Afrika ma waxay dhiseysaa isku filnaansho dhaqaale oo mustaqbalka ah?

Xigashada Sawirka, PM Abiy Ahmed/FB, Getty Images, and Dr.Marit’s LinkedIn
Laga soo bilaabo warshad cusub oo dahabka lagu sifeeyo oo laga dhisay Itoobiya ilaa mashruuc warshad weyn oo shidaalka sifaysa oo balaayiin doollar ku kacaya, kaas oo laga qorsheynayo Kenya, dalal Afrikaan ah oo sii kordhaya ayaa isku dayaya inay kharashaad dheeraad ah ka helaan kheyraadkooda dabiiciga ah, iyaga oo gudaha dalalkooda ku farsamaynaya halkii ay ceeriin ahaan u dhoofin lahaayeen.
Isbeddelkan ayaa qayb ka ah dadaal ballaaran oo qaaradda ka socda, kaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo warshadaha gudaha, lagu abuuro shaqooyin, laguna yareeyo ku tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga soo dhoofiyo ee laga sameeyo kheyraadka Afrika.
Itoobiya, warshad lagu sifeeyo dahabka oo ku kacday in ka badan 50 milyan oo doollar ayaa la filayaa inay dalka u suurageliso inuu dahabkiisa gudaha ku sifeeyo, dabadeedna badeecado qiimahoodu sarreeyo u dhoofiyo suuqyada caalamka.
Dowladdu waxay sidoo kale iskaashi ay la leedahay bilyaneerka reer Nigeria ee Aliko Dangote ku horumarinaysaa warshad soo saarta bacriminta beeraha, halka dhismaha dhuun shidaal oo isku xiri doonta Itoobiya iyo Jabuuti uu isaguna billowday.
Mashruuca dhuunta shidaalka oo qiimihiisu ka badan yahay 660 milyan oo doollar ayaa la filayaa inuu fududeeyo gaadiidka shidaalka laga soo qaado dekedda Jabuuti lana geeyo gudaha Itoobiya.
Dhanka kale, Kenya waxay waddaa qorshe lagu dhisayo warshad weyn oo sifaysa shidaalka, taas oo la filayo inay noqoto tii ugu horreysay ee noocaas ah ee Bariga Afrika, iyadoo kharashkeeda lagu qiyaasay ku dhowaad 16 bilyan oo doollar.
Marka la isku daro, mashaariicdani waxay muujinayaan isbeddel sii xoogaysanaya oo ka socda Afrika, iyadoo dowladaha iyo maalgashadayaashu ay sii eegayaan wax ka baxsan soo saarista kheyraadka, iyaga oo diiradda saaraya farsamaynta, wax-soo-saarka iyo horumarinta warshadaha.
"Afrika waa inay mustaqbalkeeda iyadu dhisataa"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ma badna hoggaamiyeyaasha ganacsiga ee sida dhow loola xiriiriyo himiladan sida Aliko Dangote.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Ma dhisi karno Afrika weyn haddii aan ku tiirsanaanno kuwa kale," ayuu yiri Dangote.
"Qof ka baxsan Afrika ma iman karo oo nooma dhisi karo Afrika weyn. Annaga oo Afrikaan ah oo keliya ayaa taas samayn karna."
Dangote, oo maalgashiyadiisu ku kala baahsan yihiin sibidhka, tamarta, bacriminta iyo saadka, ayaa hadda ku lug leh qaar ka mid ah mashaariicda warshadaynta ee ugu waaweyn uguna hamiga badan qaaradda.
Itoobiya, wuxuu maalgelin ku samaynayaa warshad bacriminta beeraha soo saarta, wuxuuna qayb ka yahay dhismaha dhuun shidaal oo Jabuuti ku xiri doonta magaalada Dawaale ee ku taalla xadka Itoobiya.
Kenya, wuxuu taageerayaa mashruuc warshad shidaalka sifaysa oo la filayo inuu wax ka beddelo waaxda tamarta ee gobolka.
Dangote wuxuu aaminsan yahay in dalalka Afrika ay kheyraadkooda ku farsameeyaan gudaha, halkii ay alaabta ceeriin dhoofin lahaayeen, dabadeedna ay dibadda ka soo dhoofsan lahaayeen badeecadaha dhammaadka ah.
"Waa waqtigii ay Afrika hurdada ka toosi lahayd oo ay ka shaqayn lahayd horumarinteeda dhaqaale," ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale ku doodayaa in caqabadaha hortaagan ganacsigu ay weli yihiin qaar ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee hor istaagaya kobaca dhaqaalaha qaaradda.
"Caqabadda ugu weyn ee hortaagan kobaca dhaqaalaha Afrika waa xayiraadaha lagu soo rogo isu-socodka dadka, badeecadaha iyo adeegyada u dhexeeya dalalka Afrika. Waxaan rajaynayaa in Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika uu gacan ka geysan doono wax ka qabashada caqabaddan."
Khubarradu waxay sheegayaan in dadaallada lagu doonayo in kheyraadka lagu kordhiyo qiime dheeraad ah aanay ahayn kuwo si kedis ah ku bilowday.
Dr. Marit Kitaw, oo ah sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dhaqaalaha ee Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika, isla markaana ku takhasustay siyaasadaha macdanta, ayaa isbeddelkan dib ugu celinaysa bilowgii Hindisaha Macdanta Afrika (Africa Mining Vision) sannadkii 2009.
Hindisahaas ayaa ujeeddadiisu ahayd wax ka qabashada dhibaato muddo dheer jirtay: inkastoo dalal badan oo Afrikaan ahi ay hodan ku yihiin macdanta, haddana dhoofinta kheyraadka ceeriin waxay u soo hoynaysay faa'iido dhaqaale oo kooban.
Sida ay sheegtay Dr. Marit, dakhliga ka soo xarooda macdanta badanaa ma horseedin koboc ballaaran oo dhinaca warshadaha ah, mana uusan si weyn u hagaajin heerka nololeed ee dadka.
Mwendia Nyaga, oo ah la-taliye dhanka tamarta ah, ayaa sheegay in arrin kale oo isbeddelkan dhiirrigelinaysa ay tahay cadaadiska ka dhashay tirada dadka oo sii kordhaysa.
Iyadoo malaayiin dhallinyaro Afrikaan ah ay sannad kasta ku biirayaan suuqa shaqada, dowladaha ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya oo ah inay abuuraan shaqooyin, isla markaana ballaariyaan fursadaha dhaqaale.
"Dalalka soo koraya ayaa sannado badan dhoofin jiray alaab ceeriin ah, dabadeedna waxay dibadda ka soo dhoofsan jireen badeecooyin dhammaad-tiran oo laga sameeyay isla kheyraadkaas," ayuu yiri Nyaga.
"Fikradda ah in badeecadaha dibadda laga soo dhoofiyo lagu beddelo kuwo gudaha lagu soo saaro si weyn looma qaadan jirin. Isbeddellada siyaasadeed ee aan hadda aragno waxay gacan ka geysan karaan in hab-dhaqankaas la beddelo."
Dhoofinta dahabka ilaa sifayntiisa gudaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dahabku wuxuu noqday mid ka mid ah tusaalooyinka ugu cad ee muujinaya dadaalka Afrika ugu jirto inay sare ugu kacdo silsiladda qiimaha wax-soo-saarka.
Laga soo bilaabo Koonfur Afrika iyo Ghana ilaa Uganda, Burkina Faso iyo Itoobiya, dalal badan ayaa maalgashi ku samaynaya awoodda sifaynta dahabka ee gudaha, halkii ay dahabka dibadda ugu diri lahaayeen si halkaas loogu farsameeyo.
Hadda, 14 dal oo Afrikaan ah ayaa leh warshado sifeeya dahabka.
Warshadda Rand Refinery ee Koonfur Afrika ayaa weli ah tan ugu weyn uguna taariikhda dheer qaaradda. Tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1920-kii, waxay sifaysay qiyaastii saddex-meelood meel dahabka dunida lagu sifeeyay.
Itoobiya ayaa ka mid ah dalalkii ugu dambeeyay ee ku biiray liiskaas.
Warshadda Qaranka ee Sifaynta Biraha Qaaliga ah ee Itoobiya, oo ku taalla aagga warshadaha ee Bole Lemi ee magaalada Addis Ababa, ayaa la filayaa inay dahab u sifayso suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ahba.
Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya in marka ay ku shaqayso awooddeeda buuxda, warshaddu ay sannadkii sifayn karto ilaa 600 oo tan oo dahab ah.
Dr. Marit waxay sheegtay in faa'iidooyinka arrintani ay aad uga ballaaran yihiin dakhliga laga helo dhoofinta.
"Waxay abuurtaa fursado shaqo oo badan oo ay helaan dhallinyarada iyo haweenku, waxay gacan ka geysataa kobcinta xirfadaha gudaha, waxayna fududaysaa wareejinta tiknoolajiyadda," ayay tiri.

Xigashada Sawirka, FBC
Khubarradu waxay ka digayaan in sifaynta macdanta oo keliya aanay wax ka beddeli doonin dhaqaalaha Afrika.
Waxay sheegayaan in guushu ku xirnaan doonto dhismaha nidaamyo warshadeed oo dhammaystiran oo ku xeeran kheyraadka dabiiciga ah.
Dr. Marit waxay tusaale u soo qaadatay kaydka fosfeytka ee Itoobiya.
Waxay ku doodaysaa in halkii fosfeytka ceeriin ahaan loo dhoofin lahaa, Itoobiya ay u adeegsan karto soo saarista bacriminta gudaha dalka, taas oo keeni karta faa'iido dhaqaale oo badan, isla markaana yarayn karta ku tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno.
Itoobiya waxay bilowday qorshayaal lagu dhisayo warshad bacriminta beeraha soo saarta oo ku taalla Dowlad-Deegaanka Soomaalida, iyadoo iskaashi la samaynaysa shirkadda Dangote Group.
Dal muddo dheer ku tiirsanaa bacriminta dibadda laga soo dhoofiyo, mashruucani wuxuu u taagan yahay isku xirka kheyraadka dabiiciga ah iyo wax-soo-saarka warshadaha.
Dhaqaaleyahan Marid Tulu ayaa sheegay in sugnaanta cuntada, soo saarista tamarta iyo horumarinta warshaduhu ay si isa soo taraysa isugu xiran yihiin.
Wuxuu ku doodayaa in marka Afrika ay ballaariso wax-soo-saarka tamarta iyo shabakadaha kaabeyaasha dhaqaalaha, dalalku ay heli doonaan fursado wanaagsan oo ay kheyraadkooda gudaha ugu farsameeyaan, isla markaana ay ku horumariyaan warshado soo saara badeecooyin qiimahoodu sarreeyo.
Muxuu isku-dhafka dhaqaale ee gobolku muhiim u yahay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Khubarro badan ayaa aaminsan in dadaallada warshadayntu ay guulaysan doonaan oo keliya haddii dalalku iskaashadaan, halkii ay ku tartami lahaayeen dhismaha warshado isku mid ah.
Dr. Marit waxay ku doodaysaa in suuqyada gobolka ay muhiim u noqon doonaan arrintan.
"Haddii Itoobiya ay leedahay warshad sifaysa dahabka, maxay Tansaaniya mid kale uga dhisanaysaa meel eber ah?" ayay isweydiisay.
"Waxay taa beddelkeeda dahabkeeda u diri kartaa Itoobiya si halkaas loogu sifeeyo. Waxaan u baahanahay inaan ka shaqayno isku xirka suuqyada, wadaagista kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashadayaasha."
Tusaalooyin muujinaya iskaashigaas ayaa durba soo baxaya.
Marinka Lobito ayaa isku xiraya Angola, Zambia iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyadoo loo marayo kaabeyaasha tareennada iyo dekedaha ee loogu talagalay fududaynta isu-socodka macdanta iyo badeecadaha kale.
Bariga Afrika, Itoobiya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan ayaa iska kaashanaya marinka LAPSSET, oo ka mid ah mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha ee gobolka ugu waaweyn qaaradda.
Taageerayaasha mashaariicdan ayaa sheegaya inay hoos u dhigi karaan kharashka gaadiidka, wanaajin karaan helitaanka suuqyada, isla markaana xoojin karaan isdhexgalka dhaqaale.
Inkasta oo dadaalladani ay sii xoogaysanayaan, haddana khubaradu waxay ka digayaan in himilooyinka warshadaynta Afrika ay wajahayaan caqabado waaweyn.
Maqnaanshaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo ku filan, caqabadaha helitaanka maalgelinta, koronto-yaraanta iyo xayiraadaha ganacsiga ayaa weli hor istaagaya wax-soo-saarka iyo horumarinta warshadaha dalal badan.
"Waxaa jira caqabad taariikhi ah," ayuu yiri Nyaga.
"Habka muddo dheer jiray wuxuu ahaa in alaabta ceeriin la dhoofiyo, dabadeedna dibadda laga soo dhoofiyo badeecooyin dhammaad-tiran oo laga sameeyay isla alaabtaas, iyadoo lagu iibsanayo qiimo ka sarreeya."
Wuxuu sheegay in beddelidda hab-dhaqankaas ay waqti qaadan doonto.
Dhanka kale, tirada dadka Afrika oo si xawli ah u kordhaysa, gaar ahaan dhallinyarada, ayaa noqon karta saldhig muhiim u ah kobaca warshadaha.
"Fursadda ugu weyn ee aan haysannaa waa dadkeenna," ayuu yiri Nyaga.
"Waxaan haysannaa dad wax soo saara, dhaqaale si xawli ah u koraya iyo suuq macaamiil oo sii ballaaranaya. Taasi waa fursad aad u weyn."
Tobannaan sano, dhaqaalaha dalal badan oo Afrika ah wuxuu si weyn ugu tiirsanaa dhoofinta alaabta ceeriin iyo soo dejinta badeecadaha warshadaysan ee qiimahoodu sarreeyo.
Maanta, dowladaha, maalgashadayaasha iyo dejiyeyaasha siyaasadaha ayaa si isa soo taraysa su'aal uga keenaya habkaas dhaqaale.
In dadaalladani guulaystaan iyo in kale waxay ku xirnaan doontaa maalgelinta, kaabeyaasha dhaqaalaha, iskaashiga gobolka iyo hirgelin wax-ku-ool ah.



























