraantii sanadkan waxay sidoo kale lumisay dacwad ka dhacday Los Angeles oo lagu soo oogay eedeymo la mid ah.

  19. War deg deg ah, Toogasho ka dhacday iskuul oo ay dad ku dhinteen

    Ilaa lix qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday goob iskuul ah, sida ay sheegeen booliska Thailand.

    Booliiska ayaa horay u sheegay in tuhmanihii lagu eedeeyay inuu geystay toogashada isna uu dhintay, kaas oo ah wiil 14 sano jir ah oo sido kale ahaa arday.

    Ugu yaraan 15 qof ayaa dhaawacmay, waxaana booliisku sheegeen in laba ka mid ah ay xaaladdoodu aad u daran tahay.

    Maxaan ilaa hadda ka ognahay toogashada?

    Rasaas ayaa laga maqlay laanta Debsirin School ee Nonthaburi, oo ku taalla duleedka caasimadda Bangkok, wax yar kadib 10:00 waqtiga maxalliga ah (03:00 GMT).

    Muuqaallo laga duubay goobta ayaa muujinaya shaqaalaha dugsiga oo ardayda ka saaraya fasallada si degdeg ah, halka askarta booliiskuna ay isku dayayaan inay raadiyaan qofka toogashada geystay.

    Sida ay booliisku sheegeen, tuhmanuhu wuxuu ahaa arday 14 jir ah oo ka tirsanaa dugsiga, kaas oo rasaas ku furay macallimiin iyo arday kale ka hor inta uusan nafa is dhaafin.

    Dadka dhaawacmay waxaa goobta ku daweeyay shaqaalaha gurmadka caafimaadka, ka hor inta aan loo qaadin isbitaalka.

    Toogashadan waxay daba socotaa dhacdo kale oo toogasho ah oo ka dhacday dugsi ku yaalla koonfurta Thailand bishii Febraayo. Dhacdadaas waxay dhalisay su’aalo ku saabsan sida ay hubku si fudud ugu heli karaan dadka Thailand, su’aalahaas oo hadda mar kale la filayo in la is weydiiyo.

  20. Trump oo saxiixay labo amar oo waaweyn oo saameyn kara dad Soomaalidu ku jirto

    Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Donald Trump

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa mar kale isku dayayaa inuu yareeyo xuquuqda dhalashada ku salaysan ee Maraykanka, toddobaadyo uun ka dib markii Maxkamadda Sare ee Maraykanka ay diidday isku daygiisii hore ee lagu baabi'inayay xuquuqdan.

    Madaxweynaha ayaa Khamiistii saxiixay laba amar oo fulineed, kuwaas oo midkood ballaarinaya qeexitaannada dadka aan muwaadiniinta ahayn ee carruurtoodu aanay xaq u yeelan doonin dhalashada Maraykanka hadii ay ku dhashaan dalkaas.

    Amarka labaadna wuxuu mamnuucayaa waxa loo yaqaan "dalxiiska dhalmada" oo ah marka haweenka uurka leh ay u safraan Maraykanka si ay halkaas ugu dhalaan carruurtooda, si ilmuhu u helo dhalashada Maraykanka.

    Trump ayaa ka sheegay Xafiiska Oval-ka:

    "Tani waxay ahayd inay dhacdo sannado ka hor, laakiin hadda ayaan hirgelinaynaa."

    Wuxuu sidoo kale dhaliilay go'aankii Maxkamadda Sare ee lagu diiday isku daygiisii hore ee lagu soo afjarayay siyaasaddan jirtay ku dhowaad 150 sano.

    Amarka fulinta ee ugu horreeya ayaa lagu yiri:

    "Maamulkaygu wuxuu ka hortagay khataraha ay keenaan shakhsiyaad iyo kooxo shisheeye, kuwaas oo isku daya inay khiyaaneeyaan muwaadiniinta Maraykanka iyagoo ka faa'iidaysanaya deeqsinimada dalkeenna."

    Amarkan wuxuu mamnuucayaa in si toos ah dhalashada Maraykanka loo siiyo carruurta ku dhalata gudaha Maraykanka, haddii labadooda waalid aysan ahayn muwaadiniin Maraykan ah, isla markaana mid ka mid ah waalidiinta uu yahay: xubin ka tirsan koox argagixiso oo shisheeye, shaqaale u shaqeeya dowlad shisheeye, qof isku dayay inuu ku helo dhalashada Maraykanka khiyaano ama been-abuur, ama qof ku nool dhulalka Maraykanku maamulo ee aan sharci federaali ahi siin dhalasho toos ah.

    Dhalashada dadka ku dhasha dhulalka Maraykanka sida Puerto Rico, waxaa si cad u dammaanad qaadaya sharci federaal ah.

    Trump iyo xubnaha maamulkiisa ayaa marar badan cambaareeyay dalxiiska xiliga ay dhowdahay dhalmada, iyagoo ku eedeeyay waddamo ay ka mid yihiin Ruushka iyo Shiinaha inay ka faa'iidaystaan nidaamka dhalashada ku salaysan, si ay dad ugu dhex geliyaan Maraykanka.

    Amaraddan oo uu Khamiistii kaga dhawaaqayay Xafiiska Oval-ka, Trump wuxuu sheegay in boqolaal kun oo carruur ah ay ku dhasheen Maraykanka iyada oo loo marayo waxa loo yaqaan dalxiiska dhalmada (birth tourism).

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: