Cumaan oo saluug ka muujinaysa doorka Maraykanka ee amniga bariga dhexe, dhaliishayna siyaasadda xakamaynta Iran

Badr Busaidi

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Maqaal uu ku qoray wargeyska Faransiiska ee Le Monde, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan Badr Busaidi ayaa ku tilmaamay dagaalkii dhawaan dhex maray Mareykanka, Israa'iil, iyo Iiraan inuu yahay dhibaato cawaaqibkeedu aanu ku koobnayn dhinacyada ku lugta leh, balse ay tahay in dadka Cumaan iyo dalalka Carabta ee Gacanka Faaris ay iyaguna la dhibaatoonayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Cumaan ayaa sheegay in dalku uusan lahayn ujeedo ah inuu ka tago xiriirkii taariikhiga ahaa ee uu la lahaa Mareykanka, laakiin fikraddiisa, "dhibaatadii dhawaan dhacday waxay muujisay in doorka quwadaha shisheeye ee gobolka loo baahan yahay in dib loo eego."

Wuxuu aaminsan yahay in joogitaanka shisheeye uu faa'iido yeelan karo marka uu gacan ka geysto xasilloonida gobolka, halkii uu uga sii dari lahaa amniga iyo xiisadaha sii kordhaya.

Mr. Busaidi, oo u muuqda inuu isku dayayo inuu ku sharaxo mowqifka cusub ee dowladda Cumaan qoraalkan, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in amniga gobolku uusan ku koobnayn marin biyoodka Hormuz. Aragtidiisa, marinnada badda ee ballaaran, laga bilaabo Badda Cas ilaa Bab al-Mandab iyo waqooyiga Badweynta Hindiya, waa qayb ka mid ah sawir istiraatiijiyadeed oo ballaaran oo u baahan iskaashi caalami ah.

Qoraalkan, oo lagu daabacay Le Monde Isniintii, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in hadafka ugu weyn hadda uusan ahayn oo keliya joojinta ku meel gaarka ah ee colaadaha, laakiin uu yahay in la gaaro dhammaadka dhabta ah ee dagaalka iyo in la dhiso hab waara si looga hortago soo noqoshada.

Wuxuu qoray in xitaa xaalad dagaalku uusan weli si buuxda u dhammaan oo ay jirto suurtagalnimada dagaal cusub, casharro laga barto dhibaatadan, halkii diiradda la saari lahaa khaladaadkii hore, waa in la sameeyaa dadaallo lagu dhisayo nidaam cusub oo gobolka ka jira.

Qayb muhiim ah oo ka mid ah qoraalka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan ee Le Monde ayaa loogu talagalay dhaleeceynta siyaasad loo aqoonsaday inay tahay aasaaska amniga Gacanka Faaris tan iyo 1979: siyaasadda xakamaynta Iiraan.

Waxa uu sheegay in aragtidan ay salka ku hayso malo ah in Iran ay khatar jirta ku tahay dalalka Carabta ee Gacanka Faaris iyo danaha reer galbeedka, balse dagaalkii dhawaan dhacay ayaa muujiyay in malo-awaalkaasi uu ahaa mid khaldan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida laga soo xigtay isaga, tobanaan sano oo kharashaad badan oo militari ah, kororka saldhigyada Mareykanka ee gobolka, iyo joogitaanka ciidamada shisheeye, inkastoo qarashka aad u sarreeya, ma aysan abuurin ammaan dhab ah oo waara.

Aragtida Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan, isku dayga in la abuuro amni iyadoo la baabi'inayo ama la go'doominayo waddan waxay keenaysaa oo keliya xasillooni-darro korortay.

Mr. Busaidi waxa uu soo jeedinayaa in gobolku u dhaqaaqo qaab cusub oo amni; mid ku dhisan iskaashi, wada-hadal, iyo ka-qaybgal dhammaan waddamada gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, oo waddankiisu uu ahaa dhexdhexaadiyaha ugu weyn ee is-dhaafsiga fariimaha iyo wada-xaajoodka u dhexeeya Tehran iyo Washington ugu yaraan labaatankii sano ee la soo dhaafay, wuxuu ku nuuxnuuxsaday qoraalkiisa in siddeed waddan oo xeebaha Gacanka Faaris, oo ay ku jiraan Iran, Iraq, Oman, Saudi Arabia, Imaaraadka Carabta, Qatar, Kuwait, Bahrain, oo dhan waxay wadaagaan danaha guud ee muhiimka ah ee amniga gobolka, mana jirto nidaam ammaan oo waara oo ka saari kara dalalkan.

Aragtidiisa, amniga gobolku waa inuu ahaadaa mid ku salaysan "ka qaybqaadashada dhammaan dhinacyada" halkii ay ka ahaan lahayd "xakamaynta hal dhinac ah."