TOOS, Dalalka G7 oo fasixi doona 100 milyan oo foosto shidaal iyo naafto ah kadib hanjabaadda Trump ee xannibaadda dhoofinta

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen, G7 waxay ku sheegeen in dalalka xubnaha ahi ay ku heshiiyeen inay iska ilaaliyaan xayiraadaha dhoofinta tamarta iyo wax soo saarka tamarta dhexdooda.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Trump oo carrabaabay xilliga uu dhammaan karo dagaalka Iiraan

    Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo ka hadlayay isu soo bax olole doorasho oo ka dhacay magaalada Mobile ee gobolka Alabama, ayaa mar kale sheegay in dagaalka Iiraan uu dhammaan doono "malaha wax yar kadib doorashooyinka dhexe."

    Warbaahinta NBC News ayaa sheegtay in Trump toddobaadyadii u dambeeyay marar badan ku celceliyay hadalladan, xilli uu sii kordhayo tirada Maraykan ka soo horjeeda dagaalka Iiraan.

    Khudbaddiisa, Donald Trump wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka dhaqaale ee Iiraan, isagoo ku andacooday in sicir-bararka dalkaasi uu gaaray qiyaastii 310%.

    Wuxuu yiri: "Dhaqaalahoodu gebi ahaanba waa burburay. Hal shay oo ay dhab ahaantii haystaan waa sicir-barar... Waa inaan aragnaa waxa dhaca."

    Trump wuxuu sidoo kale u sheegay dadkii isu soo baxay: "Dagaalkani si dhakhso ah ayuu u dhammaan doonaa, malaha isla marka doorashadu dhammaato. Laakiin marka uu dhammaado, qiimaha shidaalku si weyn ayuu hoos ugu dhici doonaa."

    Wuxuu dhowr jeer ku celiyay in dagaalkani uu mar dhow dhammaan doono, "si uun ama si kale."

    Sida lagu sheegay warbixintan, hadallada Donald Trump ayaa imanaya xilli xogta la heli karo ay muujinayso in celceliska qiimaha hal gaaloon oo shidaal ah gudaha Maraykanka uu hadda yahay $3.94.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Dalalka G7 oo fasixi doona 100 milyan oo foosto shidaal iyo naafto ah kadib hanjabaadda Trump ee xannibaadda dhoofinta

    Nafto

    Kooxda G7 ayaa ku heshiisay inay suuqa kusii deyso 100 milyan oo foosto oo shidaal cayriin ah iyo naafto ah, si loo yareeyo cadaadiska dhanka sahayda ee sababay in qiimaha shidaalku si weyn u kaco.

    Kooxdan oo uu ku jiro Maraykanka, ayaa sheegtay in tallaabadan ay ka mid noqon doonto sii deyn ballaaran oo naafto ah maalmaha soo socda.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa hore ugu hanjabay inuu mamnuuci doono dhoofinta naaftada Maraykanka, taasoo ah tallaabo hoos u dhigi lahayd cadaadiska qiimaha ee saaran macaamiisha Maraykanka ka hor doorashooyinka dhexe ee bisha Noofambar, balse kor u qaadi lahayd qiimaha shidaalka ee dalalka kale.

    Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen, G7 waxay ku sheegeen in dalalka xubnaha ahi ay ku heshiiyeen inay iska ilaaliyaan xayiraadaha dhoofinta tamarta iyo wax soo saarka tamarta dhexdooda.

    Kooxda G7 waxaa xubno ka ah Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Canada, Japan, Jarmalka, Talyaaniga iyo Faransiiska, waxaana sidoo kale shirarkeeda ka qayb gala Midowga Yurub.

    Trump ayaa uga digay inuu joojin doono dhoofinta naaftada Maraykanka haddii dalalka Yurub aysan oggolaan inay suuqyada keenaan qayb ka badan kaydadkooda shidaalka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: