Shirkadda Apple oo soo saartay taleefoonkii ugu horeeyay ee laabmi kara; ogoow qiimahiisa iyo waxa u gaarka ah

Sawirka iphone-ka cusuboo loo furi karo sida buug

Xigashada Sawirka, Apple/courtesy

Qoraalka sawirka, Dadka dhaliila shirkadda waxay sheegeen in Apple aysan muuqaalka iPhone-ka wax weyn ka beddelin tan iyo 2007-dii.
    • Author, Kali Hays
    • Role, Technology reporter
    • Author, Lily Jamali
    • Role, North America Technology correspondent
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

John Ternus oo hadda galay toddobaadkiisii labaad isagoo ah madaxa fulinta ee shirkadda Apple, ayaa soo bandhigay isbeddelkii ugu weynaa ee abid lagu sameeyo iPhone-ka, tan iyo markii la soo saaray ku dhowaad 20 sano ka hor.

Ternus oo noqday madaxa ugu sarreeya Apple kadib markii uu iscasilay Tim Cook, ayaa Arbacadii ka soo muuqday masraxa xafladda sannadlaha ah ee lagu soo bandhigo badeecadaha shirkadda, waxaana gadaashiisa ka muuqday sawirro waaweyn oo iPhone-kii ugu horreeyay ee la laabi karo ah.

iPhone-ka cusub oo loo bixiyay *Duo* islamarkaana u qaabeysan sida buug, ayaa noqonaya iPhone-kii ugu weynaa abid ee la soo saaro.

Qiimihiisa Mareykanka wuxuu ka bilaabanayaa 1,999 oo Doollar oo u dhiganta 1,475 Pound, wuxuuna u dhaxeeyaa ilaa 3,200 oo Doollar, taas oo ka dhigaysa iPhone-kii ugu qaalisanaa abid. Halka UK-na qiimihiisu uu ka bilaabanayo 1,999 Pound.

Ternus wuxuu sheegay in naqshadda Duo-ga cusub fikradeeda laga soo qaatay iPad-ka, balse habka uu u laabmo uu yahay mid aad u fudud.

Mashruucan taleefanka la laabi karo ayay Apple ka shaqeyneysay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Marka la furo, Duo-ga cusub wuxuu u muuqdaa sida iPad yar, marka la laabana wuxuu noqdaa iPhone ballaaran.

Ternus wuxuu intii xafladdu socotay sheegay in Apple aysan dooneyn inuu la mid noqdo taleefannada kale ee la laabi karo ee suuqa yaalla, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay "u eg yihiin laba taleefan oo la isku dhejiyay, taas oo ka dhigeysa shaashadda weyn mid u muuqata mid yar."

Wuxuu intaas ku daray in Duo-ga uu yahay "midhaha hal-abuurro waaweyn oo taxane ah oo aan aaminsanahay inay gebi ahaanba beddeli doonaan sida loo isticmaalo taleefanka la laabi karo."

Ternus si toos ah ayuu ugu lug lahaa soo saarista iPhone-ka la laabi karo, maadaama uu muddo dheer ahaa madaxa sare ee qeybta qalabka ee Apple, ka hor intii horraantii sannadkan loo magacaabay inuu beddelo Cook.

iPhone-ka cusub ee la laabi karo wuxuu u shaqeyn karaa laba qaab oo kala duwan.

Xigashada Sawirka, Apple/courtesy

Qoraalka sawirka, iPhone-ka cusub ee la laabi karo wuxuu u shaqeyn karaa laba qaab oo kala duwan.*
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ben Wood oo ah falanqeeyaha ugu sarreeya ee shirkadda cilmi-baarista tiknoolajiyadda ee FDM CCS Insight, ayaa sheegay in dallacsiinta Ternus ay u badneyd mid si ula kac ah loogu beegay xilli loo arko inuu yahay mid ka mid ah isbeddelladii ugu waaweynaa ee lagu sameeyo iPhone-ka sannado badan.

"Waxba Apple kuma dhacaan si kadis ah," ayuu yiri Wood.

Carolina Milanesi oo ah falanqeeye ka tirsan shirkadda Creative Strategies oo goobjoog ka ahayd bandhigga Arbacadii, ayaa sheegtay in habkii Ternus la soo bandhigay uu u ekaa "sidii isaga laftiisa oo badeecad ahaan loo soo bandhigayo."

Isbeddelka lagu sameeyay qaabka iPhone-ka ayaa laga yaabaa inuu meesha ka saaro dhaliilaha ah in Apple aysan weli soo saarin naqshad cusub tan iyo markii iPhone-kii ugu horreeyay la soo saaray 2007-dii.

"Taleefanka la laabi karo wuxuu halis ugu jiraa inuu noqdo qalab qaali ah oo shirkadda u ah muuqaal iyo faan kaliya, magac u soo jiidaya laakiin aan wax faa'iido ama koror dhab ah u keenin iibkeeda," ayuu yiri Dipanjan Chatterjee oo ah falanqeeye ka tirsan shirkadda Forrester.

Markii hore, qiimaha ugu qaalisanaa ee iPhone cusub lagu iibin jiray wuxuu ahaa 900 oo Doollar. Laakiin Arbacadii Apple waxay soo bandhigtay taleefannada cusub ee iPhone 18 Pro iyo 18 Pro Max, kuwaas oo Mareykanka lagu iibinayo qiimo ka bilaabanaya 1,199 Doollar iyo 1,299 Doollar.

Chatterjee wuxuu yiri iPhone-ka la laabi karo waxaa laga yaabaa inay ku dhacdo wixii ku dhacay Vision Pro-ga Apple, oo ah muraayad ay shirkaddu ku qiimeysay 3,699 Doollar oo u dhiganta 2,729 Pound balse aan dadku si weyn u iibsan. Ama waxaa laga yaabaa inuu noqdo sidii Apple Watch oo kale, oo inkastoo aan loo jeclayn sida iPhone-ka haddana ay malaayiin qof iibsadaan sannad kasta.

Caqabad kale oo Apple ka hor istaagi karta in naqshadda cusub si weyn loo iibsado ayaa ah habka dadku u yaqaanaan isticmaalka iPhone-ka.

Milanesi waxay tiri "Taleefannada la laabi karo waa aalado soo jiidasho leh, dad badan ayaana jecel, laakiin waxaa jira caqabad dhab ah oo ku saabsan barashada software-kiisa iyo la qabsiga marka aad ka soo guurto taleefan caadi ah oo aad u guurto mid la laaban karo."

Taleefanka cusub

Xigashada Sawirka, Apple/courtesy

Qoraalka sawirka, Taleefanka cusub

Wood wuxuu sheegay in taleefannada casriga ah ee la laabi karo ee ay hadda suuqa ku hayaan shirkadaha sida Samsung iyo Huawei ay yihiin kaliya 2% wadarta guud ee taleefannada casriga ah ee la iibiyo.

Xitaa haddii nooca ay Apple soo saari doonto uu kordhiyo xiisaha dadka iyo baahida loo qabo, haddana waxaa la filayaa in iibkiisu uu gaari doono kaliya 4% suuqa guud ahaan tobanka sano ee soo socda, sida ay sheegtay shirkadda xogta iyo falanqaynta ee lagu magacaabo FDM CCM Insight.

iPhone-ka ayaa ah badeecada ugu iibka badan ee ay Apple leedahay, wuxuuna ka dhigan yahay in ka badan kala bar iibka guud ee shirkadda sannad kasta.

Bilihii u dambeeyay, shirkaddu waxay sheegtay in dadku u baahan yihiin iPhone-ka in ka badan sidii hore, iyadoo noocii ugu dambeeyay uu noqday kii ugu iibka badnaa ee abid ay soo saarto.

Shirkaddu waxay sidoo kale shaacisay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dib u soo celinta soo socota ee caawiyaheeda codka iyo sheekaysiga ee Siri, oo ay hadda u bixisay *Siri AI*.

Laga bilaabo iPhone 18, software-ka the bot wuxuu awood u yeelanayaa inuu akhriyo wax kasta oo ku jira taleefankaaga - sida fariimahaaga iyo emaylladaada - si uu macluumaad kuugu soo ururiyo, su'aalahaaga uga jawaabo, isla markaana isagoo adiga kuu matalaya howlaha kuu qabto.

Qaar ka mid ah sifooyinka Siri AI waxaa sidoo kale laga heli doonaa Apple Watch-ga cusub, waxaana ka mid ah awoodda lagu duubayo sheekeysiga kadibna qoraal loogu beddelayo, haddii uu qofka xiran yahay uu ogolaado in sifadaas la hawlgeliyo.

Ternus wuxuu sheegay in awoodaha cusub ee AI-ga ee iPhone-ka ku jira ay yihiin sida "xarun caqli badan oo adiga kuu gaar ah", wuxuuna xusay in Apple ay adeegsan doonto xogtaada ugu gaarka ah ee nolol maalmeedkaaga.

Wuxuu xoogga saaray in xogtaas oo dhan ay ahaan doonto mid sir ah oo la ilaaliyo, maadaama inta badan howlaha AI-gu ay si toos ah gudaha taleefankaaga uga shaqeyn doonaan, taas oo micnaheedu yahay in xogtu aysan u bixi doonin shirkado kale oo dibadda ah. Haddii ay lagama maarmaan noqoto in shaqo loo diro meel ka baxsan taleefanka, Ternus wuxuu sheegay in xogtu weli ahaan doonto mid gaar ah oo lagu ilaalinayo server fog oo gaar ah.

Ternus wuxuu yiri: "Shirkadaha kale xogtaas waxay u arkaan wax la uruuriyo lana kaydiyo, laakiin annaga xaggeenna, xitaa Apple lafteedu ma arki karto xogta adiga kuu gaarka ah."