Maxay siyaasiyiinta Talyaanigu u soo dhigeen sawirro ay xiran yihiin goonnooyin gaagaaban?

Xigashada Sawirka, instagram@lamalp
Dalka Talyaaniga, hadal ka soo yeeray Antonio Tajani, oo ah ku-xigeenka Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, kaas oo ahaa in "haweeneyda guurka u diyaarka ah ay tahay inay xirato goonno dheer," ayaa dhaliyay muran ballaaran.
Iyagoo ka jawaabaya hadalladaas, siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka ayaa barahooda bulshada soo dhigay sawirro iyagoo xiran goonnooyin gaaban, waxaana 11 haween ah oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ay ka qaybgaleen kulan ka dhacay Aqalka Sare iyagoo xiran "goonno gaagaaban"si ay u muujiyaan mudaaharaad.
Antonio Tajani ayaa intii lagu guda jiray munaasabad dhacday Jimcihii, 18-kii Sebtembar, sheegay in haweenka "soo jiita dareenka dadka" laga yaabo inaan lagu kalsoonaan karin, ayna yihiin kuwo aan daacadnimo badan lahayn. Wuxuu sidoo kale sheegay in sababtaas awgeed ay wanaagsan tahay in la guursado haweenka xirta "goonno dhaadheer" oo "aan dareen badan soo jiidan."
Tajani ayaa sii raaciyay in haweeneyda "aadka u quruxda badan" laga yaabo inay beddeshay lammaanaheeda ama ay khiyaantay marar badan. Wuxuu sidoo kale ku dooday in "haweeneyda aan dareen badan soo jiidan ay noqon karto mid lagu kalsoonaan karo, isla markaana noqon karta hooyo wanaagsan."
Tajani ayaa sidoo kale hadalladan ku xiray aragtiyo siyaasadeed, isagoo ku boorriyay cod-bixiyeyaasha inay u codeeyaan "haweeney dhab ah oo xiran goonno dheer" ama nin aan ahayn mid haweenka ku ciyaara, isagoo ku dooday in jihada siyaasadeed ee xarunta-midig (center-right) ay tahay doorasho lagu kalsoonaan karo marka la eego arrintan.
Antonio Tajani ayaa raaligelin bixiyay ka dib markii muuqaal laga duubay khudbaddiisa uu si weyn ugu faafay baraha bulshada.
Ururka la-dagaallanka rabshadaha ka dhanka ah haweenka ayaa ka falceliyay hadallada Tajani, iyagoo sheegay in "sii socoshada hab-dhaqan lagu doonayo in haweenka lagu khasbo inay raacaan xeerar gaar ah oo ku saabsan muuqaalkooda, dharkooda, iyo dhaqankooda ay tahay wax aan la aqbali karin."
Fiorella Zapata, oo ah afhayeen u hadashay isbahaysiga 'Greens and Left' (Cagaarka iyo Bidixda) oo ah xisbi mucaarad ah, ayaa tiri: "Tajani kama dambayn xilligan casriga ah dhowr iyo toban sano oo keliya, balse wuxuu ka dambeeyaa kumanaan sano."
"Halkii laga cabbiri lahaa dhererka goonnada dumarka nool, waxaa wanaagsanaan lahayd in la tiriyo tirada dumarka la dilay," ayay Zapata u sheegtay dowladda.

Xigashada Sawirka, Chiara Appendino
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si looga jawaabo hadalladaas, siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka ayaa iyaguna bilaabay inay baraha bulshada soo dhigaan sawirro iyagoo xiran goonooyin gaagaaban.
Chiara Appendino, oo ahayd duqii hore ee magaalada Turin isla markaana xildhibaan ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee *Five Star Movement*, ayaa soo dhigtay sawir ay ku xiran tahay goono gaaban, waxayna qortay: "Tajani, miyaanan ahayn haweeney la isku hallayn karo? Miyaanan ahayn hooyo wanaagsan?"
"Ma aqbali karno in wasiir, sanadka 2026-ka, uu noo sheego inaan guursanno haweeney xiran goono dheer oo aan indhaha soo jiidanayn," ayay tiri Appendino.
Matilde Tora, oo ah xildhibaanad ka tirsan golaha magaalada Trulli kana socota Xisbiga Dimuqraadiga (oo ah xisbiga mucaaradka ee dhanka bidix-dhexe), ayaa iyaduna soo dhigtay sawir ay ku xiran tahay goonno gaaban, waxayna qortay: "Haddii aan gabar dhali lahaa, waxaan u sheegi lahaa inaysan dooran qof ku qiimeeya cabbirka goonnadeeda."
Andrea Cioli, oo ah xildhibaan ka tirsan golaha magaalada Florence, ayaa isna ku biiray mowjadda falcelinta, isagoo taageeraya tallaabadaas kuna soo bandhigay sawir uu ku xiran yahay goonno lagu daray iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda sirdoonka macmalka ah (AI).
Matteo Renzi, oo ah Ra'iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga iyo hoggaamiyaha xisbiga "Italy Live", ayaa isna soo dhigay sawirro muujinaya Antonio Tajani oo xiran goonno, wuxuuna qoray: "Tajani wuxuu noqday mawduuc lagu kaftamo baraha bulshada."
Hadallada ka soo yeeray Roberto Vanacci, oo ah hoggaamiyaha xisbiga cusub ee garabka midig ee fog ee loo yaqaan "National Future", ayaa iyaguna sii huriyay muranka.
Barnaamij telefishin, ayuu Vanacci kaga hadlay hadalladii muranka dhaliyay ee Wasiirka Arrimaha Dibadda, isagoo yiri: "Waxaan jawaab fudud ka bixinayaa su'aal fudud: Inta u dhaxaysa haweeney xiran goonno dheer iyo haweeney xiran goonno gaaban, waxaan doorbidayaa haweeney aan xirneyn goonno."
Isagoo ka jawaabaya hadalladaas, wakiilka Xisbiga Dimuqraadiga Alesia Morani ayaa ku tiri Tajani iyo Vanacci: "Runtii waan ka daalay oo waan ka xumaaday dadkan maskaxda godadka ku nool (dadka dib-u-dhaca ah). Waa ku filan tahay!"
Wasiirku raaligelin ayuu bixiyay
Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Antonio Tajani ayaa wajahay dhaleecayn iyo falcelin uga timid ma aha oo kaliya dhinaca mucaaradka, balse sidoo kale xulafada dowladda wada dhisan.
"Maanta waxaan xiranahay goonno. Waxaa laga yaabaa inaysan arrintan ka helin dadka qaarkood ee Muslimiinta ah, sidoo kalena laga yaabo inuusan ka helin Tajani," ayay tiri Susanna Ceccardi, oo ka tirsan Baarlamaanka Yurub kana socota xisbiga League—oo ah xisbi ka mid ah isbahaysiga dowladda haya talada—iyadoo ka hadlaysay kulan ay xisbigeedu qabteen.
"Xisbiga League wuxuu difaacayaa xaqqa ay haweenku u leeyihiin inay xirtaan wax kasta oo ay doonaan. Waxaan aaminsanahay in Silvio Berlusconi uu ku raaci lahaa aragtidan," ayay raacisay Ceccardi, iyadoo tixraacaysa Silvio Berlusconi, oo ahaa Ra'iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga iyo aasaasihii xisbiga Forza Italia oo uu hoggaamiyo Tajani.
Ugu dambeyntii, Antonio Tajani ayaa raaligelin ka bixiyay hadalladiisii muranka dhaliyay.
Tajani, oo ku sugnaa New York si uu uga qaybgalo Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa halkaas ka yiri: "Haddii ay jiraan dad ay dhib ku noqdeen hadalladaydu, waan ka raaligelinayaa, balse waligay kuma talagelin inaan meel uga dhaco haweenka. Waligayna ma samayn arrintaas intii aan noolaa, ha ahaato mid gaar ah ama mid dadweyne hortooda ah."

























