Sida midabbada marada Kacbada ay isu beddeleen sanadihii la soo dhaafay

Xigashada Sawirka, X/The Holy Mosques
Beddelka sanadlaha ah ee kiswada Kacbada ayaa la qabtay shalay Isniintii, 15 Juun 2026, taasoo ku beegnayd bisha koowaad ee sannadka Hijriga, Muxarram.
Sanadihii hore, kiswada Kacbada waxaa la beddeli jiray 10-ka bisha Dhul-Xijjah, oo ku beegan maalinta Ciidda Carafo (Ciidda Adxaa). Hase yeeshee, sannadihii u dambeeyay waxaa loo wareejiyay maalinta koowaad ee Muxarram, oo ah bisha ugu horreysa ee taariikhda Islaamka.
Ka hor inta aan la beddelin kiswada, waxaa hareeraha Kacbada laga sameeyaa xayndaab si dadka aysan u gaari darbiyada dhismaha. Kadibna koox shaqaale ah ayaa si taxaddar leh uga fura kiswadii hore, una laablaaba si aad u taxaddar badan.
Tani waxay fursad u siisaa in kiswada cusub loo suro si nidaamsan oo taxaddar leh.
Hawsha beddelka kiswada waxaa loo fuliyaa si xirfad sare leh, iyadoo kiswadii hore looga qaadayo qayb qayb, kadibna kiswada cusub kor loogu jiido Kacbada oo si habsami leh loogu fidiyo.
Malaayiin qof ayaa daawada habka loo fuliyo hawshan sanad kasta.
Maalmahan, kiswada Kacbadu badanaa waa maro madow ah oo lagu qurxiyo xariir iyo xarfo dahab ah.
Laakiin ma ogtahay in midabka kiswada Kacbada la beddelay marar badan intii ay taariikhdu socotay?
Midabka cas

Xigashada Sawirka, X/The Holy Mosques
Ka hor imaanshihii Nebi Maxamed (NNKH), kiswada Kacbadu waxay ahayd midab cas. Waxaa laga samayn jiray maro tayo sare leh oo laga keeni jiray dalka Yemen.
Waqtigaas, maradaas waxaa loo aqoonsanaa inay ahayd tan ugu tayada wanaagsan guud ahaan dhulka Carabta.
Midabka cad

Xigashada Sawirka, X/The Holy Mosques
Hase yeeshee, ka dib imaanshihii Nebiga, midabka kiswada Kacbada waxaa loo beddelay caddaan.
Kiswada waxaa laga samayn jiray maro tayo sare leh oo laga keeni jiray Masar, taas oo ay toli jireen Qibdiyiintii (dadkii reer Masar ee xilligaas), waxaana ay maradaasi ahayd mid aad loo yaqaannay waqtigaas.
Maradan cad ayaa loo isticmaali jiray kiswada Kacbada laga bilaabo sannadkii koowaad ilaa sannadkii 11-aad ee Hijriga.
Midabka cagaaran iyo kan cad
Waxaa la sii waday isticmaalka kiswo cad oo lagu daboolo Kacbada sannado badan, kaddibna waxaa lagu daray midabka cagaaran.
Midabkan ayaa la adeegsan jiray xilligii Khulafadii ka dambaysay Nabiga iyo sidoo kale xilligii Khaliifadii Umayyad.
Arrintani waxay jirtay laga bilaabo sannadkii 11-aad ilaa sannadkii 132-aad ee Hijriga.
Si kastaba ha ahaatee, midabka cagaaran ayaa sii ahaanayay mid loo isticmaalo kiswada Kacbada ilaa sannadkii 198-aad ee Hijriga.
Midabka madow – dahab

Xigashada Sawirka, X/The Holy Mosques
Midabka madow waa midabka kiswada Kacbada ee ugu dambeeyay ee la isticmaalo, waxaana la adeegsanayay in ka badan 1200 sano.
Isticmaalka midabkan ayaa bilaabmay sannadkii 206 Hijri, wuxuuna socday ilaa maanta (1447 Hijri).
Sannadkii 648 Hijri, waxaa si rasmi ah loo sii xoojiyay isticmaalka midabka madow, iyadoo kiswada lagu qurxiyay qoraallo midab dahab ah leh.
Tan iyo markaas, kiswada Kacbada waxaa lagu sii qurxinayay xargo xariir ah oo dahab ah, sida ay maanta tahay.
Yaa hadda soo saara kiswada Kacbada?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laga bilaabo 1962, Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah ula wareegtay mas'uuliyadda samaynta kiswada Kacbada iyo dhammaan adeegyada la xiriira.
Xilligii dawladdii Umayyad, kiswada waxaa lagu toli jiray dalka Suuriya, kadibna sanad kasta ayaa loo diri jiray Makkah.
Dabadeed, Masar ayaa la wareegtay samaynta kiswada, taas oo ay aad ugu faani jirtay.
Sanadkii 1926, Boqor Abdulaziz oo aasaasay boqortooyada Al Saud ayaa amray in la dhiso warshad kiswada oo ku taal Qaahira.
Sanadkii 1927, wuxuu sidoo kale amray in guri gaar ah laga sameeyo agagaarka Xaramka Makkah si kiswada loogu tolo gudaha dalka Sacuudiga—taasoo ahayd markii ugu horreysay ee kiswada lagu sameeyo gudaha Sacuudiga.
Masar ayaa joojisay tolliinka kiswada sababo la xiriira khilaaf siyaasadeed oo kala dhexeeyay Sacuudiga, taasoo keentay in Sacuudigu si buuxda ula wareego shaqada.
Sanadkii 1965, waxaa la bilaabay isticmaalka mashiinnada casriga ah ee lagu tolo kiswada Kacbada. Sannadkii 1972, Boqor Faisal bin Abdulaziz ayaa amray in la dhiso warshad gaar ah oo rasmi ah oo kiswada lagu sameeyo.
Sanadkii 2017, Salman bin Abdulaziz Al Saud ayaa amray in gebi ahaanba la cusboonaysiiyo mashiinnadii loo adeegsan jiray tolliinka kiswada Kacbada, iyadoo la geliyay qalab casri ah.
Warar qaar ayaa sheegaya in warshadda kiswadu ay tahay mid ka mid ah warshadaha dharka ee ugu weyn uguna casrisan caalamka.
In ka badan 200 oo khubarro ah oo ka kala yimid dalal kala duwan ayaa ka shaqeeya warshaddan, waxayna ku qaadataa ku dhowaad hal sano in la sameeyo kiswad keliya, taasoo loo arko inay ka mid tahay dharka ugu qaalisan dunida.
Waxaa lagu qiyaasaa in lagu bixiyo ku dhawaad lix milyan oo doollar si loo soo saaro kiswada Kacbada.
Kacbada marada laga saaray maxaa lagu sameeyaa?
Maradda Kacbada laga soo saaro ayaa sanad walba la geeyaa bakhaar ay leedahay dowladda Sacuudiga, halkaasoo lagu keydiyo si aysan u wasakheyn bakteeriyada ama kiimikooyinka.
Halkaa marka ay marayso, waxaa marada loo kala qaybiyaa dhawr qaybood, waxaana loo qaybiyaa madaxda caalamka ee booqanaysa Sucuudiga.
Waxaa kale oo loo diraa dalalka iyo safaaradaha Sucuudiga.
Maqaalkan waxa laga soo ururiyey xogta ku jirta mareegta Masjidka Xaramka.















