Ma maqashay dhexdhexaadiyaha 'qarsoon' ee qaybta ka ahaa heshiiskii ay dhawaan gaaren Iran iyo Maraykanka

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Wasiirka Qatar Ali Al-Zawadi ayaa ka mid ahaa liiska madaxda iyo saraakiisha sarsare ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka 23-kii bishan. Sida laga soo xigtay Trump, hogaamiyayaashan ayaa la siiyay warbixin ku saabsan wada xaajoodka.
Isla markii lagu dhawaaqay saxiixa heshiiska is-afgaradka ee Washington iyo Tehraan, waxay warbaahintu farta ku fiiqday muhiimadda Pakistan iyo sidoo kale doorka dhexdhexaadinta Qatar, waxaana si gaar ah isha loogu hayaa wasiirkan Qatar.
Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah wararka Mareykanka, Ali Al-Zawadi wuxuu u safray Tehran afar jeer 10 maalmood ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiska ay garwadeenka ka yihiin Pakistan iyo Qatar.
Ali Al-Zawadi waxa ay warbaahinta Maraykanka ku tilmaamtay inuu yahay dhexdhexaadiye Qatar ah oo dahsoon oo jecel inuu qabto shaqo la taaban karo halkii uu ka ahaan lahaa nin ciwaannada ka muuqda.
Ali Al-Zawadi malaha waa tusaalaha ugu wanaagsan ee dublamaasiyadda aamusan ee Qatar. Mar dhif ah ayuu ka soo muuqdaa indhaha bulshada, ma jiraan xog yar oo isaga ku saabsan oo ka baxsan wareegyada dublamaasiyadda, mana laha akoono rasmi ah oo baraha bulshada ah.
Haddana sannadihii u dambeeyay, Ali al-Zawadi waxa uu u soo baxay in uu yahay shakhsiga ugu saamaynta badan diblomaasiyadda, magaciisana waxa uu inta badan ka soo muuqday marxaladaha muhiimka ah ee wada xaajoodka dagaalka Gaza iyo dadaallada lagu qaboojinayo xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Tehran.
'Wadaxaajoodayaal aan caai ahayn'
Sida laga soo xigtay dhowr war-saxaafadeed, Qatar waxay sidoo kale door muhiim ah ku lahayd wada-xaajoodka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran, taasoo keentay in la saxiixo heshiis is-afgarad ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.
Wargayska Washington Post ayaa cadadkiisii June 17 ku qoray in wiilka uu soddoga u yahay madaxweyne Trump Jared Kushner iyo ergeyga bariga dhexe Steve Witkoff uu kala shaqeeyay "gorgortan aan caadi ahayn," Ali al-Zawadi oo, khabiir ku ah arrimaha bariga dhexe. Ali al-Zawadi, oo intiisa badan ka maqnaa indhaha dadweynaha, ayaa ahaa ergey muhiim ah oo qayb ka ahaa wada-hadalladii nabadda ee Gaza, faylka Venezuela iyo faylalka kale ee Aqalka Cad xilligii Trump, wuxuuna sidoo kale ka qaybqaatay dadaallada dhexdhexaadinta ee maamulka Biden.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wargeyska New York Times, ayaa cadadkiisii uu isla maalintaas daabacay, waxa uu tilmaamay in Maraykanka iyo Iran ay ka codsadeen Qatariyiinta inay dhex dhexaadiyaan, balse Qatar ay diiday ilaa iyo inta dalkeeda lagu weerarayo gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran. Si kastaba ha ahaatee, dhaqangelinta xabad joojinta iyo burburkii wada xaajoodka ka dib, xaaladdu waxay is bedeshay bartamihii bishii May, waxayna Doxa bilowday door dhexdhexaadin ah oo caan ah.
Wargeysku waxa uu intaa ku daray in "Labada dhexdhexaadiye ee Qatar, Ali Al-Zawadi iyo Hamad Al-Kubaisi, ay u tageen Tehraan si ay u soo saaraan faahfaahinta."
18-kii Juun, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa shan ilo Pakistani ah, oo magacooda ka gaabsaday, ayaa sheegtay in wada-hadallada ay ku dhowaadeen inay fashilmaan dhowr jeer. Laba ka mid ah ilo-wareedyo iyo dublamaasi xog-ogaal u ah wada-hadallada ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay faragelinta Qatar si loo sugo heshiiska qaab-dhismeedkiisa, balse ma aysan magacaabin cid ka tirsan dhexdhexaadiyaasha Qatar.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa lagu eedeeyay in uu abaabul qarsoodi ah oo ku saabsan Koobka Adduunka uu sameeyay
Wargeyska The Sunday Times ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa bishii July 2018 ku eedeeyay in guddiga mas'uulka ka ah dalabka Qatar ee martigelinta Koobka Adduunka ee FIFA 2022 ay qorteen saxafiyiin, qoraayo iyo dad kale oo caan ah si ay dacaayad marin habaabin ah uga faafiyaan Australia iyo Mareykanka.
Wargeysku waxa uu sheegay in uu arkay emaillo muujinaya in Qatar ay ka warqabto qorshayaasha. Sida laga soo xigtay wargeyska, Ali Al-Zawadi, oo markaas ahaa ku xigeenka agaasimaha fulinta ee Qatar, ayaa sidoo kale shaqaaleysiiyay shirkad xiriirka dadweynaha ah.
Magaca Al-Zawadi ayaa sidoo kale ka soo muuqday kiiska Senatarka Dimuqraadiga ee Mareykanka Bob Menendez, kaasoo sanadkii hore lagu helay eedeymo musuqmaasuq iyo laaluush.
Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay Senator-ka Mareykanka in uu qaatay lacago laaluush ah oo uu ku bedeshay mucaawinada Mareykanka uu siiyo Masar, islamarkaana uu saameyntiisa iyo xiriirkiisa u adeegsado "in uu u adeego dowladda Qatar".
Sida ay sheegeen dacwad oogayaasha, Bob Menendez waxa uu Al-Zawadi ka codsaday in uu siiyo tigid qof ay qaraabo yihiin xaaskiisa si uu ugu galo tartanka Formula One ee Miami sanadka 2022. Senetarka Maraykanka ayaa sidoo kale fariin qoraal ah u diray wasiirka Qatar oo uu uga mahadcelinayo tigidhada, qoraalkaas oo uu daabacay wargeyska The Telegraph.
Waxaa xusid mudan in Qatar ay beenisay eedeymaha ololaha qarsoodiga ah ee lagu burburinayo Australia iyo dadaallada Mareykanka ee martigelinta Koobka Adduunka ee FIFA, mana jirto wax dambi ah oo lagu soo oogay Al-Zawadi kiiska Menendez.













