Tirada diyaaradaha dagaalka ee uu Mareykanku ku waayay dagaalkii uu la galay Iran oo la shaaciyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixin cusub oo kasoo baxday Golaha Kongareeska ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday baaxadda khasaaraha militari ee Mareykanka kasoo gaaray dagaalkii uu la galay Iran, iyadoo warbixintu sheegtay in guud ahaan 42 diyaaradood oo dagaal oo Mareykan ah ay waxyeelloobeen ama la burburiyay intii uu socday dagaalka.
Warbixintan waxaa diyaariyay Adeegga Cilmi-baarista ee Kongareeska Mareykanka, iyadoo lagu saleynayay xog laga helay waaxda difaaca ee Mareykanka, Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka iyo warbaahinta.
Warbixinta ayaa lagu daabacay bogga internetka ee Kongareeska Mareykanka.
Waaxda cilmi-baarista ayaa bixisay xog ku saabsan dhibaatooyinka ay la kulmeen qeybaha qorsheynta militari, iyada oo aan loo eegin xisbi siyaasadeed.
Warbixintu waxay sheegtay in qalabka militari ee la waayay ay ku jireen diyaaradaha dagaalka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, diyaaradaha qumaatiga u kaca ee hubeysan, iyo diyaaradaha howlgalada gaarka ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale soo xiganaysa sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka, Jules W. Hurst, kaas oo u sheegay Kongareeska in Mareykanka ay ku bixiyeen in ka badan $29 bilyan dagaalka, taas oo ay ku jiraan kharashaadka lagu dayactiray laguna ilaalinayay diyaaradaha burburay ama waxyeelloobay.
Diyaaradda dagaalka ee F-15E

Xigashada Sawirka, Getty Images
Diyaaradaha militari ee lagu xusay warbixinta waxaa ka mid ah afar diyaaradood oo ah nooca F-15E Strike Eagle.
Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in qaar ka mid ah diyaaradahaas lagu soo riday gudaha Kuwait, taas oo uu ku tilmaamay "weerar khalad ah oo ka yimid ciidamada xulafada."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hal dhacdadan, lix ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa ka badbaaday iyaga oo aan wax dhaawac ah soo gaarin.
Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in 5-ta April 2026, diyaarad dagaal oo ah nooca F-15E Strike Eagle ay ku burburtay intii lagu jiray weerar ka dhacay gudaha Iran, halkaas oo labada duuliye lagu soo badbaadiyay hawlgal samatabixin oo ballaaran.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay bayaan la soo saaray 19-ka May, oo lagu sheegay in diyaarad dagaal oo Mareykan ah oo ah nooca F-35 Lightning II ay luntay kadib markii ay soo ridday nidaamka difaaca gantaallada ee Iran.
Markaas, Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in diyaaradda F-35 Lightning II ay sameysay degitaan degdeg ah kadib markii lagu weeraray gudaha Iran, balse ay si nabad ah u degtay, duuliyuhuna uu caafimaad qabo.
Si kastaba, Xarunta Howlgallada Militariga ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada, inkastoo kanaalka wararka Mareykanka ee CNN uu sheegay in diyaaradda la weeraray.
Warbixinta Kongareeska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in shir jaraa'id oo dhacay 6-da Apri
il 2026, Guddoomiyaha Taliyeyaasha Isku Dhafka Ciidamada Mareykanka, Janaraal Dan Caine, uu sheegay in 3-dii April diyaarad nooca A-10 Thunderbolt II ay cadawgu soo rideen, kadibna ay burburtay, balse duuliyuhu uu ka badbaaday.
KC-135 diyaarad shidaalka hawada ku siisa diyaaradaha kale
Intaa waxaa dheer, diyaarad shidaal-bixiye ah oo ah nooca KC-134 tanker aircraft ayaa ku burburtay hawada dalka Iraq, taas oo keentay in la waayo lix duuliye.
Shan diyaaradood oo kale ayaa sidoo kale lagu burburiyay weerar gantaallo ah oo ka dhacay saldhigga militariga ee Prince Sultan ee dalka Sacuudiga.
Warbixintu waxay sidoo kale xaqiijisay burburka diyaarad ilaalin iyo basaasnimo ah oo Mareykan ah oo ah nooca E-3 Sentry, taas oo lagu weeraray gudaha Sacuudiga
Sawirro dambe oo la faafiyay ayaa muujiyay burburka diyaaradda oo laba u kala jabtay.
E 3 Sentry dayuuradaha bixiya digniinta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixintu waxay sheegaysaa in 28-ka March, weerar gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ay Iran fulisay lagu beegsaday saldhiga ciidamada cirka ee Prince Sultan gudaha Sacuudiga, taas oo sida la sheegay lagu burburiyay diyaarad nooca E-3 Sentry.
7-da March, waxaa sidoo kale la sheegay in diyaaradaha la dhigey meel aan ammaan ahayn.
Waqtigaas, sawirro laga qaaday garoonka diyaaradaha ayaa muujiyay sida diyaaradda Ciidanka Cirka ee Mareykanka ay u burburtay.
Qaybta xaqiijinta wararka ee BBC ayaa xaqiijisay in sawirrada laga qaaday gudaha xerada Prince Sultan, oo qiyaastii 100 kiiloomitir u jirta caasimadda Riyadh.
Dhismayaasha ka muuqday sawirrada, sida xarumaha xogta iyo bakhaarrada kaydka, ayaa la sheegay inay la jaanqaadeen oo ay la mid yihiin sawirrada dayax-gacmeedka .

Xigashada Sawirka, .
MC 130J Commando
5-tii April, warar ayaa sheegay in laba diyaarad oo Mareykan ah oo ah nooca MC-130J Commando II oo ka caawinayay hawlgallada samatabixinta la soo riday kadib markii diyaarad dagaal oo ah F-15E Strike Eagle ay ku burburtay gudaha Iran.
Warbixintu waxay sheegtay in mid ka mid ah diyaaradahaas uu ku guuldareystay inuu si caadi ah uga duulo ama uga hawlgalo goobta uu ku degay, inkastoo duuliyeyaasha lagu guuleystayin la badbaadiyay.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Iran ay soo ridday diyaarad kale oo ah F-15E Strike Eagle, halka uu ku sugan yahay mid ka mid ah duuliyeyaasha aan la ogeyn, taas oo keentay in la bilaabo hawlgal samatabixin oo ballaaran.
Warar laga soo xigtay qaar ka mid ah warbaahinta Iran ayaa sheegay in ay jireen isku dhacyo u dhexeeyay ciidamada Mareykanka iyo Iran intii lagu jiray hawlgalkii lagu raadinayay duuliyaha gudaha Iran.
Madaxweyniha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku tilmaamay dhacdada "hawlgal samatabixin oo aad u ballaaran" oo ka dhacay gudaha Iran, oo ay ka qayb galeen diyaarado badan.

Xigashada Sawirka, .
Helikobtartii howlgalka samatabbixin
Warbixintu waxay sheegaysaa in 16-ka April, Janaraal Dan Caine uu shir jaraa'id ku xaqiijiyay in diyaarad ah nooca qumaatiga u kaca oo ah nooca HH-60W Jolly Green II la burburiyay intii lagu jiray hawlgal samatabixin oo dhacay 5-ta Apriil.
Hawlgalkaas waxaa lagu sheegay inuu la xiriiray badbaadinta duuliye Mareykan ah oo saarnaa diyaarad dagaal oo ah F-15E Strike Eagle, taas oo la rumeysan yahay in lagu soo riday gantaal ay ridday Iran.
Warbixintu waxay xustay in war-saxaafadeed la soo saaray 9-ka April uu sheegay in 24 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) oo Mareykan ah lagu burburiyay weerarro ka dhacay gudaha Iran.
Warbixintu waxay sheegtay in drones-kaas ay ku jireen nooca MQ-9 Reaper, kuwaas oo loo isticmaalo ururinta xogta sirdoonka iyo fulinta weerarro.
Waxaa sidoo kale la sheegay in la burburiyay drone sare oo xog ururin ah oo ah nooca MQ-4C Triton.
Warar ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ay ku andacoodaan in ay gaareen inta badan yoolalkii ay ka lahaayeen gelitaanka dagaalka ay la galeen Iran.
Madaxweynaha hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa sidoo kale marar badan ku adkeeyay in ciidamada dhulka, cirka, iyo badda ee Iran ay "laga adkaaday oo la burburiyay"
Dhanka kale, Iran weli ma aysan soo saarin faahfaahin dhameystiran oo ku saabsan khasaaraha ka soo gaaray dagaalka, balse waxay sii wadaa sheegashada in ay weli awood u leedahay inay sii waddo dagaalka ka dhanka ahMareykanka.













