Madaxweynihii hore ee Somaliland oo digniin u diray xukuumadda madaxweyne Cirro
Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku taliyay in laga fiirsado heshiisyada siyaasadeed ee la galayo, xilli ay caalamka ka dhacayaan isbedello siyaasadeed oo waaweyn.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa madaxweyne hore Muuse Biixi ku yiri: sidaan “Waxa muuqata saamaynta awoodda dawladaha Muslimka ah ee kala ah Iran, Pakistan, Turkiga, Masar iyo sucuudiga, Waxaana suurta gal ah in dawladahani sidii hore iskaga soo dhawaadaan, sababta oo ah is-maan-dhaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya hoggaanka Maraykanka iyo Israa’iil, oo aan la dhayalsan karin, raadkiisana yeelan doonaa”.
Wuxuu intaa ku daray in ay muhiim tahay in laga feejignaado waxa ka imaan kara heshiisyada siyaasadeed ee la galayo, isagoo si gaar ah xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay aad uga fiirsato waxa ka dhalan kara gelitaanka heshiisyada caalamiga ah si aaney wax ugu dhimin Somaliland, waxaana uu ku yiri qoraalkiisa:
“Sida darteed, waxa lagama maarmaan ah in si qoto dheer loo lafo-guro culayska iyo natiijada ka soo baxaysa heshiisyada iyo isbeddellada socda, si looga fogaado hubanti la’aan siyaasadeed. Sidaas awgeed, waxa la gudboon Dawladda, gaar ahaan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, inay si xeeldheer u daraasadayso saamaynta ka dhalan karta isbeddelladan caalamiga ah, si looga baaqsado il-duuf siyaasadeed oo wax u dhimi kara danaha Qaranka. Waxa kale oo muhiim ah in tallaabooyinka aynu hore u qaadnay iyo kuwa ina horyaalla la is waafajiyo, iyadoo lagu salaynayo danta Qaranka”.
Hadalka madaxweyne hore Muuse Biix, ayaa ku soo aadaya xilli madaxweyne Cirro uu maanta ku soo laabtay magaalada Hargeysa, kadib safar uu toddobaad ugu maqnaa Israa’iil.