'Riyadii Maraykanka way soo noqotay' Trump oo khudbad ka jeediyay dabaaldegga sanadguurada 250aad ee Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Khudbaddii Donald Trump ee munaasabadda sannad-guurada 250-aad ayaa xambaarsanayd mowduucyo uu inta badan uu ku celceliyo, sida ammaanidda horumarka iyo hal-abuurka Mareykanka, cambaareynta waxa uu ugu yeeray "shuuciyiinta", iyo ka hadalka waxqabadkiisa intii uu xilka hayay.
"Wixii loo yaqaanay Riyada Mareykanka way soo laabatay," ayuu u sheegay dadweyne aad u sacbinayay.
Wuxuu sheegay in ciidamada qalabka sida iyo booliiska ay ku soo qulqulayaan askar iyo shaqaale cusub, taasoo uu sheegay inay hadda mid "adag" in ay ka dhigtay helitaanka shaqooyinka la la xidhiidha ciidamada iyo booliiska.
Khudbaddiisa ayaa sidoo kale taabatay ajandihiisa sharci-dejinta, oo ay ku jiraan dib-u-habeynta nidaamka doorashooyinka ee loo bixiyay Save America Act, amarkii fulinta ee lagu doonayay in lagu baabi'iyo xaqa dhalashada ee qofku ku helo jinsiyadda marka uu ku dhasho Mareykanka, iyo dadaallada lagu ilaalinayo Wax-ka-beddelka Labaad ee Dastuurka Mareykanka, kaas oo dammaanad qaadaya xaqa muwaadiniinta ee hub qaadashada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale maamuusay halyeeyo hore oo ka tirsanaa ciidamada Mareykanka, kuwaas oo hor istaagnaa mid ka mid ah calamada ugu da'da weyn dalka. Waa calan la sameeyay sannadkii 1777 xilligii Kacaankii Mareykanka, kaas oo uu Trump sheegay in lagu daboolay naxashkii George Washington.
Halyeeyadaas waxaa ka mid ahaa askar hore oo ka qayb qaatay dagaalladii uu Mareykanku ku lug lahaa qarnigii la soo dhaafay, sida Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Dagaalkii Kuuriya iyo Dagaalkii Fiyetnaam.
Kabtankii hore ee Ciidanka Mareykanka, Ken Schubring, oo 104 jir ah kana mid ahaa halyeeyadii goob-joogga u ahaa weerarkii Pearl Harbor, ayaa si weyn loogu sacab tumay markii uu Trump soo bandhigay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump ayaa sidoo kale maamuusay Korneylkii hore ee Ciidanka Mareykanka, Paris D. Davis, oo ku guuleystay billadda Medal of Honor, isla markaana ka soo qayb galay Dagaalkii Fiyetnaam.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khudbaddii Donald Trump oo socotay ku dhowaad 40 daqiiqo ayaa ku soo idlaatay hadallo waaweyn oo uu kaga hadlay mustaqbalka Mareykanka.
Markii uu soo afjarayay khudbaddiisa, wuxuu yiri: "Tani waa uun waaberiga xilligii dahabiga ah ee Mareykanka," isaga oo intaa ku daray in masiirka dalka uu "Ilaahay qoray."
Isagoo kaftamaya, ayuu xusay "caqabaddahii" ay keeneen duufaannadii iyo roobabkii goobta ka dhacay, balse wuxuu uga mahadceliyay dadkii isu soo baxay adkaysigii ay muujiyeen.
"Alle ha barakeeyo Mareykanka," ayuu ku soo xidhay khudbaddiisa, hadal gunaanad ah oo ay muddo dheer adeegsan jireen madaxweynayaal kala duwan oo Mareykan ah.
Heerkulka oo kor u dhaafay 100°F (38°C), roobab da'aya iyo halista duufaanno onkod wata ayaa carqaladeeyay qaar ka mid ah dabaaldegyadii.
Dadka ka soo horjeeda Madaxweyne Donald Trump ayaa ku eedeeyay inuu munaasabadda u adeegsanayo dano siyaasadeed. Munaasabadda ayaa lagu wadaa inay ku soo gebogeboowdo waxa lagu tilmaamay "buula-laydhyadii ugu waaweynaa ee la rido taariikhda Maraykanka..."
Buulalaydho ayaa iftiiminaya magaalada Washington DC, iyadoo bandhig 40 daqiiqo soconaya uu ka dhacayo, kaas oo lagu doonayo in lagu jabiyo diiwaanka Guinness World Record ee bandhigga rashka ugu weyn ee abid la sameeyo taariikhda.
Afar madaxweyne oo hore oo Mareykanka soo martay welina nool ayaa sidoo kale diray farriimo ay ku xusayaan munaasabaddan taariikhiga ah.
Madaxweyne Joe Biden, oo ahaa kii ka horreeyay Donald Trump, ayaa xusay qodobka Bayaanka Xorriyadda ee sheegaya in dadka oo dhan si siman loo abuuray.
"Waxaan doorannay waddadaas 250 sano ka hor, balse halkaas ayay shaqadu ka bilaabatay, ma ahayn halka ay ku dhammaatay," ayuu yidhi, isaga oo ka digay in ballanqaadka sinnaanta ee qaranku weli yahay mid aan dhammaystirnayn oo socda.
Madaxweynihii ugu horreeyay ee Madow ee dalka Maraykanku yeesho, Barack Obama, ayaa dib u faafiyay qaybo ka mid ah khudbad uu dhawaan ka jeediyay furitaanka matxafkiisa madaxtinimo.
"Waxaa weli harsan shaqo badan oo lagu dhammaystirayo himilooyinkii aasaaska dalka," ayuu yidhi. "Jiil walba waa inuu sii wataa shaqadii aan la dhammaystirin ee jiilkii ka horreeyay, isla markaana uu sii hormariyo difaacidda waxa saxda ah, sixidda waxa khaldan, iyo ka dhigista midowgeena mid ka sii dhammaystiran."











