Weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan Sacuudiga saamayn ma ku yeelanayaan cumrada

Cumra
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Weerarrada joogtada ah ee ay maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee Yemen ka fulinayaan gudaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Badda Cas, ayaa dib u soo cusbooneysiiyay walaac xoog leh oo soo foodsaaray Muslimiinta caalamka, gaar ahaan kumannaanka ku howlan qorsheynta safarkooda Cumrada ee bilaha soo socda.

Maalmihii u dambeeyay, maleeshiyaadku waxay beegsadeen garoomo diyaaradeed oo muhiim ah oo ku yaal gudaha Sucuudiga, waxaana ka mid ahaa Garoonka Caalamiga ah ee caasimadda Riyadh. Weerarkii dhacay Jimcaha ayaa sababay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca in ka badan toban kale.

Inkastoo Dowladda Sucuudigu ay marar badan ku celisay in ay qaadday tallaabooyin amni oo adag oo lagu sugayo amniga Xaramka iyo badqabka xujeyda, haddana soo noqnoqoshada weerarada lagu beegsanayo xarumaha istaraatiijiga ah ee dalka ayaa ku kaliftay qaar ka mid ah dadkii u niyeystay Cumrada in ay is weydiiyaan in xiisaddan cakiran ay caqabad ku noqon karto socdaalkooda cibaadada.

Sannadihii u dambeeyay, colaadda ka taagan Yemen ayaa sababtay in Sucuudiga lagu qaado weeraro isugu jira gantaallo riddada dheer ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn, xaalad ku qasabtay mas'uuliyiinta Boqortooyada in ay sii xoojiyaan nidaamka difaaca cirka iyo tallaabooyinka amniga ee garoomada diyaaradaha iyo goobaha kale ee xasaasiga ah.

Hase yeeshee, ilaa iyo hadda labada magaalo ee barakeysan ee Makka Al-Mukarama iyo Madiina Al-Munawara waxay si caadi ah u soo dhaweynayaan malaayiin mu'miniin ah oo ka kala yimid daafaha caalamka si ay u gutaan waajibaadka Cumrada.

Xaaladdan cakiran ayaa dhalisay su'aalo iyo dood xoog leh oo ku saabsan inta ay le'eg tahay saameynta ay weerarrada Xuutiyiinta ku yeelan karaan qorshayaasha safarka ee dadka doonaya inay soo cimraystaan.

Waa maxay salka colaadda Xuutiyiinta iyo Sucuudiga?

Falanqeeyaha arrimaha Bariga Dhexe iyo Imaaraatka Carabta, Maxamed Qaddam Sadiq Isah, ayaa sheegay in xididka colaadda u dhaxeysa maleeshiyaadka Xuutiyiinta iyo Boqortooyada Sucuudiga uu dib ugu laabanayo sanadkii 2014, markii Sucuudiga uu isbahaysi istaraatiiji ah la sameeyay dowladda sharciga ah ee Yemen.

Wuxuu xusay in ururka Xuutiyiintu muddo dheer ku jiray halgan awoodeed oo uu kula jiray dowladda Yemen, kaas oo salka ku hayay loolanka loogu jiro qabsashada talada dalka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Ka hor 2014-kii, Xuutiyiintu waxay xiriir dhow la sameeyeen dowladda Iiraan, taas oo gebi ahaan beddeshay ujeedkoodii. Halgankii ay markii hore ugu jireen qabsashada xukunka Yemen wuxuu isu beddelay ajende ka weyn oo ah in loo adeegsado sidii in cadaadis lagu saarayo Sucuudiga iyo dalalka kale ee jaarka la ah" ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in Iiraan ay Xuutiyiinta u adeegsato si la mid ah sida ay u adeegsato kooxaha kale ee ay taageerto ee gobolka ku sugan, sida Xisbullah-da Lubnaan iyo Xamaas-ta Falastiin.

Falanqeeyaha ayaa intaas ku sii daray in sanadkii 2014, Boqortooyada Sucuudiga ay hoggaamisay isbahaysi ballaaran oo ka kooban dalalka Carabta, kaas oo ujeedkiisu ahaa in lagu soo afjaro afgambigii ay Xuutiyiintu ku qabsadeen qeybo badan oo ka mid ah dhulka Yemen, oo ay ku jirto caasimadda Sanca.

"Xilligaas Isbahaysigu wuxuu ku guuleystay inuu dib u xoreeyo qeybo badan oo ka mid ah dhulka Yemen oo uu afgambiga ka saaro, balse halkaas ayey si rasmi ah uga bilaabatay colaadda tooska ah ee u dhaxeysa Sucuudiga iyo Xuutiyiinta" ayuu yiri.

Ma weerarada Xuutiyiinta ayaa saameyn ku yeelanaya Cumrada?

Muddooyinkii u dambeeyay, Dowladda Sucuudiga waxay shaacisay in kooxda Xuutiyiintu ay isku dayday weeraro ay ku beegsatay magaalooyinka barakeysan ee Makka iyo Madiina, iyadoo todobaadkii la soo dhaafayna ay weerar culus ku qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Riyadh.

Weeraradan soo noqnoqonaya ayaa sii kordhinaya welwelka iyo cabsida dadka u safraya si ay u soo gutaan cibaadada Cumrada.

Qaddam Sadiq wuxuu tilmaamay in juquraafi ahaan uu aad isugu dhow yahay xadka Sucuudiga iyo Yemen, gaar ahaan xarunta ugu weyn ee ay Xuutiyiintu ka taliyaan ee ku taal waqooyiga Yemen oo ku beegan koonfurta Boqortooyada.

Khabiirku wuxuu xusay in arrintan aysan ahayn wax la yaab leh marka la eego awoodda ciidan ee uu ururku hadda leeyahay.

"Sida uu ururku u adeegsado hubka casriga ah ee riddada dheer, ma aha wax lala yaabo haddii weeraradoodu ay soo gaaraan magaalooyinka barakeysan ee Makka iyo Madiina," ayuu yiri.

Xuutiyiintu marar badan ayey beeniyeen in ay si ula kac ah u beegsadaan goobaha barakeysan ee Sucuudiga.

Qaddam wuxuu ka digay in haddii xiisaddu ay sii cakiranto ay si toos ah caqabad ugu noqon karto socdaalka cibaadada Cumrada iyo Xajka soo socda.

"Haddii dagaalku sii xoogeysto, saameynta uu ku yeelan doono howlaha cibaadada waa mid muuqata. Waxaa la joojin karaa isticmaalka qaar ka mid ah garoomada diyaaradaha, sidoo kale waxaa la hakin karaa soo gelitaanka ajaanibta, taas oo keeni karta in Cumrada iyo Xajka ay ku koobnaadaan oo kaliya dadka gudaha dalka ku sugan, sidii horay loogu arkay xilligii faafitaanka cudurka Corona" ayuu yiri.

Waa maxay xiriirka ka dhexeeya colaaddan iyo iska horimaadka Iiraan iyo Mareykanka?

Qaddam Sadiq wuxuu carrabka ku adkeeyay in shaki la'aan colaaddan ay si dhow ugu xiran tahay xiisadda taagan ee u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka.

"Maadaama ururka Xuutiyiinta uu hadda ku dhowaad yahay kan kaliya ee ka haray awooddiisa oo ka mid ah kooxaha ay Iiraan taageerto ee ka jira Bariga Dhexe, kadib guuldarrooyinkii waaweynaa ee soo gaaray Xisbullah iyo Xamaas" ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in muhiimadda Yemen ay sii kordheyso marka la eego halka ay ku taallo, maadaama ay gacanta ku heyso marin badeedka istaraatiijiga ah ee Baab Al-Mandab, kaas oo ay Xuutiyiintu doonayaan in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heyntiisa.

"Sidaa darteed, dagaalkan socda waxaa loo arki karaa in uu yahay sii socoshada iyo wejiga kale ee iska horimaadka u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka" ayuu raaciyay.

Sidee loo xallin karaa colaaddan?

Qaddam Sadiq wuxuu sheegay in dhammaan xeeladihii iyo dadaalladii lagu soo afjari lahaa dagaalkan sannadihii la soo dhaafay aan midna laga tagin.

Wuxuu sheegay in waxa ugu weyn ee hurinaya colaadda ay tahay diidmada joogtada ah ee maleeshiyaadka Xuutiyiintu ay ka qabaan in dalka Yemen uu helo nabad waarta oo horseedda doorasho xor ah.

"Sababta waxay tahay in ay leeyihiin damac weyn oo xukunka la xiriira, balse tiradoodu aad ayey ugu yar tahay dalka gudihiisa. Haddii doorasho dhacdo, suurtagal ma aha in ay talada qabtaan, maadaama aysan gaareyn xitaa shan boqolkiiba codka shacabka Yemen" ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray in ay doorbideen adeegsiga awoodda hubka si ay xukunka u qabsadaan oo ay ugu sii dheganaadaan.

"Sidaa darteed, tallaabo kasta oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalkan ma noqon doonto mid fudud" ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Maxamed Qaddam Sadiq Isah.