TOOS, Maraykanka oo qaaday duqeymo cusub oo ka dhan ah Iiraan, iyadoo Trump uu ka digay aargoosiga dilki askarta Maraykanka

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inuu qaaday wareeg kale oo duqeymo ah oo ka dhan ah Iiraan, si "loo sii wiiqo" awooddeeda ay ku weerari karto maraakiibta maraysa Marin-biyoodka Hormuz.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Degdeg: Trump oo ku dhawaaqay weerar uu ku qaadayo goobaha Nukliyeerka Iiraan

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Donald Trump ayaa ku hanjabay in Maraykanku uu dhawaan bartilmaameedsan doono dhismaha dhulka hoostiisa ku yaalla ee Iran, kaas oo ku yaalla buurta Pickaxe Mountain.

    Isagoo ka jawaabayay su'aal ku saabsan in Iran ay suuragal tahay inay u wareejisay mashiinnadeeda kobciya yuraaniyamka gudaha xarunta Koh-e-Kalang, madaxweynaha Maraykanka ayaa yiri:

    "Way dhici kartaa inay sidaas sameeyeen... Ma hayno caddeyn dukumenti ah; waxa keliya ee aan maqalno waa wararka been-abuurka ah. Laakiin centrifuges aan lahayn walxo nukliyeer ah wax weyn ma tarayaan. Waxa aan daba joognaa waa walxaha nukliyeerka, waana arrinta ugu muhiimsan. Waan gaari doonnaa halkaas dhawaan, malaha si dhaqso leh. Caadi ahaan arrimahan ma sii shaacinayo. Haddii aan u malayn lahaa inay naga hor istaagi karaan, ma aanan sheegeen."

    Trump ayaa horey u sheegay in Maraykanku uu si dhow ula socdo xaruntan, isagoo ka digay inay noqon karto bartilmaameedka "weerar weyn."

    Buurta Kalang, oo sidoo kale loo yaqaan "Gazla Mountain," waxay qiyaastii laba kiiloomitir koonfur kaga taallaa xarunta nukliyeerka ee Natanz ee gobolka Isfahan, waxayna qiyaastii 220 kiiloomitir koonfur uga beegan tahay Tehran. Dhererka buurta Kalang ayaa lagu qiyaasaa ku dhowaad 1,608 mitir.

    Iran waxay sheegtay inay dhismahan u dhistay si uu u beddelo Xarunta Isku-Ururinta Centrifuges-ka Casriga ah ee Natanz, taas oo waxyeello soo gaartay sannadkii 2020, waxa ay ku tilmaantay "fal lagu waxyeelleynayay".

    Si kastaba ha ahaatee, qoto-dheeraanta marinada dhulka hoostiisa mara, baaxadda suuragalka ah ee dhismaha, iyo xaqiiqda ah in kormeerayaasha Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomiga (IAEA) aysan helin marin ay ku galaan, ayaa sii xoojiyay tuhunnada ah in xarunta Koh-e-Kalang laga yaabo inay leedahay wadiiqooyin kale.

  2. Shil naxdin leh oo badda ka dhacay iyo dad ku dhintay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 144 muhaajiriin iyo qaxooti ah la soo sheegay inay ku dhinteen ama la la’yahay xeebaha Mauritania toddobaadkii hore kadib shilal naxdin leh oo badda ka dhacay.

    Dadkan ayaa isku dayayay safarka halista badan ee uga imanaya Galbeedka Afrika kuna sii jeeda Jasiiradaha Canary ee Spain, kadibna Yurub inteeda kale.

    Ilaalada xeebaha Mauritania ayaa la sheegay inay badbaadiyeen ku dhowaad 40 qof oo saarnaa doon ay la socdeen qiyaastii 160 qof, taas oo dirtay qaylo-dhaan iyadoo qarka u saarnayd inay degto.

    Dadka la badbaadiyay waxaa ka mid ahaa muwaadiniin u dhashay Senegal, Gambia iyo Guinea.

  3. War deg deg ah, Dad ka ganacsada carruurta yaryar oo xukunno lagu riday

    .

    Xigashada Sawirka, BBC News Indonesia/Iqbal Kusumadireza

    Sagaal iyo toban qof ayaa dalka Indonesia lagu helay dambiga ka ganacsiga ugu yaraan 34 carruur ah oo dhallaan ah. Hoggaamiyaha kooxda, oo ah haweeney 70 jir ah oo lagu magacaabo Lie Siu Luan, ayaa lagu xukumay 7 sano oo xabsi ah, halka dadka kale lagu kala xukumay 3 ilaa 6 sano oo xabsi ah.

    Qaar ka mid ah dhallaanka ayaa loo qaaday Singapore, halka kuwo kalena lagu iibiyay Jakarta intii u dhaxaysay 2023 iyo 2025.

    Qaar ka mid ah carruurta waxaa la geeyay xarun agoomaha lagu xannaaneeyo, balse weli lama oga waxa ku dhici doona ama ay la kulmi karaan. Kiiskan ayaa iftiimiyay dhibaatada sii socota ee ka ganacsiga carruurta ee Indonesia, taas oo ay sii hurinayaan waalidiin aan doonayn ama aan awoodin inay korsadaan carruurtooda.

  4. War deg deg ah, Ruushka oo gantaallo ku riday meel u dhow dalka Ingiriiska iyo UK oo dhaqdhaqaaqyo bilowday

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Markab dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa sameeyay tijaabooyin lagu ridayay gantaallo isagoo ku sugan biyaha caalamiga ah, qiyaastii 74 kiiloomitir koonfur kaga beegan magaalada Plymouth ee UK, iyadoo Ciidanka Badda ee Britain ay si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqiisa.

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegay in markabka dagaalka ee HMS Tyne uu hoggaaminayay howlgalka kormeerka isla markaana uu weli si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqa markabka Ruushka.

    Markabka Ruushka ee Neustrashimy ayaa sidoo kale waxaa daba socday diyaarad militari oo Faransiis ah. Sida ay BBC-da ogaatay, diyaaradda ayaa idaacad ahaan ula xiriirtay markabka, iyadoo ka codsatay inuu caddeeyo waxa uu sameynayo.

    BBC-da ayaa sidoo kale sheegtay in ka hor inta uusan bilaabin tijaabada ridista gantaallada, Neustrashimy uu ku wargeliyay HMS Tyne inuu isu diyaarinayo tijaabada isla markaana uu ka codsaday inuu u dhaqaaqo meel ammaan ah. Ciidanka Badda ee Britain ayaa aqbalay codsigaas.

    Tijaabada ayaa ka dhacday biyaha caalamiga ah, waxayna socotay qiyaastii 30 daqiiqo.

    Dhacdadan ayaa timid saacado yar kaddib markii Andy Burnham loo dhaariyay xilka Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ingiriiska.

    Bishii hore, ciidamada gaarka ah ee Ciidanka Badda Britain ayaa gacanta ku dhigay markab shidaal oo Ruush ah oo ka waday hawlgallo marin-biyoodka English Channel, taasoo ahayd markii ugu horreysay ee milatarigu tallaabadan oo kale qaado.

    Sidoo kale bishii Juun, lamaane u dhashay Britain oo ku safrayay doon yar biyaha caalamiga ah ee u dhow Jasiiradda Isle of Wight ayaa la kulmay markabka dagaalka ee Ruushka Admiral Grigorovich. Markabka ayaa riday rasaas digniin ah, isagoo ku eedeeyay doontooda inay sameyneysay waxa uu ku tilmaamay "dhaqdhaqaaqyo halis ah", balse lamaanaha ayaa beeniyay eeddaas.

    Maraakiibta dagaalka ee Ruushka ayaa si joogto ah u mara biyaha caalamiga ah ee marin-biyoodka English Channel, halkaas oo ciidamada badda ee Britain ama Faransiiska ay si dhow ula socdaan ilaa ay ka baxayaan aagga.

  5. Kulan Iiraan iyo Pakistan dhexmaray oo la is waydiinayo sababta aan warkooda loo helin

    .

    Xigashada Sawirka, PMO

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Iran, Sikandar Momeni, ayaa Isniintii kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, magaalada Islamabad.

    Hase yeeshee, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan weli ma soo saarin wax war-saxaafadeed ah oo ku saabsan kulankaasi.

    Horaantii isla maalintaas, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Iran, Sikandar Momeni, ayaa la kulmay dhiggiisa Pakistan, Mohsin Naqvi, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay labada dal dan ka leeyihiin iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah.

    Waxaa xusid mudan in Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Iran uu Isniintii gaaray Pakistan isagoo ku jooga booqasho rasmi ah.

  6. War deg deg ah, Israa'iil oo Qasa ka gaysatay weerar dad ku dhinteen

    Saraakiisha caafimaadka ee Qasa ayaa sheegay in duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Magaalada Qasa ay ku dhinteen lix xubnood oo ka tirsanaa hal qoys.

    Weerarkan ayaa qayb ka ah duqeymo sii xoogeysanaya oo Israa’iil ka waddo dhulka Falastiin inkasta oo xabbad-joojin ay weli jirto.

    Israa’iil ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay dagaalyahan ka tirsan Xamaas, balse wax caddeyn ah ma aysan soo bandhigin. Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay weerarrada sii kordhaya, iyadoo sheegtay inay toddobaad gudihii dileen ku dhowaad 60 Falastiiniyiin ah.

    Hirgelinta wejiga xiga ee xabbad-joojinta ayaa sidoo kale caqabad ku noqotay diidmada Xamaas ee hub ka dhigista.

  7. War deg deg ah, Dowladda Kuweyt oo qiratay in xaruumo ah Iiraan ka wareertay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Dowladda Kuweyt ayaa xaqiijisay in warshaddeeda biyaha iyo xarunteeda korontada ay shalay bartilmaameedsatay Iran.

    Tani waa weerarkii afraad ee noocan ah muddo afar maalmood gudahood ah.

    Wasaaradda Korontada, Biyaha iyo Tamarta La Cusboonaysiin Karo ee Kuweyt ayaa bayaan ay ku daabacday baraha bulshada ee X ku sheegtay:

    "Iyada oo ay sii socoto gardarrada foosha xun ee Iran ee ka dhanka ah dowladda Kuweyt, dhowr xarumood oo koronto iyo warshado biyaha macaan ka dhiga ayaa la weeraray maalintii afraad oo xiriir ah, taasoo sababtay dab ka kacay qaar ka mid ah xarumahaas."

    Saacado ka hor, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran iyo ciidamada qalabka sida ee Iran ayaa sheegay inay mar kale beegsadeen saddex saldhig oo milatari oo Mareykanku ku leeyahay Kuweyt.

    Sida ku xusan qoraalkan, weerarradan ayaa dhacay kadib wareeggii tobnaad ee weerarrada Mareykanka uu ku qaaday Iran.

  8. War deg deg ah, Mareykanka oo Iiraan kala kulmaya weerarro khasaare badan gaustay

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in ku dhowaad 100 askari oo Mareykan ah ay ku dhaawacmeen weerarro lala xiriirinayo Iiraan labadii toddobaad ee la soo dhaafay, arrintaas oo muujinaysa sii xoogaysashada xiisadda u dhexeysa labada dal.

    Pentagon-ka ayaa sheegay in inta badan askartaasi ay ku dhaawacmeen weerarro ay fuliyeen kooxo ay Iiraan taageerto oo lagu qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe.

    Wasaaraddu ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heerka ama halista dhaawacyada.

    Saddex ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay weerarradaas.

    Dhanka kale, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay inay weerarro ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla Baxrayn, Kuweyd, iyo Urdun, kuwaas oo ay sheegeen in qaar ka mid ah ay sababeen dhimashada saddex askari oo Mareykan ah.

  9. War deg deg ah, Dowladda Qadar oo ka dacwootay Iiraan kana dalbatay magdhow

    Qadar

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dowladda Qadar ayaa warqad u dirtay Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ku eedaysay Iiraan weerarradii lagu qaaday dalkeeda isla markaana ka codsatay inay bixiso magdhowga dhammaan khasaaraha ka dhashay.

    Warqadahaas, Qadar waxay ku sheegtay in Iiraan ay 7-dii Luulyo weerartay markab shidaal oo ku sugnaa meel u dhow Marinka Hormuz, ka hor inta aysan gantaallo kale u soo ridin dalka 12-kii iyo 17-kii Luulyo.

    Mas'uuliyiinta Qadar ayaa sheegay in saddex qof, oo uu ku jiro hal cunug, ay ku dhaawacmeen weerarkii 12-kii Luulyo, kaddib markii burburka gantaallo qarxay uu ku dhacay xaafado ay dad rayid ahi deggan yihiin.

    Qadar waxay sheegtay in weerarradani ay yihiin xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo qarannimadeeda, isla markaana ay halis gelinayaan amniga iyo xasilloonida dalka.

    Dowladda Qadar ayaa sidoo kale ku celisay inaysan ka laba labeyn doonin qaadista tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo madaxbannaanideeda, amniga qaranka iyo muwaadiniinteeda.

    Dhankeeda, Iiraan ayaa sheegtay in weerarradeeda ka dhanka ah dalalka gobolka ay beegsanayaan saldhigyada ciidamada Maraykanka iyo ciidamadiisa ku sugan waddamadaas.

  10. War deg deg ah, Dad Afghanistaaniyiin ah oo lagu laayay xadka Iiraan xilli ay doonayeen in dalkaasi galaan

    Afghaanistan iyo Iiraan

    Xigashada Sawirka, SHAMSHAD TV

    Shan qof oo u dhashay Afgaanistaan oo isku dayay inay si sharci darro ah ugu gudbaan Iiraan iyagoo adeegsanaya waddooyinka tahriibka ayaa dhawaan meydadkooda laga helay meel saxare ah oo ku taalla gobolka koonfureed ee Nimroz, halka 14 kale weli la la'yahay, sida ay warbaahinta Afgaanistaan baahisay.

    "Mas'uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in kooxdan ay qorsheynaysay inay si sharci darro ah uga gudubto xadka Iiraan iyagoo maraya saxaraha gobollada Helmand iyo Nimroz," ayay qortay warbaahinta 2 Lo News 19-kii Luulyo. Shan ka mid ah ayaa u geeriyooday kulayl daran iyo biyo la'aan, halka kuwa kale weli la la'yahay.

    Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa tiri: "Musiibadan waa xusuusin murugo leh oo muujinaysa khasaaraha bani'aadannimo ee ka dhasha safarrada halista ah iyo kuwa sharci darrada ah. Waxay sidoo kale iftiiminaysaa baahida loo qabo in dadka la siiyo ilaalin iyo fursado wanaagsan si aan loogu qasbin inay naftooda khatar geliyaan."

    Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qaar ka mid ah meydadka oo yaalla ciidda saxaraha, halka kuwo kalena ay qayb ahaan ciiddu dabooshay.

    Warbaahinta Afghanistan International, oo xarunteedu tahay UK, ayaa sheegtay in "shaqo la'aanta, saboolnimada, xayiraadaha lagu soo rogay bixinta fiisooyinka Iiraan, iyo masaafurinta ballaaran ee qaxootiga Afgaanistaan ee ka imanaya Iiraan" ay yihiin arrimaha ku riixaya dhalinyarada inay adeegsadaan waddooyinka tahriibka.

    Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wakaaladda gaarka loo leeyahay ee Hasht-e-Bah, "dhibaatooyinka dhaqaale, caqabadaha siyaasadeed, iyo fursado la'aanta" ayaa ah sababaha ugu waaweyn ee ku kallifa muwaadiniinta Afgaanistaan inay tahriibaan, taasoo keenta in qaar ay doortaan waddooyin sharci darro ah oo aad u halis badan.

    Warbixintu waxay sidoo kale xustay in sannadihii u dambeeyay ay dad badan oo Afgaanistaan u dhashay ku dhinteen iyagoo isku dayaya inay si sharci darro ah ugu gudbaan Iiraan. Khataraha ugu waaweyn waxaa ka mid ah biyo la'aan, kuleyl aad u daran, marin-habowga saxaraha, iyo in tahriibiyeyaashu dadka kaga tagaan jidka. Waxaa intaas dheer in qaar ka mid ah Afgaanistaan ay dileen ilaalada xuduudaha Iiraan iyagoo isku dayaya inay si sharci darro ah dalka u galaan.

    Dhanka kale, Pakistan ayaa dib u billowday masaafurinta muwaadiniinta Afgaanistaan ee aan haysan dukumentiyo sharci ah, kaddib markii uu dhacay waqtigii kama dambaysta ahaa ee 10-kii Luulyo.

    Sidoo kale akhri

  11. War deg deg ah, Iiraan oo ku dhawaaqday in ay dishay askar Mareykan ah

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sheegtay in dhowr askari oo Maraykan ah lagu dilay weerarro ay ka fuliyeen deegaanka Rukban ee dalka Urdun.

    IRGC ayaa war-saxaafadeedkooda ku sheegay inay bartilmaameedsatay "xero hoy ah oo ay isticmaalaan ciidamada Maraykanka" oo ku taalla Rukban, intii lagu jiray " Hawlgalka Nusr 2", isla markaana ay ku dileen "askar badan" oo Maraykan ah.

    Dowladda Maraykanka weli kama aysan jawaabin sheegashadan.

    Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen ciidamada Maraykanka, 17-kii Luulyo, weerarro ay Iiraan ku qaaday gantaallo riddo dheer iyo diyaarado aan duuliye lahayn ayaa lagu dilay saddex askari oo Maraykan ah gudaha dalka Urdun.

  12. FIFA oo bilowday baaritaan ay ku sameyneyso fal ay sameeyeen Argentina

    Messi

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Messi

    Argentina ayaa wajahaysa baaritaan ku saabsan dhacdooyinkii foolxumaa ee ka dhacay dhammaadkii finalka Koobka Adduunka, sida ay xaqiijisay Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.

    Guddiga Anshaxa ee FIFA ayaa magacaabay dacwad-ooge si uu u qiimeeyo wixii dhacay kadib markii garsooruhu yeeriyay seeriga dhammaadka ciyaarta ka dhacday garoonka MetLife Stadium.

    Ciyaaryahan ama tababare kasta oo ku lug lahaa isku dhacaas ayaa wajihi kara ganaax ama ka maqnaansho ciyaaro, halka Xiriirka Kubadda Cagta Argentina (AFA) isna lagu ganaaxi karo.

    Kadib guuldarradii 1-0 ahayd ee Axaddii, xubno ka tirsan xulka Argentina iyo shaqaalaha farsamada ayaa waxay isku dhaceen ciyaartoyda Spain xilli ay bilaabeen dabaaldegga guusha Koobka Adduunka.

    Nahuel Molina, Leandro Paredes, Thiago Almada iyo kaaliyaha tababaraha Roberto Ayala ayaa dhammaantood loo muuqday inay ku lug lahaayeen dhacdada.

    Waxaa si khaldan loogu sheegay nidaamka macluumaadka faallooyinka FIFA in Paredes la siiyay kaarka cas oo uu garsoore Slavko Vincic ka saaray ciyaarta kadib markii uu qoorta qabtay ciyaaryahanka Spain, Eric Garcia.

    Markii seerigii ugu dambeeyay la yeeriyay New Jersey, qaar ka mid ah ciyaartoyda Argentina — oo uu ku jiray Lionel Messi — ayaa fariistay iyagoo niyad-jabsan.

    Qaar kale ayaa iska taagnaa, xilli ciyaartoyda Spain ay garoonka ku ordayeen iyagoo farxad iyo dabaaldeg ku jira.

    Rodri, oo la beddelay intii lagu jiray waqtigii dheeriga ahaa, ayaa ka soo orday kursiga keydka si uu ugu biiro saaxiibbadiis oo u dabaaldega guusha.

    Sidoo kale akhri

  13. Maxay tahay sababta dadka doobabka ah ay u shiiraan?

    Michal Bialozej)

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Michal Bialozej)

    Shiirka kasoo baxa jirkeena wuxuu faahfaahin ka bixin karaa xaaladda caafimaadka ee qofka, sida ogaanshaha cudurrada, tusaale ahaan qofka haddii uu carabkiisa ka dareemo macaan waxaa laga yaabaa in uu hayo daacuun calooleed halka qofka qabo cudurka macaanka uu urin karo sida tufaax quruntay.

    "Shiirka wuxuu sidoo kale daaha ka qaadi karaa macluumaadka ku saabsan cuntadeenna," ayuu yiri Mehmet Mahmut,oo ku takhasusay cilmi-nafsiga, udgoonka iyo shiirta kana tirsan Jaamacadda Macquarie, ee Australia.

    "Waxaa jira dhowr daraasadood oo tilmaamaya arrintani oo is burinaya, laakiin kooxdaydu waxay ogaatay in hilibka badan oo aad u isticmaashid ay ka dhigan tahay in aad u shiirto"

    Ragga waxay shiirta haweenka u arkaan mid udgoon oo soo jiidasho leh xilligga ay ku gudo jirto wareegga caadada, waana xilligga ay u badan tahay inay uur yeelato.

    Waxaa arrintani laga yaabaa inay caawin jirtay dadkii hore si ay u ogadaan haweenka taranka badan, sida uu soo jeediyay qoraaga.

    Waxaana sidoo kale laga yaabaa in hormuunka ragga ee testosterone uu sare u qaado karo shiirta haweenka.

    "Tani waa muhiim sababtoo ah waxay muujinaysaa in hidde-sideyaasha ay saameeyaan sida aan wax u urinno," ayay tiri Agnieszka Sorokowska, oo ku takhasustay cilmi-nafsiga iyo urta aadanaha kana tirsan Jaamacadda Wroclaw, Poland.

    Waxay hadalkeeda sii raacisay, "Sidaa darteed, waxaa laga yaabaa inaan awoodno inaan ogaano macluumaadka hidda-sidaha dadka kale, annaga oo ursaneyno iyaga."

    Daraasad kale oo isla arrimahan lagu sameeyay, dumar xaasas ah ayaa keenay funaanadaha ragga qaba kuwo kalena waxay keeneen funaanadaha nimanka shukaansada, kaddibna waxaa lagu dhex daray funaanado ay leeyihiin niman kale oo aan lasoo xulin.

  14. Iiraan oo codsi iyo farriin u dirtay dunida

    Mojtaba Khamanei

    Xigashada Sawirka, Tasnim news agency

    Qoraalka sawirka, Mojtaba Khamanei

    Iiraan ayaa ugu baaqday beesha caalamka in aysan u dulqaadan wax weerar ah oo lagu qaado xarumaha nukliyeerka ee loo isticmaalo ujeeddooyin nabadeed, iyadoo sheegtay in ilaalinta xarumahaas ay tahay mas’uuliyadda beesha caalamka oo dhan.

    Bayaan ay soo saartay Ergada Iiraan u qaabilsan Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA), ayay ku sheegtay in Mareykanku subaxnimadii 18-ka Luulyo uu gantaallo ku garaacay goobta dhismaha warshadda tamarta nukliyeerka ee Karun (Darkhovin).

    Bayaanku wuxuu xarunta ku tilmaamay “astaan muujinaysa sharafta iyo isku-filnaanshaha cilmiyeed ee shacabka Iiraan.”

    Waxay intaas ku dartay in inkastoo Iiraan ay diyaar u tahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ilaalinta danaha qarankeeda iyo xuquuqdeeda madaxbannaanida, haddana ka hortagga weerarrada lagu qaado xarumaha nukliyeerka ee hoos yimaada kormeerka IAEA ee loo adeegsado ujeeddooyin nabadeed ay tahay mas’uuliyad saaran beesha caalamka oo dhan.

    Dhanka kale, Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu weeraray dhowr goobood oo militari oo ku yaalla Iiraan, oo ay ku jiraan saldhigyada gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo hantida ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), balse ma uusan xusin xarunta Darkhovin.

    Dhankeeda, IAEA waxay sheegtay inay baarayso wararka sheegaya in warshadda tamarta nukliyeerka ee Darkhovin ee dhismaheedu socdo la weeraray, hase yeeshee weli ma aysan soo saarin warbixin madax-bannaan oo xaqiijinaysa waxa dhacay.

    Sidoo kale akhri

  15. Iiraan oo weerartay markab shidaal oo marayay Marinka Hormuz

    Markab maraya Hormuz

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Markab maraya Hormuz

    Iiraan ayaa weerartay markab shidaal oo marayay Marinka Hormuz, taas oo ku qasabtay shaqaalihii markabka inay ka baxsadaan, iyadoo uu weli socdo loollanka lagu doonayo in lagu xakameeyo marin-biyoodkaas.

    Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa sheegay inay sidoo kale weerareen goobaha difaaca cirka ee Maraykanku ku leeyahay Baxrayn iyo Kuweyt.

    Dhanka kale, ciidamada Maraykanka ayaa fuliyay habeenkii tobnaad oo xiriir ah weerarro cirka ah, kuwaas oo looga gol lahaa in lagu wiiqo awoodda Iiraan ee ay ku carqaladayn karto maraakiibta maraysa badda.

    Iyadoo dagaalladu sii xoogaysanayaan, dhexdhexaadiyeyaashu waxay laba jibaareen dadaallada lagu soo nooleynayo heshiiskii ku-meelgaarka ahaa ee nabadda ee la gaaray bishii hore.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Iiraan ayaa u safray Baakistaan si uu halkaas ugala yeesho wadahadallo.

    Sidoo kale akhri

  16. Lacagta la siiyay Argentina waa imisa?

    Messi

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Messi

    Spain ayaa si xarago leh ugu guuleysatay Koobka Adduunka. Laakiin dad badan ayaa isweydiinaya talow lacag intee le’eg ayay ka helayaan guushaas?

    Waxay sidoo kale gurigeeda ula laabatay in ka badan 51 milyan oo doollar. Taasina waa ka hor inta aan ciyaartoydu helin gunnooyinkooda.

    Kadib 120 daqiiqo oo aad u adkaa oo lagu ciyaaray garoonka MetLife Stadium, ayuu Ferran Torres ku ayaa noqday geesiga Spain isagoo dhaliyay daqiiqaddii 106-aad ee waqtiga dheeriga ahaa, isla markaana u horseeday Spain koobkeedii labaad ee Koobka Adduunka, 16 sano kadib guushii ay ka gaartay Koonfur Afrika sannadkii 2010.

    Koobka marka laga tago, Spain waxay gurigeeda ula laabatay in ka badan 51 milyan oo doollar. Xiriirka kubadda cagta Spain ayay FIFA akoon ugu shubaysaa lacagtaas oo ah tii ugu badnayd ee abid la siiyo waddan ku guuleysta Koobka Adduunka.

    Sannadkan, FIFA waxay sidoo kale soo bandhigtay abaalmarin cusub.

    Markii ugu horreysay taariikhda, ayaa la guddoonsiiyay faraanti ka sameysan dahab saafi ah oo 18 karat ah, laguna qurxiyay dheeman iyo dhagaxyo sayfar ah. Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa 30 ka mid ah faraantiyadan guddoonsiiyay ciyaartoyda iyo tababarayaasha Spain.

    Dhanka Argentina, guuldarradu waxay u ahayd mid aad u xanuun badan laakiin ay ku heleen abaalmarin dhan 34 milyan oo doollar oo kaalinta labaad ah.Lacagta

    England ayaa iyaduna kaalinta 3aad tartanka kusoo gabagabeysay si xarago leh. Waxay 6-4 kaga adkaatay France, taasoo ay ku heleen qiyaastii 30 milyan oo doollar, isla markaana noqotay natiijadoodii ugu fiicneyd ee Koobka Adduunka ay ka gaaraan tan iyo markii ay ku guuleysteen sanadkii 1966.

    Lacagta abaalmarinta ee laga heli karo Koobka Adduunka 2026 waa $871 milyan (£662 milyan), waana tii ugu badnayd abid.

    FIFA waxay markii hore ku dhawaaqday in wadarta lacagta abaalmarintu ay noqon doonto $727 milyan (£552 milyan), taas oo horeba u ahayd koror 50%, marka loo eego lacagtii la bixiyay tartankii Koobka Adduunka 2022 ee Qadar.

    Laakiin bishii Abriil waxay ansixiyeen kordhin kale oo lagu sameeyay wadarta lacagta, iyagoo kordhiyay lacagta aasaasiga ah ee ka qaybgalka iyo kharashka diyaar-garowga, taas oo wadarta gaadhsiisay lacagta cusub.

    Lacagta abaalmarinta waxa loo qaybiyaa abaalmarinno ku salaysan waxqabadka iyo taageero dhaqaale oo aan ku salaysnayn waxqabadka.

    Sidoo kale akhri

  17. Ku dhowaad 100 ciidamo Mareykanka ah oo lagu dhaawacay weerarada Iiraan

    Pntagon-ka ayaa warkan la wadaagay CBS

    Xigashada Sawirka, US Central Command

    Qoraalka sawirka, Pntagon-ka ayaa warkan la wadaagay CBS

    Saraakiil Maraykan ah ayaa u sheegay warbaahinta CBS oo ay bah-wadaag yihiin BBC-da, in ku dhowaad 100 askari oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ay dhaawacmeen ka dib weerarro dhowr ah oo dhinaca cirka ah oo ay Iiraan ku qaaday saldhigyada Maraykanka ee Bariga Dhexe bishan.

    Sean Parnell, oo ah afhayeen sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Maraykanka (Pentagon), ayaa xaqiijiyay tiradaas isagoo xogtan la wadaagay CBS News

    Wuxuu sheegay in ilaa 7-da Luulyo 2026, ku dhowaad 100 qof ay soo gaareen "heerar kala duwan oo dhaawacyo ah," halka 96% ka mid ah ay dib ugu laabteen shaqadoodii ciidamada.

    Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa yiri:

    "Waxay muujiyeen go'aan adag oo ay ugu laabanayaan howlaha ciidanka. Inta badan dhaawacyada soo gaarayna waxay ahaayeen gariir ama jug ka soo gaartay dhanka oo fudud.

    Dhaawacyadan ayaa la soo sheegay xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, kadib burburkii xabbad-joojin socotay bilooyin badan.

    Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay muddo 10 habeen oo xiriir ah weerarro ku hayeen bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan, iyagoo sheegay in ujeeddadu tahay in laga hortago weerarrada Iiraan ay ku beegsanayso maraakiibta ganacsiga.

    Dhankeeda, Iiraan ayaa weerarro ku qaaday saldhigyada Maraykanka ee ku yaalla Urdun, Kuweyt, Baxrayn, iyo dalal kale oo xulafo la ah Maraykanka oo ku yaalla gobolka.

    Sida ay sheegeen Pentagon-ka iyo hadallo laga soo xigtay Donald Trump, weerarradan ayaa ilaa hadda sababay ugu yaraan afar dhimasho.

    Sidoo kale akhri

  18. Dagaal dhex maray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Puntland

    Dagaal ayaa la sheegay inuu dhex maray labada dhinac

    Xigashada Sawirka, Ciidamada PSF

    Qoraalka sawirka, Ciidamada PSF

    Wararka ka imaanaya degmada Laag ayaa sheegaya inu halkaas iska hor imaad ku dhex maray ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Puntland.

    Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan la sheegay inay ka tirsan yihiin dowladda federaalka ay shalay ka soo baxeen magaalada Bosaaso, balse lagu hor istaagay degmada Laag, taas oo 30 kilomitir u jirta magaalada Bosaaso .

    Khasaare kooban ayaa ka dhashay iska hor imaadka dhex maray labada dhinac.

    Xogo aan ka helnay saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka Puntland ayaa sheegaya, in hal qof uu ku dhintay dhowr kalena ay ku dhaawacmeen dagalka isla markaana ay ciidamada Puntland la wareegeen gaadiidkii ay wateen ciidankaas federaalka oo ay ku safrayeen.

    Ciidamadan lagu hor istaagay Laag ayay wararku sheegayaan inay ku sii jeedeen magaalada Gaalkacyo, iyagoo ku safrayay wadada dheer ee isku xirta Bosaaso ilaa iyo Galkacyo.

    Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in ciidamadan ay ku jeedeen magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay doonayeen inay ka soo qaadaan saraakiil kale oo iyaga ka tirsan.

    BBC-du weli wx xog ah kama helin dhanka dowladda federaalka oo lagu xaqiijinayo dagaalkan dhacay.

    Weli waan la xiriireynaa dowladda, hadii aan jawaabtooda helno, waa idiin soo gudbin doonaa.

  19. Waa imisa lacagta la siiyo wadanka ku guuleysta Koobka Adduunka?

    Yamine iyo Messi

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Yamine iyo Messi

    Lacagta abaalmarinta ee laga heli karo Koobka Adduunka 2026 waa $871 milyan (£662 milyan), waana tii ugu badnayd abid.

    FIFA waxay markii hore ku dhawaaqday in wadarta lacagta abaalmarintu ay noqon doonto $727 milyan (£552 milyan), taas oo horeba u ahayd koror 50%, marka loo eego lacagtii la bixiyay tartankii Koobka Adduunka 2022 ee Qadar.

    Laakiin bishii Abriil waxay ansixiyeen kordhin kale oo lagu sameeyay wadarta lacagta, iyagoo kordhiyay lacagta aasaasiga ah ee ka qaybgalka iyo kharashka diyaar-garowga, taas oo wadarta gaadhsiisay lacagta cusub.

    Lacagta abaalmarinta waxa loo qaybiyaa abaalmarinno ku salaysan waxqabadka iyo taageero dhaqaale oo aan ku salaysnayn waxqabadka.

    Haddaba, sidee ayaa loo kala qaybiyaa abaalmarinnada?

    Abaal-gudka qaab ciyaareedka ku saleysan

    Kooxuhu mar kasta oo ay meel fog ka gaadhaan tartanka, waxay helayaan abaalmarin dhaqaale oo intaas ka badan.

    Fifa waxay kooxaha ku dhammaysanaya boos kasta u kala abaalmarin doontaa sidatan:

    • Guuleystayaasha (Koobka):$51m (£38m)
    • Kaalinta labaad:$34m (£25m)
    • Kaalinta 3-aad: $30m (£22m)
    • Kaalinta 4-aad:$28m (£20m)#
    • Kaalinta 5-aad ilaa 8-aad:$20m (£14m)
    • Kaalinta 9-aad ilaa 16-aad: $16m (£11m)
    • Kaalinta 17-aad ilaa 32-aad: $12m (£8m)
    • Kaalinta 33-aad ilaa 48-aad:$10m (£7m)

    Lacagahan la bixinayo waxay qayb ka yihiin $703m oo ka mid ah $871m oo si guud loo qoondeeyey sanduuqa abaalmarinta, iyadoo $168m (£152m) ee soo hartayna loo qaybin doono kooxaha iyado aan la fiirinayn qaab-ciyaareedkooda iyo natiijada ay keenaan.

  20. Israa’iil oo xarig ugu hanjabtay duqa New York

    Netanyahy iyo duqa magaalada New York, Zahran Mamdani,

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Netanyahy iyo duqa magaalada New York, Zahran Mamdani,

    Danjiraha Israa'iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon ayaa ka hadlay hadal uu dhawaan yiri duqa magaalada New York, Zohran Mamdani.

    Mamdani, ayaa dhawaan sheegay in talada ay ku jirto suurtagalnimada in la xiro Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, marka uu yimaado New York si uu uga qaybgalo shirka Qaramada Midoobay.

    Dony ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay isku day lagu marin habaabinayo dareenka shacabka, si looga jeediyo fashilka duqa magaalada.

    “Qofka ay tahay in la xiro ma aha Ra'iisul Wasaarahayaga; waa adiga, Mudane Mamdani. Haddaba aan arrinta si cad u sheego. Waa isla duqii magaaladaas oo komishinarkiisa isku dayay inuu la kulmo wakiilka Iiraan u jooga Qaramada Midoobay, xilli Maraykanku dagaal kula jiray isla nidaamkaas shar-wadayaasha. Nasiib wanaag, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa arrintaas joojisay.

    Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri:

    “Waa isla duqii magaaladaas oo u baroordiiqay xubin ka tirsanaa Xamaas, kuna tilmaamay saxafi rayid ah oo aan waxba galabsan. Waa isla duqii magaaladaas oo weli sii hurinaya naceybka ka dhanka ah Yuhuudda ee ka jira guud ahaan New York”.

    “Haddana waa isla duqii magaaladaas oo ku hanjabaya inuu xiro Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, isagoo adeegsanaya awood uusan lahayn. Ra'iisul Wasaare Netanyahu wuu iman doonaa New York, wuxuu ka hadli doonaa isla madashan. Wuxuu ku hadli doonaa magaca Dowladda Israa'iil. Wuxuu difaaci doonaa shacabka Israa'iil, mana jirto wax aad samayn karto oo aad uga hor istaagi karto”, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

    Duqa magaalada New York, Zahran Mamdani, ayaa sheegay in talada ay ku jirto suurtagalnimada in la xiro Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu marka uu yimaado New York si uu uga qaybgalo shirka Qaramada Midoobay.

    Isagoo Sabtidii ka hadlayay barnaamijka 'podcast'-gaa ee wargeyska The New York Times, Mamdani wuxuu sheegay in xafiiskiisu uu eegayo tallaabooyin suurtagal ah oo lagu xiri karo "dambiilaha dagaalka" marka uu yimaado magaalada New York bisha Sebtembar.

    Mamdani wuxuu ballan-qaadkan sameeyay xilligii ololihiisa doorashada.

    Sidoo kale akhri