Madaxweyne Trump oo sheegay inuu "mudnaan siinayo" arrinta biyo-xireenka Itoobiya

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu "si buuxda mudnaan u siinayo" khilaafka ka dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan biyo‑xireenka Itoobiya, isla markaana uu doonayo in xal caddaalad ah laga gaaro.
Madaxweyne Trump ayaa hadalkan sheegay xilli uu Faransiiska kula kulmay madaxweynaha Masar Abdel Fattah al‑Sisi, intii uu socday shirkii dalalka hodanka ah ee G7 oo la soo gabagabeeyay Arbacadii.
Shirkaas waxaa ka qayb galay Maraykanka, Faransiiska, Boqortooyada Midowday (UK), Jarmalka, Japan, Talyaaniga iyo Kanada, iyo sidoo kale Midowga Yurub. Afrika waxaa ka soo qayb galay hoggaamiyeyaasha Masar iyo Kenya.
Intii lagu jiray wada-hadalkooda warbaahinta hortooda, Trump wuxuu sheegay inuu ogyahay in biyo‑xireenka weyn ee Itoobiya ka dhistay webiga Nile uu "dhibaato ku hayo Masar".
Tan iyo markii Itoobiya billowday dhismaha biyo‑xireenka ee webiga Nile, waxaa jiray khilaaf u dhexeeya Itoobiya, Suudaan iyo Masar. Inkastoo wadahadallo socdeen muddo 14 sano ah, haddana wali lagama gaarin heshiis dhamaystiran oo ay saddexda dal ku wada qancaan.
Biyo‑xireenka, oo Itoobiya dhamaystirtay dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa la filayaa inuu soo saaro in ka badan 5000 megawatt oo koronto ah.
Trump ayaa marar badan hore u muujiyay aragti u janjeerta dhinaca Masar isagoo si cad uga hadlay muranka biyo‑xireenka. Bishii Jannaayo, warqad uu u diray Sisi ayuu ku sheegay inuu doonayo inuu ka shaqeeyo bilowga wadahadallo ku saabsan arrintaas. Waxaa kale oo uu ku muujiyay inuu diyaar u yahay in si mas'uuliyad leh xal looga gaaro doodda ku saabsan "qaybsiga biyaha Nile".
Itoobiya ayaa sheegtay in warqaddaas si toos ah loogu diray Masar oo keliya, isla markaana ay iyadu si aan rasmi ahayn ku heshay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kulankii Faransiiska, Trump iyo Sisi waxay si gaar ah uga wada hadleen arrinta biyo‑xireenka. Madaxweynaha Masar ayaa muujiyay sida ay biyaha Nile muhiim ugu yihiin dalkiisa, isagoo uga mahadceliyay Trump danaynta uu u muujiyay xallinta dhibaatada.
Trump wuxuu sidoo kale ammaanay Sisi, isagoo yiri, "Waa sharaf inaan la kulmo madaxweynaha Masar. Waa qof si weyn loo ixtiraamo. Xiriirkeennu waa mid adag, xiriirkeenna gaarka ahna waa mid waara."
Wuxuu intaa ku daray inuu ka shaqeynayo arrinta biyo‑xireenka, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeynayaan.
Trump ayaa sidoo kale ku eedeeyay Itoobiya inay "si aan caddaalad ahayn" ula dhaqmayso Masar marka la eego arrinta biyo‑xireenka, isagoo sheegay in hoos u dhaca biyaha Nile uu saameynayo Masar.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu hore arrintan uga shaqeeyay muddadii uu xilka hayay, balse uu sheegay in arrimuhu xumaadeen kadib "doorasho uu ku tilmaamay mid la musuqmaasuqay." Wuxuu ballanqaaday inuu mar kale dib u eegi doono si xal loo helo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muddooyinkii hore, Maraykanka iyo Bangiga Adduunka ayaa gacan ka geystay wadahadallo dhex maray Itoobiya, Masar iyo Suudaan. Si kastaba ha ahaatee, heshiis la filayay in la saxiixo ayaa burburay markii Itoobiya ay diidday, iyadoo sheegtay in uusan dan u ahayn.
Taasi waxay keentay in Trump markaas joojiyay qayb ka mid ah gargaarkii Maraykanku siin jiray Itoobiya.
Dhinaca kale, Masar iyo Suudaan ayaa marar badan ku eedeeyay biyo‑xireenka inuu khatar ku yahay dalalka ku teedsan wabiga Nile. Itoobiya se waxay ku adkaysatay in mashruucu uusan waxyeello u geysanayn, isla markaana ay xaq u leedahay inay si caddaalad ah uga faa'iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga ah.
Masar waxay doonaysaa in Itoobiya ay saxiixdo heshiis sharci ah oo qeexaya sida biyaha loo kaydinayo loona sii deynayo. Itoobiya ayaa taas ka diidan iyadoo ku adkaysanaysa madax-bannaanideeda.
Biyo‑xireenka ayaa lagu dhisay kharash ka badan $5 bilyan, dhererkiisuna waa 1.78 km, halka uu ka sarreeyo 145 mitir.
Webiga Nile, oo ka mid ah kuwa ugu dheer dunida, in ka badan 85% biyihiisa waxa uu ka helo Itoobiya. Inkastoo Masar ay aad ugu tiirsan tahay biyahaas, Itoobiya waxay ku doodday in ay xaq u leedahay isticmaal caddaalad ah.
Masar waxay sidoo kale ku dooddaa heshiiskii 1959 oo siinaya saami weyn oo biyaha Nile ah, balse Itoobiya waxay sheegtay in heshiiskaasi yahay mid duugoobay oo u baahan in dib loo eego.
Itoobiya waxay marar badan ku celcelisay in biyo‑xireenka uusan khatar gelinayn amniga biyaha ee Masar, isla markaana ay diyaar u tahay heshiis xaq iyo sinnaan ku salaysan.















