Waa sidee nolosha tobanka waddan ee ugu amniga badan adduunka?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waxaa jira dagaaloka socda adduunka wakhti kasta ilaa dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka. Hadaba maxay yihiin arrimaha dalalka qaar ka dhigaya kuwa nabadiyo dulqaad leh?

Dunidu waxa ay noqotay mid ka amaan yar sidii ay ahayd sanadkii hore, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambaysay ee Global Peace Index. Heerka guud ee nabada ayaa hoos u dhacday 99 waddan, taas oo muujinaysa sannadkii 12aad ee hoos u dhaca nabadda adduunka. Hase yeeshee, iyadoo sawirkan sii xumaanayo, koox yar oo waddamo ah ayaa weli ka duwan adduunka intiisa kale .

"Marka laga yimaado hoos u dhacan masiibada ah, haddana waxa ay saameyn yar ku yeelatay dalalka ugu sarreeya liiska," ayuu yiri Steve Killia, aasaasaha iyo agaasimaha fulinta ee Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda, kaas oo la abuuray 2007.

Tilmaan-bixintan ayaa lagu qiimeeyay 163 waddan oo lagu saleeyay 23 shuruudood, oo u ay ka mid yihiin kharashaadka ciidamada ay ku bixiyaan dalalku iyo iskahorimaadyada socda ilaa heerka dilalka iyo aragtida dadwaynaha ee amniga. Waddamada ugu waxqabadka wanaagsan waxay caadi ahaan bixiyaan isku darka rabshado hooseeya, machadyo wax ku ool ah, kalsooni sare oo bulsho, xiriir wanaagsan oo lala yeesho deriska, iyo nolol tayo sare leh.

Waxaan kala hadalnay dadka degan shanta wadan ee aduunka ugu nabdoon si aan u ogaano sida uu amaankani uga turjumayo nolol maalmeedka, arrimaha ka caawinaya in la joogteeyo, iyo sida dadka safarka ah ay u heli karaan qaar ka mid ah nabad iyo xasilooni.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tobanka waddan ee ugu sarreeya dhanka nabadda

1. Iceland

2. New Zealand

3. Switzerland

4. Slovenia

5. Ireland

6. Austria

7. Portugal

8. Singapore

9. Finland

10. Japan

1.Iceland

1.Iceland

Iceland ayaa tan iyo 2008-dii ku jirtay kaalinta kowaad, waxayna weli tahay waddanka ugu ammaanka badan adduunka sannadkii 19-aad oo xiriir ah.

Dalka ayaa horumaray boqolkiiba laba sannadkii 2026, sababta oo ah hoos u dhac weyn oo ku yimid mudaaharaadyada rabshadaha wata, waxana uu weli ku socdaa darajo sare marka loo eego amniga, heerarka hoose ee iskahorimaadyada, iyo ciidamo ku tiisanaanta xaddidan.

"Nabadda Iceland meelkasta ayaad ka dareemi kartaa," ayuu yiri Udni Arnarsdottir, madaxweynaha Visit Iceland. "Waa doorasho miyir qabta, oo salka ku haysa qaabka bulsheed ee isku xiran ee dadka."

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

2. New Zealand

New Zealand, oo kaalinta saddexaad soo gashay sanadkii 2025 ayaa sanadkaan joogta booska labaad, waa dalka ugu ammaanka badan gobolka Aasiya-Pacific, waxayna leedahay dhibcaha ugu hooseeya ee colaadaha ka socda gobolka. Inta badan horumarkan waxaa sabab u ah hoos u dhaca hubka la soo dejiyo, waddankuna wuxuu weli yahay mid ka mid ah kuwa ugu nabdoon uguna militariga yar adduunka.

Warwick Woodley, oo ah muwaadin New Zealand ah, aasaasaha shirkadda Against Golden Visa, ayaa sheegay in xasilloonidani inteeda badan ay hoos ugu dhacday juquraafiga dalka awgiis.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

3. Switzerland

Switzerland oo sanadkii hore kaalinta 5-aad gashay ayaa kaalinta 3-aad sanadka 2026-ka ku jirta iyada oo weli ah mid ka mid ah dalalka ugu ammaanka badan caalamka, waxaana ka jira dambiyo yar yar iyo siyaasad dhex dhexaadnimo oo milateri oo soo jireen ah.

"Dadka halkan jooga waxay u muuqdaan inay leeyihiin adkeysi bulsho," ayay tiri qoraaga fadhigeedu yahay Geneva Cornelia Chou. "Taasi waxay abuurtaa dareen kalsooni ah. Kalsoonida ah in dadku ay guud ahaan sameynayaan wax sax ah iyo in nolol maalmeedka ay u socoto sidii la rabay."

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

4.Slovenia

Slovenia ayaa markii ugu horeysay gashay shanta wadan ee ugu sareysa liiskan, waxaana waxqabadkeeda xoogan uu ku saleysan yahay kharashaadka ciidamada oo hooseeya iyo heerka sare ee amniga iyo badbaadada.

"Slovenia waxay qiimeeyaan bulshada waxayna waqti badan ku qaataan dabeecadda, taas oo aan aaminsanahay inay abuurto dareen nabadeed iyo xasillooni gudaha ah," ayuu yiri Jernija Zur, oo ku nool Ljubljana, ahna agaasimaha hawlgallada Bariga Yurub ee Socdaalka Intrepid.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

5. Ireland

Ireland, oo ku jirta kaalinta shanaad, ayaa aad u dhibco badan sababtoo ah heerarkeeda rabshadaha hooseeya iyo ku lug lahaanshaha xaddidan ee iskahorimaadyada caalamiga ah.

Waddan uu soo maray qalalaase xooggan, dareenkan ammaanku maaha wax la iska qaato. "Waaya-aragnimada taariikhiga ah ee Ireland qaran ahaan waxay ka dhigtay dadkeeda inay si qoto dheer uga warqabaan khatarta ay leedahay nacaybka iyo muhiimada deeqsinimada iyo soo dhaweynta dadka kale," ayuu yiri Didi Ronan, oo ah aasaasaha huteelka Native Hotel ee West Cork.

Didi Ronan wuxuu raadraacaa dhaqankan martigelinta dalka iyo sharciyada Barhún, kaa oo lagu dhaqayya Ireland in badan oo ka mid ah waqtiyadii hore, kuwaa oo ahaa bixinta cunto iyo hoyla siiyo shisheeyaha iyo socotada. "Waxay ku jirtaa DNA-dayada," ayuu yiri.