Samatabixin balaaran oo ka socota Venezuela kadib dhulgariiradii dilay ugu yaraan 235 qof

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Kooxaha gurmadka ayaa si degdeg ah uga dhex baaraya burburka dhismayaasha si ay u badbaadiyaan dadka nool, kaddib markii laba dhulgariir oo aad u xooggan ay ku dhufteen dalka Venezuela, meel u dhow caasimadda Caracas. Dhulgariirradaasi waxay sababeen dhimashada ugu yaraan 235 qof, halka in ka badan 1,500 kalena ay ku dhaawacmeen.

Magaalada Caracas iyo magaalada xeebta ku taalla ee La Guaira ayaa laga maqlayay dad ku xanniban burburka dhismayaasha oo codsanaya gurmad iyo in la badbaadiyo.

Hay'adda Sahanka Juqraafiyeed ee Mareykanka (USGS) ayaa sheegtay in dhulgariirkii ugu horreeyay uu cabbirkiisu ahaa 7.2, balse ilbiriqsiyo yar kaddib uu dhacay mid kale oo ka xoog badan, kaas oo cabbirkiisu gaadhayay 7.5. Labaduba waxay ka dhaceen meel dhulka hoostiisa aad ugu dhow, taas oo sii kordhisay khasaaraha iyo burburka.

Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu ay sii korodho, maadaama dad badan weli la la'yahay, qaar kalena ay hoy la'aan noqdeen ama ay ka baqayaan inay ku laabtaan guryihii iyo dhismayaashii waxyeelladu gaadhay, sidaas darteedna ay habeenkii ku hoyanayaan waddooyinka.

Dhulgariirradu waxay dhaceen Arbacadii saacaddu markay ahayd 6:04 fiidnimo waqtiga maxalliga ah. Maalintaasi waxay ahayd fasax qaran oo dalka Venezuela ah, taas oo sababtay in dad badan ay guryahooda joogaan marka loo eego maalmaha shaqada.

USGS waxay sheegtay in labadii dhulgariirba ay ahaayeen kuwo dhulka u dhow kii hore wuxuu ka dhacay qiyaastii 20.3 kiiloomitir oo dhulka hoostiisa ah, halka kii labaad uu ka dhacay qoto dhan 10 kiiloomitir.

Guddoomiyaha Golaha Qaranka Venezuela, Jorge Rodríguez, ayaa Khamiistii sheegay in tirada dhimashadu ay korortay, kaddib markii madaxweynaha ku-meelgaadhka ah ee dalka, Delcy Rodríguez, ay ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Dalal dhowr ah ayaa ballan qaaday inay ka qayb qaadanayaan hawlgallada samatabbixinta. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay bixinayso gargaar dhan 150 milyan oo doollar, isla markaana ay dirayso maraakiib iyo diyaarado militari si ay u taageeraan hawlgallada baadigoobka, samatabbixinta iyo gurmadka degdegga ah.

Jorge Rodríguez wuxuu sheegay in ku dhowaad 250 dhisme ay burbureen ama ay si weyn u waxyeelloobeen, badankoodna ay ku yaallaan magaalada La Guaira. Muuqaallo ay BBC xaqiijisay ayaa muujinayay hoteel ka koobnaa 10 dabaq oo gebi ahaanba isku beddelay burbur.

Khamiistii, dad badan ayaa halkaas ka raadinayay ehelkooda iyo qaraabadooda.

Juan Ortiz ayaa BBC u sheegay in mid ka mid ah saaxiibbadiisii ugu dhowaa uu geeriyooday, mid kalena loo maleynayo inuu weli ku hoos jiro burburka, halka ku dhowaad 20 qof oo uu yaqaanay oo degganaa deegaanka xeebta ay weli la la'yihiin.

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Xiligii uu dhulgariirku ku dhuftay dalka
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu yidhi: "Waxaan ku jiraa naxdin iyo jahawareer, waxaana iga buuxa murugo maadaama aanan awoodin inaan wax gargaar ah geysto."

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Diosdado Cabello, ayaa sheegay in dhismayaal badan ay sidoo kale ku burbureen magaalada Caracas, iyadoo gobollada Trujillo, Yaracuy, Carabobo, Aragua iyo Miranda ay iyaguna saameyn xooggan la kulmeen.

Duqa degmada Chacao, Gustavo Duque, ayaa sheegay in hal dhisme oo burburay oo keliya ay ku dhinteen 11 qof, halka 23 qof laga soo badbaadiyay.

Muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in kooxaha gurmadku ay sii wadaan qaadista burburka si ay khubaradu ugu gaaraan dadka laga rejeynayo inay weli nool yihiin.

Wuxuu yiri: "Waxaan ku dadaaleynaa inaan badbaadino inta ugu badan ee dadka weli nool."

Madaxweynaha ku-meelgaadhka ah ee Venezuela ayaa sheegtay in garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Maiquetía, oo ku yaalla duleedka Caracas, la xidhay sababo la xiriira burbur xooggan oo gaaray. Muuqaallo laga duubay gudaha garoonka ayaa muujinayay boor iyo qaybo saqafka ka soo dhacaya.

Qiyaastii 250 kiiloomitir waqooyi-galbeed kaga beegan Caracas, muuqaal kale oo la xaqiijiyay ayaa muujiyay dhisme dabaqyo badan leh oo la sheegay inuu ahaa hoteel ku yaalla magaalada xeebta ah ee Tucacas oo gabi ahaanba dumay.

Dhulgariirrada kaddib waxaa sii socday mowjado ruxan ah oo daba socda (aftershocks), iyadoo ugu yaraan 30 ruxan oo kale la diiwaangeliyay. Delcy Rodríguez ayaa sheegtay in tirada dhimashadu ay u badan tahay inay weli sii korodho.

Kooxaha gurmadka oo shaqada ku jira

Xigashada Sawirka, Getty Images

USGS waxay sheegtay in khasaaraha nafeed iyo burburka hantidu ay u badan tahay inay noqdaan kuwo aad u baaxad weyn oo saameeya deegaanno badan.

Hay'addu waxay qiyaastay inay jirto 42% fursad ah in dhimashadu ka badato 10,000 qof, iyo 33% fursad ah inay dhaafto 100,000 qof, iyadoo qiyaastaasi lagu saleeyay xogta dhulgariirro hore oo la mid ahaa, tirada dadka ku nool goobaha ay waxyeelladu gaartay iyo arrimo kale.

Hay'addu waxay caddeysay in tirooyinkaas aanay ahayn saadaal rasmi ah, balse ay yihiin qiyaaso loogu talagalay in lagu haggo qorshaha gurmadka degdegga ah. Waxaa sidoo kale saamayn ku leh tayada dhismayaasha iyo waqtiga ay dhulgariirradu dhaceen.

Venezuela waxay ku taallaa halka ay ku kulmaan laba saxan oo waaweyn oo dhulka hoostiisa ah, waxaana la rumeysan yahay in dhulgariirradu ay ka dhasheen sii-deynta kediska ah ee cadaadiska u dhexeeyay labadaas saxan.

Wariye Luis Hernandez oo ka hawlgala Caracas ayaa BBC u sheegay in ay adkaan doonto in si dhab ah loo ogaado baaxadda khasaaraha, maadaama korontadu go'day isla markaana adeegga internet-ku uu hakad galay.

Wuxuu yidhi: "Dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jirta awgeed aad bay u adag tahay in la qiimeeyo khasaaraha dhabta ah."

Cabello wuxuu sheegay in xaafadaha Altamira iyo Los Palos Grandes ay yihiin meelaha ugu daran ee ay waxyeelladu gaartay.

Labadan xaafadood ayaa sidoo kale ahaa goobihii ugu khasaaraha badnaa dhulgariirkii weynaa ee sanadkii 1967 ku dhuftay Caracas, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 200 oo qof.

USGS waxay sheegtay in dhulgariirkan labaad uu yahay kii ugu xoogga badnaa ee Venezuela ka dhaca tan iyo sanadkii 1900.

Nicole Kolster oo ka tirsan BBC Mundo ayaa tidhi:

"Kani waa dhulgariirkii ugu xoogga badnaa ee aan noloshayda dareemo."

Waxay intaas ku dartay:

"Wuxuu ahaa mid aad u xoog badan oo aan moodayay in dhismuhu igu soo dumayo."

Wararka ayaa sidoo kale sheegay in dadka ku nool caasimadda Colombia ee Bogotá, oo boqolaal kiiloomitir u jirta Venezuela, ay dareemeen gariirka dhulka.

Sawirro la qaaday ayaa muujinayay dad waddooyinka u cararaya si ay uga fogaadaan dhismayaasha kaddib labadii dhulgariir ee isku xigay.

Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela, María Corina Machado, ayaa ku qortay barta X:

"Qalbigayga, garabkayga iyo ducadaydu waxay la jiraan dhammaan qoysaska reer Venezuela ee la daalaa dhacaya saacadahaan adag."

Delcy Rodríguez ayaa sheegtay in kooxaha samatabbixintu ay weli ku hawlan yihiin badbaadinta dadka nool, iyadoo gurmad laga soo diray Mareykanka, Jamhuuriyadda Dominican, El Salvador, Mexico iyo Qatar.

Dad kala cararaya kadib dhulgariirada is xigay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhacdadan ayaa noqotay tijaabadii ugu horreysay ee xiriirka cusub ee u dhexeeya Venezuela iyo Mareykanka tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump bishii Janaayo amar ku bixiyay in la soo qabto Madaxweyne Nicolás Maduro.

Trump ayaa sheegay inuu amar ku siiyay dowladdiisa inay si degdeg ah ugu diyaar garowdo bixinta gargaar.

Wuxuu yiri:

"Labadan dhulgariir ee waaweyn ee ku dhuftay shacabka Venezuela waa kuwo aad u baaxad weyn, waxayna sababeen dhimasho iyo burbur aad u daran."

Wuxuu intaas ku daray:

"Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu bixiyo gargaar kasta oo loo baahdo."

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in dalkiisu uu si degdeg ah u dirayo kooxo samatabbixin, agab caafimaad iyo gargaar bani'aadamnimo.

Maamulka Trump ayaa muddooyinkii u dambeeyay isku dayayay inuu dib u qaabeeyo xiriirka kala dhexeeya Venezuela, kaddib markii la xiray Nicolás Maduro, waxaana bilowgii uu taageero u muujiyay ku-xigeenkiisii hore, Delcy Rodríguez.