You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, CBS: Maraykanka oo isku diyaarinaya weerar cusub oo suurtagal ah oo lagu qaado Iran

Warbaahinta CBS News ayaa werisay in Mareykanka uu isu ay isku diyaarinayso wareeg cusub oo weerarro militari ah oo ka dhan ah Iran, iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ay weli socdaan.

Tebin toos ah

  1. Ebola:Astaamaha lagu garto cudurka halista ah ee Ebola

    Cudurka Ebola ayaa ka dilaacay dalka Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee congo.

    Ilaa hadda dad badan ayaa u dhintay xanuunka.

    Maxaa ka mid ah calaamadaha lagu garto?

    Haddaba astaamaha cudurka, sida uu u faafo iyo qaababka ugu habboon ee looga hortagi karo ayaan ka wareysannay Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) oo khabiir ku ah cudurrada faafa.

    Dhaqtarka ayaa sheegay inuu Ebola ku billowdo qaab hargabka oo kale ah, qandho, murqo-xanuun, dhuun-xanuun, lafo-xanuun iyo jajab badan. Laakiin kaddib wuxuu yeeshaa calaamado qoyaan leh.

    Qofka uu cudurku ku dhaco waxaa lagu arkaa matag iyo shuban badan, indhuhu way gaduudanayaan, dhuun-xanuunku wuu sii badanayaa. Mararka qaarna dhiig-bax badan ayaa imaanaya, sida uu tilmaamay Dr Fuje.

    “Waa cudur dilaa ah oo sidaas u faafa oo dadkii dadka la joogayna ay qaadi karaan, shaqaalihii u adeegayay oo u shaqeynayay haddii dhiiggii iyo dheecaankii iyo candhuuftii iyo wixii ay gaaraan, waxaa weeye cudur dadkii ku dhacaya,” ayuu yiri.

  2. Koobka adduunka: Wadamadee ku guuleystay Koobka Adduunka tan iyo markii la bilaabay?

    Tan iyo markii la aas-aasay Koobka adduunka (FIFA World Cup) sanadkii 1930, kaliya siddeed dal ayaa ku guuleystay inay magacooda ku qoraan liiska ku guuleystayaasha tartanka kubadda cagta ee ugu sharafta badan dunida.

    Uruguay, oo ahayd dalka martigeliyay tartankii ugu horreeyay sanadkii 1930, ayaa taariikh sameeyay markii ay noqotay xulkii ugu horreyay ee ku guuleysata koobka adduunka ee ugu caansan caalamka.

    Argentina ayaa ku guuleysatay koobkii ugu dambeeyay ee adduunka ee lagu qabtay Qatar sanadkii 2022, kadib markii ay ka adkaatay France final aad u xiiso badnaa, taasoo soo afjartay 36 sano oo ay ka maqnaayeen hanashada koobka adduunka.

    Intii u dhexeysay labadaas tartan oo ay kala fogeeyeen 92 sano, kaliya siddeed dal ayaa magacooda ku qoray liiska ku guuleystayaasha FIFA ee koobka adduunka.

    Brazil ayaa haysa rikoodhka guulaha ugu badan, iyadoo ku guuleysatay koobka adduunka 5 jeer.

    Waxaa koobka adduunka ku guuleystay tan iyo intii la bilaabay dalalka hoos ku xusan.

    • Brazil — 5 mar (1958, 1962, 1970, 1994, 2002)
    • Jarmalka— 4 mar (1954, 1974, 1990, 2014)
    • Taliyaaniga — 4 mar (1934, 1938, 1982, 2006)
    • Argentina — 3 jeer (1978, 1986, 2022)
    • Fransiiska — 2 mar (1998, 2018)
    • Uruguay — 2 mar (1930, 1950)
    • Spain — 1 mar (2010)
    • England — 1 mar (1966)
  3. ciidamada Israa’iil oo amar ku bixiyay in dadka ay baneeyaan laba aag oo ku yaalla magaalada Tire ee dalka Lubnaan

    Ciidanka Israel ayaa soo saaray “amar daad-gureyn” ah oo loogu talagalay dadka deggan laba goobood oo ku yaalla magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan.

    Afhayeenka Carabiga ku hadla ee ciidanka Israel ayaa qoraal uu ku daabacay akoonka ciidanka ee X ku sheegay in dadka ku nool labada dhisme iyo agagaarkooda ay si degdeg ah uga baxaan, isagoo sheegay in howlgalka ciidamada Israel uu dhawaan bilaaban doono.

    Mid ka mid ah dhismayaasha ay ciidamada Israel amar ku bixiyeen in la daad-gureeyo wuxuu ku yaallaa meel aad u mashquul badan oo ka tirsan magaalada Tyre.

    Israel waxay sheegtay in Xisbullah ay labada dhisme u isticmaasho hawlo militari.

    Inkasta oo ay jirto xabbad-joojin u dhexeysa Israel iyo Lubnaan, haddana magaalada Tyre ayaa marar badan bartilmaameed u noqotay duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel.

    Ugu yaraan sagaal qof ayaa maanta lagu dilay duqeymo ay Israel ka geysatay magaalada Tyre.

    Dhanka kale, Xisbullah ayaa weerar drone ah ku qaaday waqooyiga Israel, balse ilaa hadda lama shaacin wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkaasi.

  4. Qarax ka dhacay New York goob lagu dayactiro maraakiibta iyo khasaaro ak dhashay

    Hal qof ayaa dhintay, halka 36 kale ay ku dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay goob dayactirka maraakiibtaee Staten Island, magaalada New York.

    Saraakiishu waxay sheegeen in qaraxu dhacay maalintii Jimcaha xilli dab-demiska ay goobta ku sugnaayeen, iyagoo la tacaalayay dabka isla markaana isku dayayay inay badbaadiyaan laba qof oo ku xannibnaa gudaha.

    Laba ka mid ah shaqaalaha dab-demiska ayaa sidoo kale la dhigay isbitaal, oo uu ku jiro kormeere waaxda dab-demiska ah oo soo gaaray dhaawac madaxa ah , waxaana lagu xiray qalabka neefsashada, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in mid ka mid ah shaqaalaha dab-damiska uu weli ku jiro xaalad halis ah, balse ay muuqdaan calaamado muujinaya inuu soo kabanayo.

  5. CBS: Maraykanka oo isku diyaarinaya weerar cusub oo suurtagal ah oo lagu qaado Iran

    Warbaahinta CBS News ayaa werisay in Mareykanka ay isku diyaarinayso wareeg cusub oo weerarro militari ah oo ka dhan ah Iran, iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ay weli socdaan.

    Horey, shabakadda wararka Axios ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa laba sarkaal oo Mareykan ah, in Donald Trump uu kulan la yeeshay xubno sare oo ka tirsan kooxdiisa amniga qaranka si ay si dhab ah uga wada hadlaan suurtagalnimada weerarro cusub oo lagu qaado Iran haddii wadaxaajoodyadu fashilmaan.

    Isla waqtigaas, Taliyaha Ciidanka Pakistan Asim Munir iyo wafdi ka socda Qatar ayaa dadaal xooggan ka wada Tehran si loo yareeyo khilaafaadka loogana hortago dagaal cusub.