Dariiqada Qaadiriya: Asalkeeda iyo saamaynta ay dunida ku yeelatay muddo ka badan 900 oo sano

Mallam Sheikh Nasir Kabara
Qoraalka sawirka, Mallam Sheikh Nasir Kabara
    • Author, Isiaku Muhammed
    • Role, BBC News, Abuja
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Muddo ku dhow 960 sano, Dariiqada Qaadiriyada waxay ka mid ahayd kuwa ugu waaweyn dunida, taas oo dadka aaminsan ay sheegaan inay u adeegsadaan hagaajinta quluubta iyo anshaxa ee dunida Islaamka.

Laga soo bilaabo bilowgeedii Baqdaad ilaa ay ku faaftay Waqooyiga iyo Galbeedka Afrika, dariiqadani waxay door muhiim ah ka ciyaartay barashda cilmiga diinta, waxbaridda bulshada, iyo xoojinta xiriirka dadka ay la leeyihiin Ilaahay.

Ku dhawaad toban qarni ka dib waqtigii uu noolaa Sheekh Cabdulqaadir Jiilaani, Dariiqada Qaadiriyada ayaa weli ah mid ka mid ah dugsiyada fikirka ee ugu waaweyn dunida Islaamka.

Hogaamiyaha Dariiqada Qaadiriyada ee Galbeedka Afrika, Sheekh Qariibullaah Naasiru Kabara, ayaa sharraxay in taariikhda dariiqadani ay ka soo unkantay noloshii Sheekh Cabdulqaadir Jiilaani, kaas oo loo arko mid ka mid ah culimada ugu saamaynta badan taariikhda Islaamka.

Asalka Qaadiriyada iyo tiirarkeeda

Qaadiriya

Sida uu sheegay Sheekh Qariibullaah, Sheekh Cabdulqaadir Jiilaani wuxuu ku dhashay sannadkii 470-kii Hijriyada, gobol la yiraahdo Jiilaan, kaas oo ku yaalla dalka Iiraan maanta loo yaqaano.

"Sheekh Cabdulqaadir Jiilaani wuxuu ku dhashay Jiilaan. Markuu jiray qiyaastii toddoba ama siddeed sano gaaray, hooyadiis waxay u dirtay Baqdaad si uu wax u soo barto. Halkaas ayuu ku bartay luuqadda Carabiga, cilmiga diinta, iyo Suufinimada, ilaa uu Alle darajadiisa kor u qaaday" ayuu yiri Sheekh Qariibullaah.

Wuxuu sheegay in haddii laga soo bilaabo xilligii uu dhashay Sheekh Cabdulqaadir Jiilaani ilaa waqtigii uu noolaa iyo geeridiisii, ay ka soo wareegtay muddo qiyaastii 960 sano ah iyo wax ka badan, taas oo ah muddada ay jirtay dariiqadan.

In kasta oo Sheekh Cabdulqaadir uu dhallinyaranimadiisii ku caan baxay aqoonyahannimo iyo wacdi, haddana taariikh nololeedkiisu ayaa muujinaya inuu tan iyo yaraantiisii lahaa calaamado muujinaya hoggaamin iyo anshax wanaagsan.

Mid ka mid ah sheekooyinka ugu caansan ee ku saabsan isaga ayaa ah markii ay koox tuugo ah jidka u galeen si ay hantidiisa uga qaataan. Hase yeeshee, markii ay arkeen daacadnimadiisa iyo dabeecaddiisa wanaagsan, quluubtoodu way jilicday, waxayna ka toobad keeneen dambigii ay sameeyeen.

Sheekh Qariibullaah wuxuu yiri: "Culimadu waxay u arkaan in tani ay ka mid ahayd xilliyadii ugu horreeyay ee Sheekh Cabdulqaadir uu bilaabay inuu dadka ugu yeero xagga Ilaahay," isagoo tilmaamaya inaysan ahayn oo kaliya wacdintiisa, balse ay ahayd dabeecaddiisa oo gacan ka geysatay arrintan.

Sida uu sheegay, tani waxay muujinaysaa in dib-u-habeynta bulshadu aysan ka bilaaban ereyo oo kaliya, balse ay ka bilaabato akhlaaq wanaagsan.

Halka ay ka soo askuntay dariiqada Qaadiriya

Qaadiriya
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sheekh Qaribullah wuxuu sheegay in xididdada dariiqada Qaadiriyada ay aad ugu dhaw yihiin waxa ay dhigayaan Qur'aanka iyo Sunnaha.

Sida uu sheegay, "Ujeeddada ugu weyn ee Qaadiriyada waa hagaajinta qalbiga. Sheekh Cabdul Qaadir wuxuu ku dhisay arrintan: ku-salinta Nabiga (NNKH), istiqfaarta (dambi-dhaaf weydiisashada), xuska Alle, iyo ku-dayashada dabeecadaha Rasuulka Alle".

Sida uu xusay, ujeeddada dariiqadan waa in lagu caawiyo Muslimiinta inay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin Eebahood, iyo sidoo kale hab dhaqankooda ku aaddan dadka kale.

Sheekh Qaribullah wuxuu sharraxay inay jiraan mabaadi' muhiim ah oo hagta dadka raacsan dariiqadan:

Alle ka cabsiga

U shaqeynta Alle

Daahirnimada qalbiga

Badinta xuska Alle

Ku dayashada dabeecadaha Rasuulka Alle (NNKH)

Faafinta aqoonta iyo caddaaladda

Taariikhyahanno badan ayaa u arka dariiqada Qaadiriyada inay tahay mid ka mid ah dariiqooyinka ugu faca weyn uguna saameynta badan adduunka.

Hase yeeshee, Sheekh Qariibullaah wuxuu sharraxay in inkastoo culimadu aaminsan yihiin inay tahay tan ugu faca weyn uguna saameynta badan, haddana mabaadi'da inta badan dariiqooyinka Suufiyada ay yihiin kuwo isku mid ah.

Wuxuu yiri: "Marka laga hadlayo dariiqada Qaadiriyada iyo shuruudaheeda, ma jiro farqi weyn oo u dhexeeya Qaadiriyada iyo dariiqooyinka kale. Dhammaantood waxay diiradda saaraan hagaajinta qalbiga iyo u dhawaanshaha Ilaahay."

Sidii ay ku soo gashay Afrika

Arrimaha ku saabsan sida ay dariiqadu ku gaartay Galbeedka Afrika ayaa ka mid ah mowduucyada ay taariikhyahannadu muddo dheer ka doodayeen.

Sheekh Qaribullah ayaa sheegay inay jiraan laba sheeko oo waaweyn oo arrintan ku saabsan. Sheekada koowaad, wuxuu ku xusay in culimo waaweyn sida Imaam Abu Yacza Al-Maghribi oo ka yimid dalka Marooko iyo Sheekh Shucayb Abu Madyan oo ka yimid Aljeeriya ay si toos ah ula kulmeen Sheekh Cabdulqaadir Jiilaani, waxna ka barteen.

Wuxuu yiri: "Culimadan waxay la kulmeen Sheekh Cabdulqaadir Jiilaani, iyagoo si toos ah uga qaatay dariiqada. Kadibna waxay cilmigaas gaarsiiyeen Waqooyiga Afrika, iyadoo ardaydooduna ay markii dambe u gudbeen waddamada Maali, Nayjar iyo dalal kale oo ku yaalla Galbeedka Afrika".

Sida uu sheegay, tani waxay muujinaysaa in manhajka dariiqada Qaadiriyada uu bilaabay inuu soo galo gobolka xilligii uu noolaa Sheekh Cabdulqaadir Jiilaani.

Hase yeeshee, waxaa jira warbixin taariikhi ah oo sheegaysa in Sheekh Cabdulqaadir Jiilaani uu booqday qaybo kale oo ka mid ah dunida, oo ay ku jirto Galbeedka Afrika.

Sheekh Qaribullah wuxuu xogtan u cuskaday qoraallo ay sameeyeen culimo noolaa xilligii Sheekh Cusmaan Danfodiyo.

Wuxuu yiri: "Qoraallada Sheekh Gidado Wasiiri dan Lema, waxaa ku xusan xog ku saabsan booqashooyin la sheegay inuu Sheekh Cabdulqaadir ku tagay dalal kala duwan, oo ay ka mid tahay gobolka Galbeedka Afrika. Waxaa la sheegay in mid ka mid ah booqashooyinkaas uu ku yimid dalka Nayjeeriya".

Inkastoo ay taariikhyahannadu ku kala aragti duwan yihiin arrintan, haddana sheekadan waxay ka mid tahay xogta laga helay qaar ka mid ah qoraalladii hore.