Ehellada mid ka mid ah burcad-badeed lagu xukumay Hindiya oo farriin u diray dowladda Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SOCIAL
- Author, Fardowsa Sheekh Cabdiraxmaan
- Role, Wariye BBC Somali
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Dalka Hindiya, maxkamad ku taalla magaalada Mumbai ayaa toddobaadkan xukun xabsi daa'in ah ku xukuntay 44 muwaadin oo Soomali ah, kadib markii ay qirteyn dembiyadii lagu soo oogay oo kala ahaa burcad-badeednimo iyo falal kale. Xukunkani ayaa la xiriira laba kiis oo kala duwan oo ahaa dhawr af-duub lagu geeystay maraakiib marayey badda Cas iyo Gacanka Cadmeed
Dhalinyadaan ayaa la xiray sanadkii 2024, markii u horreesay ee maxkamad lasoo taagay waxa ay sheegayN in ay xabsiga ay ku jiraan kala kulmeyn caqabado dhowr ah oo ay kamid yihiin kala duwanaanshaha luqadda, cuntada, dhaqanka iyo qaab nololeedka, iyagoo rajeynaya in maxkamadda iyo dowladda ay ka helaan naxariis.
Mid kamid ah ehellada maxaabiista oo BBC Soomaali la hadashay ayaa isna sheegay in wiilashu ay doonayeen in mar uun la xukumo, isaga oo yiri Cabdikaafi Saciid Saalax "marnaba la isma lahayn xukun xabsi daa'in ah baa ku dhacaya, sababtoo ah baddoodii ayey ka shaqeesanayeen, xabsiga nolol kuma aysan haysan oo dhib badan ayey kala kulmayeen".
Labaatankii Luulyo 2026 ayey ahayd markii Garsoore gaar ah Sanjay Dige uu sheegay in burcad badeedda Soomaalida lagu helay dambiyo kala duwan, oo ay ku jiraan Xeerka Ka-hortagga Burcad badeedda Badda, Xeerka Hawlaha Sharci-darrada ah (Ka-hortagga) iyo isku dayga dil, afduubka hoos yimaada Bharatiya Nyaya Sanhita (BNS).
Soddon iyo shan ka mid ah ayaa la xiray Maarso 14, 2024, ka dib markii la sheegay inay afduubteen shaqaalihii markabka ganacsiga ee MV Ruen. Afar iyo toban maalmood ka dib, sagaalka kale ayaa la xiray, iyagoo lagu eedeeyay inay afduub u haysteen shaqaalomarkabka kalluumeysi.
Sidee ayey qoysaska uga falceliyeen?
Dhalinyradaan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya oo tiro intaa la eg iyo xukun noocaan ah uu ku dhaco dalka Hindiya. Qoysaska qaar kamid ah 44ta oo BBC Soomaali la hadashay ayaa sheegay in ay ka naxayn uusanna ahayn xukun ay filayeen, inkasta oo ay sugayeen in go'aanka maxkmadda goorta ay ahaataba hadana ma jirin filasho ay ka qabayn xukun noocaan ah.
Cabdikaafi Saciid Saalax Warfaa oo uu xiran yahay walaalkiis ka wayn oo lagu magacaabo Maxamed Saciid Saalax Warfaa ayaa sheegay walaalkiis iyo dhalinyarada kalaba khalad lagu xukumay, iyaga oo laga qabtay bad ku taalla dalkooda "Dhalinyaradu inta markii hore laga dhici waayey maraakiibta dhibaateenayey baa hadana xukun aan u cuntamayn lagu xukumay, anigu run ahaantii waa ka xumahay".
Cabdikaafi waxa uu tilmaamay in walaalkiisa ay kala xiriiri jireyn website ay leedahay dowladda Hindiya oo u saamaxayey in la xiriiraan walaalkood, iyaga oo ballan sameesanaya maalin ka hor maalinta ay doonayaan in ay la hadlaan, halkaasna ay kala socon jireyn "markii u dambeesay waxaa ka wada hadalnay xaaladda ay ku nool yihiin iyo caqabadaha ay kala kulmaan xabsiga, waxa uuna ii sheegay in aysan cunno fiican helin, sida ay iska roon yihiin, inkasta oo qaarkood meesha ay ku xanuusadeyn", ayuu yiri Cabdikaafi.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida uu inoo sheegay Kaafi, Maxamed waa curadka reerka, da' ahaanna waxaa uu jiro 45 sano, kalluumeystada badaha Puntland ayuu kamid ahaan jiray ka hor inta aan loo qaban maxmuus ahaan.
Markii iskugu war dambeesay Kaafi iyo walaalkiis waxa uu ku tilmaamay in ay ahayd bilowgii sanadkii 2023ka, xilligaa oo uu Maxamed ka baxay magaalada Garoowe, isaga oo kusii jeeday shaqada badda, cidna kuma ogeyn inuu ku biirayo buracadda badda, balse waxa uu Kaafi sheegay in dhowr jeer kalluumeysto uu Maxamed ka mid yahay ay warbaahinta gudaha ka hadleen.
Wuxuu xusay inay xilligaas ka cabanayeen maraakiib iyo doomo dhibaateenaya doomaha ay ku shaqeesanayeen. Mar aan weydiinnay sababta uu maleenayo in walaalkiisa ay ku qasabtay inuu ku biiro ayuu yiri: "Waxaa jira caqabado badan oo ka jira badaha Soomaaliya, kuwaas oo caqabad ku noqday kalluumeystaada Soomaalida, marwalba waxa ay la kulmaan doomo iyo maraakiib, kuwaas oo u keenay in ay shaqeysan waayaan, xitaa mararka qaar shabaago ay dhigtaan ayey ka jaraan".
Kaafi sidoo kale, waxa uu sheegay in howshaan ay tahay mid u taalla dowladda Soomaaliya, ayna ka sugayaan in ay ka hadasho, "dowladdu waxaa ka rajeeneynaa in dalkoodu usoo wareejiyaan, mar haddii uu xukunku ku dhacay annagu waxa aan jeclaan lahayn in dalkooda loo soo wareejiyo", Kaafi.
Goorma ayaa la qabtay wiilasha la xukumay?

Xigashada Sawirka, Indian Navy
Bartamihii bishii Maarso sanadkii 2024-kii ciidamada badda Hindiya ee ku sugnaa xeebaha Soomaaliya ayaa badbaadiyey toddobo iyo toban shaqaale ah oo saarnaa markabka MV Ruen oo muddo saddex bilood ah gacanta ugu jiray burcad baddeeda Soomaaliya, sida ay baahiyeen ciidaamadda badda ee Hindiya.
Howlgal qaatay in ka badan afartan saacood oo gacan ka hadal ah ayaa waxaa fuliyey Markabka dagaalka ee INSSubhadra oo ay caawinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa ilaalada ee aan duuliyaha lahayn, sida ay bartooda X ee hore loo oron jiray Twiter ku sheegeen ciidamada badda Hindiya.
Tirada burcad baddeeda ay ciidamada Hindiya ku qabteen howlgalkaas ayay ku sheegeen in ay dhan tahay 35 nin.
Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.
Sidoo kale ciidamada ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo soo badbaadiyay labo markab oo ay afduubteen burcad-badeedda Soomaaliya ah.
Biyaha iyo xeebaha Soomaaliya ayaa horay u ahaa meel ay ku badan yihiin burcad-badeedda, balse waxaa ay dhammaan joogsadeen, kaddib markii ciidamada caalamiga ah ay kordhiyeen roondada ay halkaasi ka sameeynayaan.
Hindiya ayaa horey gacan uga gaysatay ilaalinta aagga biyaha Soomaaliya tan iyo 2008-dii.
Rajada laga qabo in xabsiga ay ku qaataan Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ay qorayaan qaar kamid ah warbaahinta gudaha ee Hindiya, kadib markii uu dhacay xukunka waxaa maxkmadda la hadlay mid kamid ah maxaabiista isaga oo codsaday in ay suuragal u tahay in Soomaaliya loo celiyo si ay ugu qaataan ciqaabtooda, halkaas.
Maxbuuska ayaa maxkamadda u sheegay in raggan ay qirteen dambiga iyagoo rajeynaya in tani ay xoojin doonto codsiyadooda ku aaddan inay xabsigooda ku qaataan Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay ku wajahayaan gudaha xabsiga dhibaato daran oo la xiriira dhanka dhaqanka, cuntada iyo qaab nololeedka, iyo in aysan haysan ehel ama saaxiibo Hindiya kula sugan.
Dhanka kale, xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Ranjeet Sangle ayaa maxkamadda u sheegay in dadka la xukumay ay warqad u diri karaan Safaaradda Soomaaliya iyagoo u sii maraya madaxa xabsiga haddii ay rabaan inay raadsadaan wareejin. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in go'aanka uu yahay mid u yaalla dowladda Hindiya.
Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ayaa sanadkii 2017 kala saxiixday heshiisyo uu kamid yahay isdhaafsiga maxaabiista, kadib marka la xukumo.














