TOOS, Iiraan oo ka dalbatay Mareykanka in Israa'iil joojiso howlgalka ay ka waddo Lubnaan

Iiraan oo ka dalbatay Mareykanka in Israa'iil joojiso howlgalka ay ka waddo Lubnaan

Kooban

Tebin toos ah

  1. Degdeg: Golaha Khuburada Iiraan oo Fatwooday in la dilo Madaxweynaha Mareykanka iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa soo baxay kala qaybsanaan aan caadi ahayn oo ka dhex taagan Golaha khuburada Iiraan oo ah hay’adda ugu sarreysa culimada diinta ee Iiraan.

    Ku dhowaad saddex meelood laba meel xubnaha golaha oo ka kooban 88 xubnood ayaa soo saaray fatwo diimeed ay ku baaqayaan in la dilo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

    Fatwada ayaa sheegtay in ay waajib ku tahay Muslimiinta inay dilaan labada hoggaamiye haddii ay fursad u helaan.

    Si kastaba ha ahaatee, maamulka Golaha Khubarada ayaa ku tilmaamay fatwadan “mid aan caadi ahayn”, iyagoo sheegay in waxa ku qoran ay u baahan yihiin dood iyo falanqeyn dheeraad ah.

    Fatwadan oo ay soo saareen xubno mayal adag ayaa lagu daray warqad loo diray shacabka Iiraan. Warqaddaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in Tehran aysan ahayn inay oggolaato furitaanka Marin-biyoodka Hormuz ama in barnaamijkeeda nukliyeerka lagaga hadlo wada-hadallada ay la leedahay Maraykanka.

    Sii akhri:

  2. Shan arrimood oo sahlan oo aad ku yarayn karto baruurta caloosha

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dad badan ayaa gymka aada si ay u yareeyaan baruurta caloosha, laakiin qaarkood dhab ahaantii dheg uma dhigaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.

    Dufanka caloosha ayaa ah walaac ku badan dhalinyarada ka welwelsan muuqaalkooda iyo caafimaadkooda.

    Dufanka ku uruuray calooshooda awgiis ma xiran karaan dhar raaxo leh oo iyaga ku habboon.

    Dhibaatadani kaliya maaha xirashada dharka aad jeceshahay. Waxa la caddeeyey in dufanka calooshu uu khatar caafimaad keeni karo.

    Xayrtaasi waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan oo halis ah, oo ay ku jiraan dhiig karka, sonkorta dhiigga oo kacda, iyo dhibaatooyinka kolestaroolka.

    Cuduradani waxay ka yimaadaan baruurta ku taal aagga caloosha. Waxa kale oo ay kordhisaa halista nooca 2-aad ee sonkorowga iyo cudurrada wadnaha.

    Cilmi-baaris ay daabacday jaamacadda Harvard ayaa muujisay in nooca borotiinka ee loo yaqaan 'cytokine' la soo saaro tiro aad u badan marka dufanku ku ururo aagga caloosha. Barootiinkani waxa uu keenaa caabuqa jirka.

    Dufanka caloosha ayaa sidoo kale soo saara borotiin kale oo loo yaqaan angiotensin. Barootiinkani waxa uu keeni karaa in xididdada dhiigga ay yaraadaan iyo dhiig karka.Sidaa awgeed, halista waallida, neefta, iyo noocyada kansarka qaarkood ayaa kordha.

    Sida laga soo xigtay Dr. Shiv Kumar Choudhry, dhakhtarka sare ee wadnaha ee Isbitaalka Fortis Escorts ee Delhi, dufanka caloosha ayaa ka khatar badan dufanka ku kaydsama qaybaha kale ee jirka.

  3. War deg deg ah, Turkiga oo si adag uga horyimid tallaabo Israa'iil qaadday

    Turkiga

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Turkiga ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay xasuuqii Armeniyiinta ee dhacay intii lagu jiray iyo wixii ka dambeeyay dagaalka koowaad, inuu ahaa xasuuq isir sifeyn ah.

    Ankara ayaa sheegtay in go’aankaasi uu yahay tallaabo siyaasadeed oo Israa’iil ay isku dayayso inay ku leexiso dareenka caalamka eedeymaha loo jeedinayo ee ku saabsan falalka ay ka waddo Qasa iyo waxa ay Turkigu u uku tilmaamay cadaadiska lagu hayo shacabka Falastiin. Israa’iil ayaa beenisay eedeymahaas.

    Inkasta oo Turkigu uu diidan yahay aqoonsigaas, haddana in ka badan 30 dal ayaa si rasmi ah u aqoonsaday xasuuqii Armeniyiinta inuu ahaa xasuuq isir sifeyn ah, waxaana ka mid ah Mareykanka, Ruushka iyo dalal badan oo Yurub ka tirsan.

    Waxaa la qiyaasaa in in ka badan hal milyan oo Armeniyiin ah ay dileen ciidamadii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee gobolka Anatolia, intii lagu jiray olole socday ku dhowaad toban sano oo isugu jiray tacaddiyo, barakicin qasab ah iyo socod lagu khasbay oo ay dad badan ku dhinteen.

  4. War deg deg ah, Madaxweyne Putin oo qirtay dhaawaca ka soo gaaray dagaalka Ukraine

    Putin

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa qiray in dalka Ruushka uu wajahayo yaraanta shidaalka, taas oo ka dhalatay weerarrada ay Ukraine ku qaaday kaabeyaasha tamarta ee dalkaas. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in xaaladdu aanay ahayn mid halis ah.

    Wareysi uu sii daayay Aqalka Kremlin-ka, Putin ayaa sheegay in mudnaanta ugu weyn ay tahay xoojinta difaaca cirka iyo hubinta in shidaal ku filan la gaarsiiyo dhammaan gobollada, gaar ahaan gobolka Crimea.

    Putin wuxuu kaloo sheegay inuu filayo in Mareykanku uu dib u billaabi doonno dadaalladeeda dhexdhexaadinta marka uu ka yaraado mashquulka arrimaha la xiriira Iiraan.

  5. Warbaahinta madaxa bannaan iyo wiilka madaxweynaha Uganda oo qaati kala taagan

    Janaraal Muhoozi Kainerugaba, wiilka madaxweynaha Uganda

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Janaraal Muhoozi Kainerugaba, wiilka madaxweynaha Uganda

    Shabakadda warbaahinta madaxa-bannaan ee ugu weyn Uganda ayaa sheegtay inay ku jirto "go'doomin milatari" ka dib markii taliyaha ciidanka - oo ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni - uu amray in la xiro telefishinnada, wargeysyada iyo idaacadaha.

    Wargeyska Daily Monitor ayaa sheegay in ciidamo hubaysan ay ku sugnaayeen meel dibadda ka ah xaruntooda caasimadda Kampala, isla markaana telefishinka NTV iyo Spark TV laga saaray hawada.

    Warbaahintu waxay qayb ka tahay Nation Media Group, oo ah mid ka mid ah shirkadaha warbaahinta ugu saameynta badan Bariga Afrika.

    Ma cadda waxa dhabta ah ee horseeday joojinta, laakiin qoraallo uu ku qoray X, Gen Muhoozi Kainerugaba wuxuu yiri: "Ma aaminsani saxaafadda xorta ah! Saxaafadda waa inay hagto kaadiriintii kacaanka."

    Kooxaha mucaaradka iyo xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Gen Kainerugaba inuu yahay shakhsi udub dhexaad u ah nidaam aad u caburin badan oo uu hoggaamiyo aabihiis.

    Taageerayaasha madaxweynaha iyo qoyskiisa ayaa sheegaya in la damaanad qaaday xasilloonida Uganda, dhaqaaluhuna uu soo hagaagay xilligii ay xukunka hayeen.

    Madaxweyne Museveni, oo 81 jir ah, waa hoggaamiye hore oo fallaago ah oo xukunka la wareegay qiyaastii 40 sano ka hor.

    Sii akhri:

  6. War deg deg ah, Iiraan oo u hiilisay Lubnaan iyo dalab ay u gudbisay Mareykanka

    Caraqji

    Xigashada Sawirka, irna

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Lubnaan iyo joojinta dhammaan howlgaladeeda militari ay yihiin shuruudo waajib ah oo ku xusan heshiiska ay wada gaareen Iiraan iyo Maraykanka.

    Caraqji, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq, ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay saldhig u yihiin guusha heshiis kasta oo looga golleeyahay in xasillooni waarta loogu soo dabaalo gobolka.

    Dhankiisa, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Ismail Baqaei, ayaa sheegay in Maraykanku ay waajib ku tahay inuu qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo hubiyo in Israa’iil ay joojiso howlgalladeeda militari ee ka socda Lubnaan.

    Isagoo la hadlayay warbaahinta, Baqaei wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida Lubnaan, xuduudaheeda, amniga iyo karaamada shacabka dalkaas.

    Wuxuu intaas ku daray in joojinta weerarrada Israa’iil ay ka waddo Lubnaan iyo ka bixitaanka ciidamadeeda dhammaan dhulka Lubnaan ee ay weli haysato ay yihiin shuruudaha aasaasiga ah ee lagu gaari karo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda gobolka.