Maxay TikTok u bixinaysaa 100 milyan oo doollar, yaase lacagta la siinayaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkadda TikTok ayaa oggolaatay inay 100 milyan oo dollar siiso gobolka Alabama ee Maraykanka, isla markaana ay sameyso isbeddello dhowr ah oo lagu xaddidayo isticmaalka TikTok ee carruurta, taas oo qayb ka ah heshiis lagu soo afjarayo dacwad.
Heshiiska ayaa la gaaray wax yar ka hor intii aan la bilaabin maxkamadeynta dacwadda oo guddiga xeerbeegtida ah loo qorsheeyay inay bilaabato Isniintii. Dacwadda ayaa TikTok ku eedeysay inay si ula kac ah u qaabeysan tahay si carruurta ay ugu qabatimo adeegyada iyo muuqaalada ay bixiso, iyadoo dacwaddan ay la mid tahay dacwado badan oo laga gudbiyay shirkadaha baraha bulshada.
Sida heshiiska cusub dhigayo, TikTok waxaa laga doonayaa inay hirgeliso tallaabooyin cusub oo badbaado ah, oo ay ka mid yihiin in carruurta loo oggolaado inay TikTok isticmaalaan ugu badnaan laba saacadood maalintii, iyo in isticmaalka laga xaddido saacadaha habeenkii iyo xilliyada iskuulka.
Isbeddelladan waxay kaliya ka dhaqan geli doonaan gobolka Alabama. Tani waa markii ugu horreysay ee TikTok ay heshiis noocan ah la gaarto gobol ka tirsan Maraykanka.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay," ayay BBC-da u sheegtay Katherine Robertson, oo ah madaxa qareennada Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Alabama.
Waxay sheegtay in gobolka iyo TikTok ay wada-hadallo dhexdhexaadin ah ku jireen ka hor inta aan dacwadda maxkamad la gayn, heshiiska hadda la gaarayna ahaa dalabkii ugu dambeeyay ee gobolka.
Robertson ayaa sidoo kale sheegtay in heshiisku yahay mid si weyn u xaddidaya isticmaalka, isla markaana TikTok lagu qasbayo inay wax ka beddesho siyaasado badan oo gobolka uu u aqoonsaday inay qayb ka yihiin waxa uu ugu yeeray "dagaalka ka dhanka ah carruurnimada."
Xaddidaadaha cusub ee waqtiga iyo isticmaalka TikTok ayaa isla markiiba dhaqan geli doona.

Xigashada Sawirka, Getty
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si kastaba ha ahaatee, TikTok waxay haysataa muddo gaareysa hal sano si ay u hirgeliso isbeddellada kale ee ku jira heshiiska, kuwaas oo ay ka mid yihiin habab lagu xaqiijinayo da'da dadka isticmaala.
Qaar badan oo ka mid ah tallaabooyinkan waxay ku saleysan yihiin hannaan lagu dejiyey heshiis ay bishii Agoosto gaareen shirkadda Meta iyo Xeer-ilaaliyeyaasha Guud ee 52 gobol oo Maraykanka.
TikTok ayaa sidoo kale oggolaatay inay Alabama siiso lacag gaareysa 300 milyan oo dollar, haddii aysan fulin shuruudaha ku xusan heshiiska cusub. Lacagta 100-ka milyan ee dollar ah waxaa gobolka la siin doonaa muddo 45 maalmood gudahood ah.
Tallaabooyinka kale ee badbaadada ee heshiiska lagu daray waxaa ka mid ah habab u oggolaanaya waalidiinta inay si weyn u xakameeyaan isticmaalka TikTok ee carruurtooda, xaddidaad lagu sameeyo qaar ka mid ah waxyaabaha ku jira barnaamijka, iyo habab cusub oo lagu xaqiijinayo da'da isticmaalayaasha da'da yar.
TikTok ayaa sidoo kale xaddidi doonta in akoonnada carruurta ay si fudud u helaan dadka waaweyn. Waalidiintana waxaa lagu wargelin doonaa haddii ay dhacaan wax ay shirkaddu ku tilmaanto "isdhexgal shaki leh" oo u dhexeeya isticmaalayaasha da'da yar iyo dadka waaweyn.
Sidoo kale, carruurta waxaa si buuxda looga mamnuuci doonaa isticmaalka dhammaan waxyaabaha is qurxinta (cosmetic filters).
Afhayeen u hadlay TikTok ayaa sheegay:
"Mudnaanta TikTok waxay mar walba ahayd inay abuurto goob ammaan ah oo wanaagsan, halkaas oo dadku ku soo bandhigi karaan hal-abuurkooda, ku ogaan karaan waxyaabaha ay xiiseeyaan, isla markaana ay kula xiriiri karaan bulshadooda."
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in tallaabooyinkani ay qayb ka yihiin dadaalka TikTok ee lagu sii xoojinayo tallaabooyinka badbaadada, si loo ilaaliyo isticmaalayaasha da'da yar.
Horraantii sanadkan, TikTok waxay wax ka beddeshay qaabka lahaanshaha ganacsigeeda, iyadoo koox cusub oo maalgashadayaal ah ay la wareegtay maamulka hawlaha shirkadda ee Maraykanka.
Qaybta kale ee ganacsiga TikTok waxaa laga sii maamulaa Shiinaha.


























