Reuters: Hakinta adeegyada taleefannada iyo internet-ka Tigray waxaa amray TPLF

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in hoggaamiyeyaasha TPLF, oo la wareegay maamulka gobolka Tigray isla markaana khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka Itoobiya, ay jareen adeegyada internet-ka iyo taleefannada ee gobolka.
Xisbiga Solidarity Party, oo ay aasaaseen xubno hore uga tirsanaa TPLF, isla markaana uu hoggaamiyo la-taliyaha ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ayaa isna bayaan uu soo saaray ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha TPLF inay ka tageen waajibaadkoodii shaqo.
Adeegyada internet-ka iyo taleefannada ee Tigray ayaa go’ay kaddib markii uu sii xumaaday khilaafka u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo hoggaamiyeyaasha TPLF, waxaana Arbacadii toddobaadkan qarxay iska horimaadyo.
Ciidamada Tigray ayaa la wareegay saddexda garoon diyaaradeed ee waaweyn ee gobolka, taasoo keentay in duulimaadyadu hakad galaan maalintii saddexaad.
Sida ay BBC-da Jimcihii subaxnimadii u sheegeen dadka isticmaala adeegga Safaricom, shirkadda Ethio Telecom oo adeegyo badan ku leh dalka iyo gobolka Tigray, ayaa adeegyada internet-ka iyo taleefannada gobolka laga joojiyay habeenkii Khamiista.
BBC-da ayaa dhowr jeer wacday oo farriimo u dirtay madaxa isgaarsiinta iyo maamulaha guud ee Ethio Telecom, oo ah shirkadda ugu weyn ee isgaarsiinta Itoobiya, si ay jawaab uga hesho hakadka ku yimid adeegyada Tigray, balse wax jawaab ah kama aysan helin.
Reuters ayaa galabt sheegtay, iyadoo soo xiganaysa afar ilo-wareed oo arrintan xog u leh, oo uu ku jiro ilo diblomaasiyadeed, in go’aanka lagu joojiyay adeegyada taleefannada iyo internet-ka ee Tigray ay qaateen hoggaamiyeyaasha TPLF.
Sheekooyin dheeraad ah
















