Pakistan oo dhamaystirtay 3.45 bilyan oo dollar oo ay dib ugu celinayso Imaaraadka iyo Sacuudiga oo bad-baadiyay Pakistan

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Bangiga Dhexe ee Pakistan ayaa sheegay in la dhammeystiray habkii lagu celinayay $3.45 bilyan oo dib loogu celinaay Imaaraadka Carabta.
Farriin uu ku daabacay barta X maalintii Jimcaha, Bangiga Dhexe ee Pakistan wuxuu sheegay in $1 bilyan kale la siiyay Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi 23-kii Abriil, halka $2.45 bilyan la bixiyay usbuucii hore.
Lacagtan, Imaaraadku wuxuu $2 bilyan ku shubay kaydka lacagaha qalaad ee Pakistan. Intaa waxaa dheer, Imaaraadku wuxuu Pakistan siiyay amaah dhan $1.5 bilyan, taas oo $450 milyan ka mid ah la siiyay Pakistan sanadihii 1990-meeyadii. Sidaas darteed, Pakistan waxay Imaaraadka ku lahayd deyn guud ahaan ku dhow $3.5 bilyan.
Horraantii April, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa ku dhawaaqday in lacagta loo celiyay Imaaraadka, iyadoo ku tilmaamtay "howl maaliyadeed oo caadi ah."
Si loo bixiyo lacagtan, Pakistan waxay ka heshay kaalmo maaliyadeed Sacuudi Carabiya, iyadoo Wasaaradda Maaliyadda Sacuudigu ay Pakistan siisay lacag dhan saddex bilyan oo doollar Maraykan ah.
Sida uu sheegay Bangiga Dhexe ee Pakistan, $2 bilyan ayaa oo lacagtan la xiriirta ayay heleen 15-ka April 2026, halka $1 bilyan oo kale la helay 20-ka April.
Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in ka dib marka ay lacagahaasi ka heleen sacuudiga ay iska bixiyeen lacagihii ay Imaaraada ku lahaayeen oo dhan $3 bilyan si loo xoojiyo kaydka lacagaha qalaad.
Intii lagu guda jiray shir jaraa'id oo ka dhacay Washington, DC, Wasiirka Maaliyadda Federaalka, Senator Muhammad Aurangzeb, ayaa xaqiijiyay in Sacuudi Carabiya ay ballanqaadday inay Pakistan siiso $3 bilyan oo kaleoo lagu soo shubayo bangiga dhexe, kuwaas oo la filayo in la bixiyo toddobaadka soo socda.

Xigashada Sawirka, Reuters
Bixinta deynta Imaaraadka iyo cadaadiska Pakistan ee kaydka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida laga soo xigtay xogta Bangiga Dhexe ee Pakistan, ilaa 3-da April 2026, kaydka lacagaha qalaad ee Pakistan wuxuu gaarayay ku dhowaad $21 bilyan, kuwaas oo $16 bilyan ay hayaan Bangiga Dhexe ee Pakistan, halka $5 bilyan ay hayaan bangiyada ganacsiga.
$16 bilyan ee uu hayo bangiga dhexe, $12 bilyan oo ka mid ah waa lacago ka yimid Shiinaha, Sacuudi Carabiya, iyo Imaaraadka Carabta si loo ilaaliyo xasilloonida kaydka lacagaha qalaad ee Pakistan.
Wariye Shahbaz Rana ayaa sheegay in muhiimada helitaanka amaahda $3 bilyan ee Sacuudi Carabiya lagu qiyaasi karo in haddii aan la helin, ay jiri lahayd dhibaato weyn oo ku timaadda helitaanka oggolaanshaha qaybta xigta ee amaahda hay'adda dhaqaalaha adunka IMF.
Isagoo la hadlayay BBC Urdu, wuxuu sheegay in dhibaatadu ay timid sababtoo ah Imaaraadka, oo ballanqaaday IMF in uusan kala bixi doonin $3.5 bilyan ee ay ku shubeen Bangiga Dhexe ee Pakistan ka hor Sebtembar 2027.
Sacuudi Carabiya ayaa Pakistan siisay lacag si ay u buuxiso farqigaas ku yimid lacagta keydka ee ay bangiga dhexe ee Pakistan kala laabteen Pakistan .
Shahbaz Rana wuxuu sheegay in ka dib lacagaha ay ku soo shubeen Sacuudiga, ay meesha ka saarayso walaacyadii ahaa in Pakistan uu qal-qal dhaqaale ku yimaado taasi oo culays dheeraad ah saari lahayd lacagta Pakistaan ee ruubiga.
Wuxuu sheegay in Pakistan ay ku qasbanaatay inay bixiso guud ahaan qiyaastii $5 bilyan bishan, oo ay ku jirto $1.3 bilyan oo ah ay ku bixinayso Eurobond.
Sida uu sheegay, "Dib u celinta $3.5 bilyan ee Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale bilaabatay. $450 milyan ayaa la celiyay, halka $2 bilyan oo kale la celinayo toddobaadkan."
Pakistan waxay ka mid tahay dalalka ugu saameynta badan colaadda Bariga Dhexe, maadaama dalka uu ka helo qiyaastii 90% tamartiisa uuna ka soo dhoofsado gobolka. Islamabad ayaa sidoo kale martigelisay wadahadallo nabadeed oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.
Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa Talaadadii sheegtay in colaadda Bariga Dhexe ay saameyn ku yeelan karto xaaladda dhaqaale ee Pakistan.
IMF waxay hoos u dhigtay saadaasha kobaca dhaqaalaha Pakistan ee sannadka maaliyadeed ee soo socda ilaa 3.5%, halka sicir-bararka dalka la filayo inuu gaaro 8.4%.










